< Boqorradii Labaad 12 >

1 Oo Yehoo'aash wuxuu boqor noqday sannaddii toddobaad oo Yeehuu; oo afartan sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac.
Divenne re nell'anno settimo di Ieu e regnò quarant'anni in Gerusalemme. Sua madre, di Bersabea, si chiamava Sibia.
2 Oo Yehoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii uu wadaadkii Yehooyaadaac isaga baray oo dhan.
Ioas fece ciò che è giusto agli occhi del Signore per tutta la sua vita, perché era stato educato dal sacerdote Ioiada.
3 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.
Ma non scomparvero le alture, infatti il popolo tuttora sacrificava e offriva incenso sulle alture.
4 Oo Yehoo'aash wuxuu ku yidhi wadaaddadii, Alaabta quduuska laga dhigay ee guriga Rabbiga la keenay lacagteeda oo dhan, taas oo ah lacagta nin waluba bixiyey markuu u gudbay kuwa la tiriyo, iyo lacagta kuwii lagu qiimeeyey, iyo lacagta nin kastaba qalbigiisa ka damcay inuu guriga Rabbiga keeno,
Ioas disse ai sacerdoti: «Tutto il denaro delle rendite sacre, che viene portato nel tempio del Signore, il denaro che uno versa per il proprio riscatto e tutto il denaro offerto spontaneamente al tempio,
5 wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.
lo prendano i sacerdoti, ognuno dalla mano del proprio conoscente; con esso eseguiscano le riparazioni del tempio, ovunque appaiano necessarie».
6 Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa.
Ora nell'anno ventitrè del re Ioas i sacerdoti non avevano ancora eseguito le riparazioni nel tempio.
7 Markaasaa Boqor Yehoo'aash wuxuu u yeedhay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, iyo wadaaddadii kaleba, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad guriga meelihiisa jajaban u dhisi weydeen? Haddaba lacag dambe ha ka qaadanina dadka aad taqaaniin, laakiinse meelaha jajaban ee guriga aawadood ku bixiya.
Il re Ioas convocò il sacerdote Ioiada e gli altri sacerdoti e disse loro: «Perché non avete restaurato il tempio? D'ora innanzi non ritirerete più il denaro dai vostri conoscenti, ma lo consegnerete per il restauro del tempio».
8 Oo wadaaddadiina waxay oggolaadeen inayan dadka lacag dambe ka qaadin, oo guriga meelihiisa jajabanna ayan dhisin.
I sacerdoti acconsentirono a non ricevere più il denaro dal popolo e a non curare il restauro del tempio.
9 Laakiinse wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ayaa intuu sanduuq qaaday daboolka ka dalooliyey oo wuxuu ag qotomiyey meeshii allabariga xagga midigta markii guriga Rabbiga la soo gelayo; oo wadaaddadii albaabka dhawri jiray ayaa ku riday lacagtii guriga Rabbiga la keenay oo dhan.
Il sacerdote Ioiada prese una cassa, vi fece un buco nel coperchio e la pose a lato dell'altare, a destra di chi entra nel tempio. I sacerdoti custodi della soglia depositavano ivi tutto il denaro portato al tempio.
10 Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga.
Quando vedevano che nella cassa c'era molto denaro, veniva il segretario del re, insieme con il sommo sacerdote, che riducevano in verghe e contavano il denaro trovato nel tempio.
11 Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,
Consegnavano il denaro controllato nelle mani degli esecutori dei lavori nel tempio. Costoro lo distribuivano ai falegnami e ai muratori, che lavoravano nel tempio,
12 iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.
ai muratori, ai tagliapietre, ai fornitori del legname e delle pietre da taglio per il restauro dei danni nel tempio, insomma per quanto era necessario per riparare il tempio.
13 Laakiinse lacagtii guriga Rabbiga la soo geliyey guriga Rabbiga looguma samayn koobab lacag ah, iyo alaab laambado lagu safeeyo, iyo maddiibado, iyo turumbooyin, iyo innaba weelal dahab ah amase weelal lacag ah,
Ma con il denaro portato al tempio del Signore non si dovevano fare né coppe d'argento, né strumenti musicali, né coltelli, né vassoi, né trombe, insomma nessun oggetto d'oro o d'argento.
14 waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.
Esso era consegnato solo agli esecutori dei lavori, che l'usavano per restaurare il tempio.
15 Oo weliba lama ay xisaabtamin raggii ay lacagta u dhiibeen inay iyagu siiyaan nimankii shuqulka sameeyey, maxaa yeelay, waxay ku shaqeeyeen aaminnimo.
Coloro nelle cui mani si rimetteva il denaro perché lo dessero agli esecutori dei lavori non dovevano renderne conto, perché la loro condotta ispirava fiducia.
16 Oo lacagtii qurbaannada xadgudubka iyo lacagtii qurbaannada dembiga toona lama soo gelin gurigii Rabbiga; oo waxaa iska lahaa wadaaddada.
Il denaro dei sacrifici per il delitto e per il peccato non era destinato al tempio, ma era lasciato ai sacerdoti.
17 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem.
In quel tempo Cazaèl re di Aram mosse guerra contro Gat e la conquistò. Allora Cazaèl si preparò ad assalire Gerusalemme.
18 Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.
Ioas re di Giuda prese tutti gli oggetti consacrati da Giòsafat, da Ioram e da Acazia, suoi antenati, re di Giuda, e quelli consacrati da lui stesso, insieme con tutto l'oro trovato nei tesori del tempio e della reggia; egli mandò tutto ciò a Cazaèl re di Aram, che si allontanò da Gerusalemme.
19 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
Le altre gesta di Ioas e tutte le sue azioni sono descritte nel libro delle Cronache dei re di Giuda.
20 Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.
I suoi ufficiali si sollevarono organizzando una congiura; uccisero Ioas a Bet-Millo, nella discesa verso Silla.
21 Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
Iozabàd figlio di Simeat e Iozabàd figlio di Somer, suoi ufficiali, lo colpirono ed egli morì. Lo seppellirono con i suoi padri nella città di Davide. Al suo posto divenne re suo figlio Amazia.

< Boqorradii Labaad 12 >