< 2 Korintos 4 >

1 Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno;
Тим же то, маючи се служеннє, яко же помилувані, не слабнемо,
2 laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.
а відреклись тайного в безчестю, не ходячи в лукавстві, анї хитруючи словом Божим, а явленнєм правди поручаючи себе всякій совісті чоловічій перед Богом.
3 Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya.
Коли ж і закрите благовісте наше, то у погибаючих єсть закрите,
4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga. (aiōn g165)
в котрих бог віку сього осьліпив думки їх, невірних, щоб не засияло їм сьвітло благовістя слави Христа, котрий єсть образ Бога. (aiōn g165)
5 Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.
Бо ми не себе самих проповідуємо, а Христа Ісуса Господа, себе ж самих слугами вашими Ісуса ради.
6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
Бо Бог, що звелїв з темряви засияти, той засьвітив у серцях наших на просьвіченнє розуміння слави Божої в лицї Ісус-Христовім.
7 Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.
Маємо ж скарб сей у глиняних посудах, щоб премножество сили було від Бога, а не від нас.
8 Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan,
У всьому горюємо, та не нарікаємо; трівожимось, та не теряемо надїї,
9 waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.
гонять нас, та ми не покинуті; повалені ми, та не погублені;
10 Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.
всякого часу мертвість Господа Ісуса на тїлї носимо, щоб і життє Ісу-сове в тїлї нашому являло ся,
11 Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.
Завсїди бо нас живих на смерть видають задля Ісуса, щоб і життє Ісусове являлось у смертному тїлї нашому.
12 Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.
Тим же оце смерть в нас орудує, а жнтте в вас.
13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.
Мавши той же дух віри, по писаному: Я вірував, тим і глаголав, і ми віруємо, тим і глаголемо,
14 Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.
знаючи, що хто підняв Господа Ісуса, і нас через Ісуса підійме і поставить з вами.
15 Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah.
Все бо задля вас, щоб богата благодать через благодареннє многих намножувалась вга славу Божу.
16 Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa.
Тим то не слабнемо; нї, хоч зовнїшнїй наш чоловік млЇє, та нутряний обновляєть ся день у день.
17 Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. (aiōnios g166)
Бо теперішня легкота горя нашого надто над міру приготовлює нам вічню вагу слави, (aiōnios g166)
18 Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan. (aiōnios g166)
нам, що не дивимось на вйдоме, а на невидоме; що бо вйдоме, дочасне, що ж невидоме, вічне. (aiōnios g166)

< 2 Korintos 4 >