< 2 Korintos 1 >

1 Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.
Mimi Paulo, mtume wa Kristo Yesu kwa mapenzi ya Mungu, na ndugu Timotheo, tunawaandikia ninyi mlio kanisa la Mungu huko Korintho, na watu wote wa Mungu kila mahali katika Akaya.
2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Tunawatakieni neema na amani kutoka kwa Mungu Baba yetu na Bwana Yesu Kristo.
3 Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan,
Atukuzwe Mungu na Baba wa Bwana wetu Yesu Kristo, Baba mwenye huruma na Mungu mwenye kuleta faraja yote.
4 kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.
Yeye hutufariji sisi katika taabu zetu zote, ili nasi tupate kuwafariji wengine katika kila taabu kwa faraja hiyohiyo tunayopokea kutoka kwa Mungu.
5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
Naam, kadiri mateso ya Kristo yanavyozidi ndani yetu, ni kadiri hiyohiyo tunazidi kufarijiwa naye.
6 Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.
Ikiwa tunapata taabu, basi ni kwa ajili ya faraja na wokovu wenu. Tukifarijika, ni kwa ajili ya kuwafariji ninyi na kuwaunga mkono mpate nguvu ya kustahimili mateso yaleyale tunayoteseka sisi.
7 Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.
Tena, matumaini tuliyo nayo kwa ajili yenu ni imara; tunajua kwamba mkishiriki mateso yetu, mtashiriki pia faraja yetu.
8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
Ndugu, tunataka kuwajulisheni taabu zilizotupata kule Asia; taabu hizo zilitulemea kupita kiasi, hata tukakata matumaini yote ya kuendelea kuishi.
9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
Naam, tulikuwa kama watu waliohukumiwa kuuawa, ili tufundishwe kumtegemea Mungu mwenye kuwafufua wafu, badala ya kutegemea nguvu zetu sisi wenyewe.
10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
Yeye alituokoa katika hatari kubwa ya kifo, na anaendelea kutuokoa; sisi tumemwekea tumaini letu kwamba atatuokoa tena,
11 idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
ninyi mkiwa mnatuunga mkono kwa kutuombea. Hivyo neema tutakazokuwa tumepata kutokana na maombi ya watu wengi hivyo, ziwe sababu ya watu wengi zaidi kumshukuru Mungu kwa ajili yetu.
12 Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
Sisi tunajivunia kitu kimoja: dhamiri yetu inatuhakikishia kwamba tumeishi ulimwenguni hapa, na hasa kati yenu, kwa unyenyekevu na unyofu tuliojaliwa na Mungu; hatukuongozwa na hekima ya kibinadamu bali neema ya Mungu.
13 Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.
Tunawaandikia ninyi mambo mnayoweza kuyasoma na kuyaelewa. Ninatumaini kwamba mtaelewa vizuri kabisa,
14 Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.
maana mpaka sasa mmenielewa kiasi fulani tu. Tunajua kwamba katika ile Siku ya Bwana Yesu mtaweza kutuonea sisi fahari kama nasi tunavyowaonea ninyi fahari.
15 Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;
Nikiwa na matumaini hayo, nilikusudia kuja kwenu hapo awali ili mpate baraka maradufu.
16 iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
Nilikusudia kupita kwenu nikiwa safarini kwenda Makedonia, na wakati wa kurudi pia, ili nipate msaada wenu kwa safari yangu kwenda Yudea.
17 Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
Je, mnadhani nilipopanga hivyo nimekuwa kama mtu asiye na msimamo? Je, mnadhani kwamba ninafanya uamuzi wangu kwa fikira za kibinadamu na kwamba nasema “Ndiyo” na “Siyo” papo hapo?
18 Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.
Mungu ni ukweli mtupu; basi, kile tulichowaambia ninyi si jambo la “Ndiyo” na “Siyo”.
19 Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
Maana Kristo Yesu, Mwana wa Mungu, ambaye mimi, Silwano na Timotheo, tulimhubiri kwenu, hakuwa mtu wa “Ndiyo” na “Siyo”; bali yeye daima ni “Ndiyo” ya Mungu.
20 Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
Maana ndani yake ahadi zote za Mungu zimekuwa “Ndiyo”. Kwa sababu hiyo, “Amina” yetu husemwa kwa njia ya Kristo kwa ajili ya kumtukuza Mungu.
21 Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,
Mungu mwenyewe ndiye mwenye kutuimarisha sisi na ninyi pia katika Kristo, na ndiye anayetuweka wakfu;
22 kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna.
ndiye aliyetutia mhuri wa kuwa mali yake yeye na kutujalia Roho mioyoni mwetu kama dhamana ya mambo yote ambayo ametuwekea.
23 Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.
Mungu ndiye shahidi wangu—yeye anajua moyo wangu! Mimi sikuja tena Korintho, kwa sababu tu ya kuwahurumieni.
24 Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.
Hatutaki kutumia mabavu juu ya imani yenu; ninyi mko imara katika imani yenu. Wajibu wetu ni kufanya kazi pamoja kwa ajili ya furaha yenu.

< 2 Korintos 1 >