< 2 Yooxanaa 1 >
1 Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,
The elder to [the] elect lady and her children, whom I love in truth, and not I only but also all who have known the truth,
2 runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed. (aiōn )
for the truth's sake which abides in us and shall be with us to eternity. (aiōn )
3 Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.
Grace shall be with you, mercy, peace from God [the] Father, and from [the] Lord Jesus Christ, the Son of the Father, in truth and love.
4 Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.
I rejoiced greatly that I have found of thy children walking in truth, as we have received commandment from the Father.
5 Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.
And now I beseech thee, lady, not as writing to thee a new commandment, but that which we have had from [the] beginning, that we should love one another.
6 Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.
And this is love, that we should walk according to his commandments. This is the commandment, according as ye have heard from the beginning, that ye might walk in it.
7 Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.
For many deceivers have gone out into the world, they who do not confess Jesus Christ coming in flesh — this is the deceiver and the antichrist.
8 Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.
See to yourselves, that we may not lose what we have wrought, but may receive full wages.
9 Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.
Whosoever goes forward and abides not in the doctrine of the Christ has not God. He that abides in the doctrine, he has both the Father and the Son.
10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,
If any one come to you and bring not this doctrine, do not receive him into [the] house, and greet him not;
11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.
for he who greets him partakes in his wicked works.
12 In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
Having many things to write to you, I would not with paper and ink; but hope to come to you, and to speak mouth to mouth, that our joy may be full.
13 Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.
The children of thine elect sister greet thee.