< Boqorradii Labaad 13 >

1 Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.
בשנת עשרים ושלש שנה ליואש בן אחזיהו מלך יהודה--מלך יהואחז בן יהוא על ישראל בשמרון שבע עשרה שנה
2 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.
ויעש הרע בעיני יהוה וילך אחר חטאת ירבעם בן נבט אשר החטיא את ישראל--לא סר ממנה
3 Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.
ויחר אף יהוה בישראל ויתנם ביד חזאל מלך ארם וביד בן הדד בן חזאל--כל הימים
4 Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay.
ויחל יהואחז את פני יהוה וישמע אליו יהוה כי ראה את לחץ ישראל כי לחץ אתם מלך ארם
5 (Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.
ויתן יהוה לישראל מושיע ויצאו מתחת יד ארם וישבו בני ישראל באהליהם כתמול שלשום
6 Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.)
אך לא סרו מחטאת בית ירבעם אשר החטי את ישראל--בה הלך וגם האשרה עמדה בשמרון
7 Waayo, Rabbigu waxba dadkii ugama uu reebin Yehoo'aaxaas konton nin oo fardooley ah, iyo toban gaadhifaras, iyo toban kun oo nin oo lug ah mooyaane; waayo, boqorkii Suuriya wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ka dhigay sida boodhka lagu tunto oo kale.
כי לא השאיר ליהואחז עם כי אם חמשים פרשים ועשרה רכב ועשרת אלפים רגלי כי אבדם מלך ארם וישמם כעפר לדש
8 Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
ויתר דברי יהואחז וכל אשר עשה וגבורתו הלוא הם כתובים על ספר דברי הימים--למלכי ישראל
9 Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.
וישכב יהואחז עם אבתיו ויקברהו בשמרון וימלך יואש בנו תחתיו
10 Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.
בשנת שלשים ושבע שנה ליואש מלך יהודה--מלך יהואש בן יהואחז על ישראל בשמרון שש עשרה שנה
11 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.
ויעשה הרע בעיני יהוה לא סר מכל חטאות ירבעם בן נבט אשר החטיא את ישראל--בה הלך
12 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
ויתר דברי יואש וכל אשר עשה וגבורתו אשר נלחם עם אמציה מלך יהודה הלא הם כתובים על ספר דברי הימים--למלכי ישראל
13 Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.
וישכב יואש עם אבתיו וירבעם ישב על כסאו ויקבר יואש בשמרון עם מלכי ישראל
14 Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!
ואלישע חלה את חליו אשר ימות בו וירד אליו יואש מלך ישראל ויבך על פניו ויאמר אבי אבי רכב ישראל ופרשיו
15 Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay.
ויאמר לו אלישע קח קשת וחצים ויקח אליו קשת וחצים
16 Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka.
ויאמר למלך ישראל הרכב ידך על הקשת וירכב ידו וישם אלישע ידיו על ידי המלך
17 Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso.
ויאמר פתח החלון קדמה--ויפתח ויאמר אלישע ירה ויור ויאמר חץ תשועה ליהוה וחץ תשועה בארם והכית את ארם באפק עד כלה
18 Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday.
ויאמר קח החצים ויקח ויאמר למלך ישראל הך ארצה ויך שלש פעמים ויעמד
19 Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.
ויקצף עליו איש האלהים ויאמר להכות חמש או שש פעמים אז הכית את ארם עד כלה ועתה שלש פעמים תכה את ארם
20 Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.
וימת אלישע ויקברהו וגדודי מואב יבאו בארץ בא שנה
21 Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.
ויהי הם קברים איש והנה ראו את הגדוד וישליכו את האיש בקבר אלישע וילך ויגע האיש בעצמות אלישע ויחי ויקם על רגליו
22 Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.
וחזאל מלך ארם לחץ את ישראל כל ימי יהואחז
23 Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin.
ויחן יהוה אתם וירחמם ויפן אליהם למען בריתו את אברהם יצחק ויעקב ולא אבה השחיתם ולא השליכם מעל פניו עד עתה
24 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad.
וימת חזאל מלך ארם וימלך בן הדד בנו תחתיו
25 Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.
וישב יהואש בן יהואחז ויקח את הערים מיד בן הדד בן חזאל אשר לקח מיד יהואחז אביו במלחמה שלש פעמים הכהו יואש וישב את ערי ישראל

< Boqorradii Labaad 13 >