< Boqorradii Labaad 17 >

1 Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood.
In the twelfth year of Ahaz king of Judah, the reign of Hoshea son of Elah began. He ruled in Samaria over Israel for nine years.
2 Oo wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, laakiinse uma uu samayn sidii boqorradii dalka Israa'iil oo isaga ka horreeyey.
He did what was evil in the sight of Yahweh, yet not as the kings of Israel who were before him.
3 Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro.
Shalmaneser king of Assyria attacked him, and Hoshea became his servant and brought him tribute.
4 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Hoosheeca ka gartay shirqool, waayo, wuxuu wargeeyayaal u dirtay Soowa oo boqorkii Masar ahaa, oo boqorkii Ashuurna gabbaro ma uu siin siduu sannad kasta yeeli jiray; sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur wuu xidhay oo xabsi ku riday.
Then the king of Assyria realized that Hoshea had been plotting against him, for Hoshea had sent messengers to So king of Egypt; also, he offered no tribute to the king of Assyria, as he had done year by year. So the king of Assyria shut him up and bound him in prison.
5 Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey.
Then the king of Assyria attacked throughout all the land, and attacked Samaria and besieged it for three years.
6 Oo Hoosheeca sannaddiisii sagaalaad ayaa boqorkii Ashuur qabsaday Samaariya, oo dadkii Israa'iilna wuxuu u kaxaystay Ashuur, oo wuxuu dejiyey Xalax, iyo Xaaboor oo webigii Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday.
In the ninth year of Hoshea, the king of Assyria took Samaria and carried Israel away to Assyria. He put them in Halah, at the Habor River of Gozan, and in the cities of the Medes.
7 Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,
This captivity happened because the people of Israel had sinned against Yahweh their God, who had brought them up from the land of Egypt, from under the hand of Pharaoh king of Egypt. The people had been worshiping other gods
8 wayna ku socon jireen qaynuunnadii quruumaha kale, kuwaasoo Rabbigu ka eryay dadka Israa'iil hortooda, iyo kuwii ay boqorradii dadkii Israa'iil samaysteenba.
and walking in the practices of the nations whom Yahweh had driven out before the people of Israel, and in the practices of the kings of Israel that they had done.
9 Oo dadkii Israa'iil waxay Rabbiga Ilaahooda ah si qarsoon ugu samayn jireen waxyaalo aan qummanayn, oo magaalooyinkooda oo dhan waxay ka dhisan jireen meelo sarsare tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
The people of Israel did secretly—against Yahweh their God—things that were not right. They built for themselves high places in all their cities, from the watchtower to the fortress.
10 Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.
They also set up stone pillars and Asherah poles on every high hill and under every green tree.
11 Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.
There they burned incense in all the high places, as the nations had done, those whom Yahweh had carried away before them. The Israelites performed wicked things to provoke Yahweh to anger;
12 Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.
they worshiped idols, about which Yahweh had said to them, “You will not do this thing.”
13 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.
Yet Yahweh had testified to Israel and to Judah by every prophet and every seer, saying, “Turn from your evil ways and keep my commandments and my statutes, and be careful to keep all the law I commanded your fathers, and that I sent to you by my servants the prophets.”
14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.
But they would not listen; instead they were very stubborn like their fathers who did not trust in Yahweh their God.
15 Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.
They rejected his statutes and the covenant that he had made with their ancestors, and the covenant decrees that he had given to them. They followed useless practices and they themselves became useless. They followed the pagan nations who were around them, those that Yahweh had commanded them not to imitate.
16 Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.
They ignored all the commandments of Yahweh their God. They made cast metal figures of two calves to worship. They made an Asherah pole, and they worshiped all the stars of the heavens and Baal.
17 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.
They made their sons and daughters pass through the fire, they used divination and enchantments, they sold themselves to do that which was evil in the sight of Yahweh, and they provoked him to anger.
18 Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane.
Therefore Yahweh was very angry with Israel and removed them out of his sight. There was no one left but the tribe of Judah alone.
19 Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen.
Even Judah did not keep the commandments of Yahweh their God, and they followed the practices that Israel had done.
20 Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray.
So Yahweh rejected all the descendants of Israel; he afflicted them and gave them into the hand of those who would take the possession as spoil, until he had cast them out of his sight.
21 Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn.
He tore Israel from the royal line of David, and they made Jeroboam son of Nebat king. Jeroboam drove Israel away from following Yahweh and made them commit a great sin.
22 Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin
The people of Israel followed all the sins of Jeroboam and they did not depart from them,
23 ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.
so Yahweh removed Israel from his sight, as he had said through all his servants the prophets that he would. So Israel was carried away out of their own land to Assyria, and it is this way to this present day.
24 Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen.
The king of Assyria brought people from Babylon and from Kuthah, and from Avva, and from Hamath and Sepharvaim, and placed them in the cities of Samaria in place of the people of Israel. They took over Samaria and lived in its cities.
25 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay.
It happened at the beginning of their residence there that they did not honor Yahweh. So Yahweh sent lions among them which killed some of them.
26 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas.
So they spoke to the king of Assyria, saying, “The nations that you have carried away and placed in the cities of Samaria do not know the practices required by the god of the land. So he has sent lions among them, and, see, the lions are killing people there because they do not know the practices required by the god of the land.”
27 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas.
Then the king of Assyria commanded, saying, “Take one of the priests there whom you brought from there, and let him go and live there, and let him teach them the practices required by the god of the land.”
28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen.
So one of the priests whom they had carried away from Samaria came and lived in Bethel; he taught them how they should honor Yahweh.
29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen.
Every ethnic group made gods of their own, and put them in the high places that the Samaritans had made—every ethnic group in the cities where they lived.
30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa,
The people of Babylon made Succoth Benoth; the people of Kuthah made Nergal; the people of Hamath made Ashima;
31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim.
the Avvites made Nibhaz and Tartak. The Sepharvites burned their children in the fire to Adrammelek and Anammelek, the gods of the Sepharvites.
32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare.
They also honored Yahweh, and appointed from among themselves priests of the high places, who sacrificed for them in the temples at the high places.
33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
They honored Yahweh and also worshiped their own gods, in the customs of the nations from among whom they had been taken away.
34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,
To this day they persist in their old customs. They neither honor Yahweh, nor do they follow the statutes, decrees, the law, or the commandments that Yahweh gave to the people of Jacob—whom he named Israel—
35 kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;
and with whom Yahweh had made a covenant and commanded them, “You will not fear other gods, nor bow yourselves to them, nor worship them, nor sacrifice to them.
36 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya;
But Yahweh, who brought you up from the land of Egypt with great power and a raised arm, is the one you must honor; it is to him that you will prostrate yourselves, and it is to him that you will sacrifice.
37 oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale.
The statutes and the decrees, the law and the commandments that he wrote for you, you will keep them forever. So you must not fear other gods,
38 Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan;
and the covenant that I have made with you, you will not forget; neither will you honor other gods.
39 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.
But Yahweh your God is who you will honor. He will rescue you from the might of your enemies.”
40 Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.
They would not listen, because they continued to do what they had done in the past.
41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
So these nations feared Yahweh and they also worshiped their carved figures, and their children did the same—as did their children's children. They continue to do what their ancestors did, up to this day.

< Boqorradii Labaad 17 >