< Boqorradii Labaad 1 >

1 Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.
Bayan mutuwar Ahab, Mowab ta yi wa Isra’ila tawaye.
2 Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale.
Ahaziya fa ya fāɗo daga tagar ɗakin samansa a Samariya ya ji rauni. Saboda haka ya aiki masinjoji, yana cewa, “Ku je ku tuntuɓi Ba’al-Zebub, allahn Ekron, ku ga ko zan warke daga wannan rauni.”
3 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?
Amma mala’ikan Ubangiji ya ce wa Iliya mutumin Tishbe, “Ka haura ka taryi masinjojin sarkin Samariya, ka tambaye su, ‘Don babu Allah ne a Isra’ila da za ku tafi ku tuntuɓi Ba’al-Zebub allahn Ekron?’
4 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.
Saboda haka, ga abin da Ubangiji ya ce, ‘Ba za ka tashi daga inda kake kwance ba, ba shakka za ka mutu!’” Iliya ya yi kamar yadda Ubangiji ya umarce shi, sai ya tafi.
5 Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen?
Da masinjojin suka koma wurin sarki, sai sarki ya ce da su, “Don me kuka komo?”
6 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
Sai suka amsa, “Wani mutum ya sadu da mu ya ce mana, ‘Ku koma wurin sarkin da ya aike ku, ku ce masa, “Ga abin da Ubangiji ya ce, don babu Allah ne a Isra’ila da ka aika a tuntuɓi Ba’al-Zebub allahn Ekron? Saboda haka ba za ka tashi daga gadon da kake kwance ba. Ba shakka za ka mutu!”’”
7 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?
Sai Sarkin ya tambaye su ya ce, “Wanda irin mutum ne ya yi muku wannan magana?”
8 Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.
Sai suka ce, “Mutumin ya sa riga mai gashi, ya kuma yi ɗamara da fata.” Sarkin ya ce, “Ai, Iliya mutumin Tishbe nan ne.”
9 Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.
Sai sarki ya aiki kaftin da sojojin hamsin wurin Iliya. Kaftin ya haura wajen Iliya, wanda yake zaune a kan tudu, ya ce masa, “Mutumin Allah, sarki ya ce, ‘Ka sauko, ka zo!’”
10 Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
Iliya ya ce masa, “In ni mutumin Allah ne, bari wuta tă sauko daga sama tă cinye ka da sojojinka hamsin!” Sai wuta ta sauko daga sama ta cinye kaftin tare da sojojinsa hamsin.
11 Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay.
Da jin haka sai sarki ya sāke aiken wani kaftin tare da waɗansu sojojinsa hamsin wurin Iliya. Kaftin ya ce wa Iliya, “Mutumin Allah, ga abin da sarki ya ce, ‘Ka sauko, nan take ka zo!’”
12 Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
Sai Iliya ya amsa, “In ni mutumin Allah ne, bari wuta ta sauko daga sama ta cinye ka da sojojinka hamsin!” Sai wutar Allah ta sauko daga sama ta cinye shi da sojojinsa hamsin.
13 Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.
Saboda haka sai sarki ya aiki kaftin na uku da sojojinsa hamsin. Wannan kaftin na ukun ya haura ya durƙusa a gaban Iliya, ya roƙe shi ya ce, “Mutumin Allah, ina roƙonka ka dubi darajar raina da na waɗannan sojoji hamsin, bayinka!
14 Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.
Duba, wuta ta sauko daga sama ta cinye su kaftin nan biyu waɗanda suka zo da farko da dukan sojojinsu. To, yanzu dai, ka daraja raina!”
15 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.
Sai mala’ikan Ubangiji ya ce wa Iliya, “Sauka, ka tafi tare da shi; kada ka ji tsoro.” Saboda haka Iliya ya tashi ya sauko, ya tafi tare da shi wajen sarki.
16 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
Iliya ya ce wa sarki, “Ga abin da Ubangiji ya ce, don babu Allah a Isra’ila ne wanda za ka tuntuɓa da ka aika a tuntuɓi Ba’al-Zebub, allahn Ekron? Domin ka yi haka, ba za ka tashi daga gadon da kake kwance ba, ba shakka za ka mutu!”
17 Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.
Ya kuwa mutu yadda Ubangiji ya faɗa ta bakin Iliya. Da yake Ahaziya ba shi da ɗa, sai Yoram ya gāje shi, ya zama sarki a shekara ta biyu ta mulkin Yehoram, ɗan Yehoshafat, sarkin Yahuda.
18 Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
Game da dukan sauran abubuwan da suka faru a zamani Ahaziya, da abin da ya yi, ba a rubuce suke a littattafan tarihin sarakuna Isra’ila ba?

< Boqorradii Labaad 1 >