< 2 Korintos 4 >
1 Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno;
Ker imamo to službo, kakor smo prejeli usmiljenje, ne omahujemo,
2 laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.
temveč smo se odrekli skritim stvarem nepoštenosti in ne hodimo v prebrisanosti niti z Božjo besedo ne ravnamo varljivo, temveč se z manifestacijo resnice v Božjih očeh priporočamo vesti vsakega človeka.
3 Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya.
Toda če je naš evangelij skrit, je skrit tistim, ki so izgubljeni,
4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga. (aiōn )
v katerih je bog tega sveta zaslepil misli tistih, ki ne verujejo, da jim ne bi zasijala svetloba veličastnega Kristusovega evangelija, ki je podoba Boga. (aiōn )
5 Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.
Kajti ne oznanjamo sebe, temveč Kristusa Jezusa, Gospoda; in sebe, vaše služabnike, zaradi Jezusa.
6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
Kajti Bog, ki je zapovedal svetlobi, da zasije iz teme, je zasijal v naših srcih, da nudi svetlobo spoznanja Božje slave na obrazu Jezusa Kristusa.
7 Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.
Toda ta zaklad imamo v lončenih posodah, da bi bila odličnost moči lahko od Boga in ne od nas.
8 Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan,
Na vsaki strani smo vznemirjeni, vendar ne v tegobi; zmedeni smo, vendar ne v obupu;
9 waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.
preganjani, toda ne zapuščeni; mêtani [ob tla], toda ne uničeni;
10 Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.
vedno v telesu naokrog prenašamo umiranje Gospoda Jezusa, da bi se lahko tudi v našem telesu razodelo Jezusovo življenje.
11 Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.
Kajti mi, ki živimo, smo zaradi Jezusa nenehno izročani v smrt, da bi se tudi Jezusovo življenje lahko razodelo v našem umrljivem mesu.
12 Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.
Tako potem v nas deluje smrt, toda v vas življenje.
13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.
Ker imamo istega duha vere, glede na to, kakor je pisano: ›Veroval sem in zato sem govoril; ‹ tudi mi verujemo in zato govorimo;
14 Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.
vedoč, da tisti, ki je obudil Gospoda Jezusa, bo po Jezusu obudil tudi nas in nas postavil z vami.
15 Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah.
Kajti vse stvari so zaradi vas, da bi lahko obilna milost zaradi zahvaljevanja mnogih prekipevala v Božjo slavo.
16 Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa.
Zaradi tega razloga ne omagujemo; kajti kljub temu, da naš zunanji človek umira, je vendarle naš notranji človek iz dneva v dan obnovljen.
17 Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. (aiōnios )
Kajti naša lahka stiska, ki je samo za trenutek, opravlja za nas veliko večjo, presegajočo in večno težo slave; (aiōnios )
18 Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan. (aiōnios )
medtem ko ne gledamo na stvari, ki so vidne, temveč na stvari, ki so nevidne. Kajti stvari, ki so vidne, so začasne, toda stvari, ki so nevidne, so večne. (aiōnios )