< Boqorradii Labaad 11 >
1 Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.
Da Ataliya mahaifiyar Ahaziya ta ga ɗanta ya mutu, sai ta shiga hallaka dukan iyalin gidan sarauta.
2 Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.
Amma Yehosheba,’yar Sarki Yoram,’yar’uwar Ahaziya, ta ɗauki Yowash ɗan Ahaziya daga cikin’ya’yan sarkin da ake shiri a kashe, ta ɓoye. Ta ɓoye shi daga Ataliya a wurin mai lura da shi a ɗakin kwana; don kada a kashe shi.
3 Oo isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.
Ya kasance a ɓoye, shi da mai lura da shi, a haikalin Ubangiji shekara shida yayinda Ataliya take mulkin ƙasar.
4 Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.
A shekara ta bakwai sai Yehohiyada ya aika a kira komandodin sojoji ɗari-ɗari, da Keretawa, da matsara, ya sa aka kawo masa su a haikalin Ubangiji. Ya ƙulla yarjejjeniya da rantsuwa da su a haikalin Ubangiji, sa’an nan ya nuna musu ɗan sarki.
5 Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;
Ya umarce su cewa, “Ga abin da za ku yi sa’ad da kuka zo aiki a Asabbaci, ku raba kanku kashi uku. Kashi ɗaya za su yi gadin gidan sarki,
6 oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.
kashi ɗaya za su yi gadin Ƙofar Sur, kashi ɗaya kuma za su yi gadin ƙofar da take bayan’yan gadin fada. Dukan waɗannan ƙungiyoyi uku za su yi gadin fadan,
7 Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.
ku kuma da kuke a sauran ƙungiyoyi biyu da kun saba hutu a Asabbaci, duk za ku yi gadin haikali don sarki.
8 Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.
Ku tsaya kewaye da sarki, kowane mutum da makaminsa a hannu. Duk wanda ya kusace ku, ku kashe shi. Ku manne wa sarki duk inda ya tafi.”
9 Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.
Komandodin sojoji suka yi yadda Yehohiyada firist ya umarta. Kowa ya ɗauki mutanensa, waɗanda za su kama aiki Asabbaci da waɗanda za su kama hutun Asabbaci, suka zo wurin Yehohiyada firist.
10 Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.
Sai ya ba komandodin māsu da garkuwoyi da dā suke na Dawuda, waɗanda suke a cikin haikalin Ubangiji.
11 Markaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.
Matsaran kuma kowa da makaminsa a hannu, suka tsaya kewaye da sarki, kusa da bagade da kuma haikali, daga gefen kudu zuwa gefen arewa na haikalin.
12 Markaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
Sai Yehohiyada ya fito da ɗan sarki ya sa masa rawani a kā; ya ba shi shafin alkawari, ya kuma furta shi sarki. Suka shafe shi da mai, mutane kuma suka yi ta tafi suka ihu, suna cewa, “Ran sarki yă daɗe.”
13 Oo Catalyaahna markay qayladii askarta iyo dadka maqashay ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.
Sa’ad da Ataliya ta ji surutun matsara da na mutane, sai ta tafi wurin mutanen a haikalin Ubangiji.
14 Oo bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!
Da ta duba sai ga sarki, tsaye kusa da ginshiƙi, bisa ga al’ada. Hafsoshi da masu busa suna tsaye kusa da sarki, dukan mutanen ƙasar kuma suna farin ciki suna busa ƙahoni. Sai Ataliya ta keta tufafinta ta tā da murya tana cewa, “Kai! Wannan cin amana ne! Ai, wannan cin amana ne!”
15 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa amray boqol u taliyayaashii ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka soo dhex mariya, oo kii soo raacana seef ku dila, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada yaan lagu dhex dilin guriga Rabbiga.
Yehohiyada ya umarci komandodin sojoji waɗanda suke lura da mayaƙa, ya ce, “Ku fitar da ita daga cikinku, ku kuma kashe duk wanda ya bi ta.” Gama firist ɗin ya ce, “Kada a kashe ta a cikin haikalin Ubangiji.”
16 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
Saboda haka suka kama ta yayinda ta kai inda dawakai sukan shiga filin fada, a can kuwa aka kashe ta.
17 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.
Sa’an nan Yehohiyada ya yi alkawari tsakanin Ubangiji da sarki da kuma mutane cewa za su zama mutanen Ubangiji. Ya kuma yi alkawari tsakanin sarki da mutane.
18 Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.
Sai dukan mutanen ƙasar suka tafi haikalin Ba’al suka rushe shi. Suka farfasa bagadai da kuma gumaka, suka kuma kashe Mattan wanda yake firist na Ba’al a gaban bagade. Sa’an nan Yehohiyada firist ya sa matsara a haikalin Ubangiji.
19 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.
Ya tafi tare da komandodin sojoji, Keretawa, matsara da kuma dukan mutanen ƙasar, tare kuwa suka kawo sarki daga haikalin Ubangiji zuwa cikin fada, ta ƙofar matsara. Sarki kuwa ya ɗauki mazauninsa a bisa kursiyin sarauta,
20 Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.
dukan mutanen ƙasar suka yi murna. Birnin ya sami salama don an kashe Ataliya da takobi a fada.
21 Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.
Yowash yana da shekara bakwai sa’ad da ya fara mulki.