< Boqorradii Labaad 16 >
1 Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.
Katika mwaka wa kumi na saba wa Peka mwana wa Pemalia, Ahazi mwana wa Yothamu mfalme wa Yuda, akaanza kutawala.
2 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.
Ahazi alikuwa na umri wa miaka ishirini alipoanza kutawala, na alitawala kwa muda wa miaka kumi na sita katika Yerusalemu. Alifanya yasiyo haki usoni mwa Yahwe Mungu wake, kama Daudi babu yake.
3 Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
Badala yake, akatembea katika njia ya wafalme wa Israeli; hasa, akamuweka mwanaye kwenye moto kama sadaka ya kuteketeza, kufuatana na machukizo ya mataifa, ambayo Yahwe aliwafukuza wana wa Israeli.
4 Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.
Akatoa sadaka na kuchoma ubani mahali pa juu, juu ya milima, na chini ya kila mti mbichi.
5 Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
Kisha Riseni, mfalme wa Shamu na Peka mwana wa Remalia, mfalme wa Israeli, wakaja mpaka Yerusalemu kuteka. Wakamzunguka Ahazi, lakini hawakuweza kumshinda.
6 Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.
Katika kipindi hicho, Resini mfalme wa Shamu akamponya Elathi kwa Shamu na kuwapeleka watu wa Yuda nje ya Elathi. Kisha Washami wakaja kwa Elathi ambapo waliishi hadi leo.
7 Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.
Hivyo Ahazi akatuma wajumbe kwenda kwa Tiglath Pileseri mfalme wa Ashuru, akisema, “Mimi ni mtumishi wako na mwanao. Panda juu na uniokoe kutoka kwenye mikononi ya mfalme wa Shamu na kutoka kwenye mkono wa mfalme wa Israeli, ambao wameniteka.”
8 Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.
Hivyo Ahazi akachukua fedha na dhahabu iliyokuwa imepatikana katika nyumba ya Yahwe na mingoni mwa waweka hazina wa nyumba ya mfalme na kuituma kama zawadi kwa mfalme wa Ashuru.
9 Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.
Kisha mfalme wa Ashuru akamsikiliza, na mfalme wa Ashuru akaenda juu dhidi ya Damaski, akaishinda na kuwabeba watu wake kama wafungwa hadi Kiri. Akamuua Resini pia yule mfalme wa Shamu.
10 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan.
Mfalme Ahazi akaenda Dameski kuonana na Tiglath Pileseri mfalme wa Ashuru. akaiona mdhabahu huko Damski. Akampelekea Uria kuhani mfano wa ile madhabahu na mpangilio wake na mchoro kwa ustadi wote ulikuwa umehitajika.
11 Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.
Hivyo Uria yule kuhani akajenga madhabahu kuwa kama mipango ambayo Mfalme Ahazi atakaporudi kutoka Damaski. Akaimaliza kabla mfalme Ahazi hajarudi kutoka Dameski.
12 Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey.
Kisha mfalme akaja kuto Dameski akaiona ile madhabahu; mfalme akaikaribia ile madhabahu na kutoa sadaka juu yake.
13 Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.
Akatengeneza sadaka yake ya kuteketezwa na sadaka yake ya nafaka, na kunyunyiza damu ya washirika wake sadaka juu ya madhabahu.
14 Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi.
Madhabahu ya shaba ambayo ilikuwa mbele ya Yahwe-akaileta kutoka mbele ya hekalu, kutoka kati ya madhabahu yake na hekalu la Yahwe na kuiweka upande wa kaskazini wa madhabahu yake.
15 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto.
Kisha mfalme Ahazi akamwiamuru Uria kuhani, akisema, “Juu ya madhabahu kubwa teketeza sadaka ya kutekezwa ya asubuhi na sadaka ya kuteketezwa ya nafaka ya jioni, pamoja na sadaka ya watu wote wa nchi, na matoleo ya sadaka ya mazao na sadaka zao za kinywaji. Nyunyiza juu ya hiyo damu yote ya sadaka ya kuteketeza, na damu yote ya kuteketeza. Lakini ile madhabahu ya shaba itakuwa kwa ajili yangu ili niulize ushauri.”
16 Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.
Uria kuhani akafanya kile ambacho Ahazi aliamuru.
17 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.
Kisha mfalme Ahazi akaondoa jopo na mabeseni vitako vinavyobebeka; pia akachukua bahari kutoka juu ya ng'ombe wa shaba ambayo ilikuwa chini ya hiyo na kuiweka juu ya sakafu ya mawe.
18 Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.
Aliondoa njia iliyokuwa kwa ajili ya kuingia kwenye Sabato ambayo walikuwa wamejenga kwenye hekalu, wote pamoja na mahali pa kuingilia mfalme kwenye hekalu la Yahwe, kwasababu ya mfalme wa Ashuru.
19 Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
Kama kwa mambo mengine yanayomuhusu Ahazi na yale aliyoyafanya, je yameandikwa kwenye kitabu cha matukio ya wafalme wa Yuda?
20 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
Ahazi alilala pamoja na babu zake na kuzikwa pamoja babu zake katika mji wa Daudi. Hezekia mtoto wake akawa mfalme katika mahala pake.