< 2 Korintos 9 >

1 Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga quduusiinta,
Now concerning the relief intended for the saints, it is superfluous for me to write to you:
2 waayo, waan garanayaa diyaarnimadiinna aan kuwa Makedoniya idinku faaniyey, in dadka Akhaya sannaddii hore ay diyaar ahaayeen, oo jacaylkiinna kulaylkiisuna badidood buu sii kiciyey.
for I know your readiness of mind, which I boast of concerning you to the Macedonians, that Achaia was ready a year ago; and your zeal hath excited many.
3 Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,
But I have sent the brethren, that our boasting of you might not become vain in this respect, but that ye might be ready, as I had said:
4 waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.
least if the Macedonians should come with me, and find you unprepared, we should be ashamed (not to say you also) in this confident boasting.
5 Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
Therefore I thought it necessary to exhort the brethren to go first to you, and before our coming to collect your bounty beforementioned, that it may be ready, as of munificence, and not of force.
6 Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.
But this I say, He that soweth sparingly shall reap also sparingly; and he that soweth bountifully shall also reap bountifully.
7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.
Let every one give as he chuses in his own heart; not with reluctance, or constraint: for God loveth a chearful giver.
8 Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;
And God is able to make all grace abound towards you; that having always all sufficiency in every thing, ye may abound in every good work:
9 sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. (aiōn g165)
(as it is written, "He hath dispersed, he hath given to the poor, his righteousness continueth for ever." (aiōn g165)
10 Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.
And may He, who supplieth seed to the sower, and giveth bread for food, furnish and multiply your sowing, and increase the fruits of your bounty: )
11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.
being in every thing enriched to all liberality, which produceth through us thanksgiving to God.
12 Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.
For the ministration of this service not only supplieth the wants of the saints, but aboundeth also, through many thanksgivings, to the glory of God.
13 Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.
(While from the experience of this ministration they glorify God for your professed subjection to the gospel of Christ, and the liberality of your communication to them, and to all men.)
14 Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed.
And in their prayer for you, who long after you because of the transcendent grace of God towards you.
15 Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.
Thanks be to God for his inexpressible gift!

< 2 Korintos 9 >