< 2 Korintos 11 >

1 Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan.
ܐܫܬܘܦ ܕܝܢ ܡܤܝܒܪܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܠܝ ܩܠܝܠ ܕܐܡܠܠ ܦܟܝܗܐܝܬ ܐܠܐ ܐܦ ܡܤܝܒܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܠܝ
2 Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah.
ܛܐܢ ܐܢܐ ܓܝܪ ܒܟܘܢ ܒܛܢܢܐ ܕܐܠܗܐ ܡܟܪܬܟܘܢ ܓܝܪ ܠܓܒܪܐ ܚܕ ܒܬܘܠܬܐ ܕܟܝܬܐ ܕܐܩܪܒ ܠܡܫܝܚܐ
3 Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.
ܕܚܠ ܐܢܐ ܕܝܢ ܕܠܡܐ ܐܝܟ ܕܐܛܥܝ ܚܘܝܐ ܠܚܘܐ ܒܢܟܝܠܘܬܗ ܗܟܢܐ ܢܬܚܒܠܘܢ ܪܥܝܢܝܟܘܢ ܡܢ ܦܫܝܛܘܬܐ ܕܠܘܬ ܡܫܝܚܐ
4 Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan.
ܐܢ ܓܝܪ ܗܘ ܕܐܬܐ ܠܘܬܟܘܢ ܐܚܪܢܐ ܝܫܘܥ ܐܟܪܙ ܠܟܘܢ ܐܝܢܐ ܕܚܢܢ ܠܐ ܐܟܪܙܢ ܐܘ ܪܘܚܐ ܐܚܪܬܐ ܢܤܒܬܘܢ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܢܤܒܬܘܢ ܐܘ ܤܒܪܬܐ ܐܚܪܬܐ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܩܒܠܬܘܢ ܫܦܝܪ ܡܬܛܦܝܤܝܢ ܗܘܝܬܘܢ
5 Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.
ܪܢܐ ܐܢܐ ܓܝܪ ܕܡܕܡ ܠܐ ܒܨܪܬ ܡܢ ܫܠܝܚܐ ܐܝܠܝܢ ܕܛܒ ܡܝܬܪܝܢ
6 Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.
ܐܦܢ ܓܝܪ ܒܘܪܐ ܐܢܐ ܒܡܠܬܝ ܐܠܐ ܠܐ ܒܝܕܥܬܝ ܐܠܐ ܒܟܠܡܕܡ ܐܬܓܠܝܢ ܠܘܬܟܘܢ
7 Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?
ܐܘ ܕܠܡܐ ܡܤܟܠܘ ܐܤܟܠܬ ܕܡܟܟܬ ܢܦܫܝ ܕܐܢܬܘܢ ܬܬܪܝܡܘܢ ܘܡܓܢ ܐܟܪܙܬ ܠܟܘܢ ܤܒܪܬܗ ܕܐܠܗܐ
8 Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego.
ܘܥܕܬܐ ܐܚܪܢܝܬܐ ܚܠܨܬ ܘܢܤܒܬ ܢܦܩܬܐ ܠܬܫܡܫܬܐ ܕܝܠܟܘܢ
9 Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
ܘܟܕ ܐܬܝܬ ܨܐܕܝܟܘܢ ܘܚܤܪ ܠܝ ܠܐ ܝܩܪܬ ܥܠ ܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܤܢܝܩܘܬܝ ܓܝܪ ܡܠܝܘ ܐܚܐ ܕܐܬܘ ܡܢ ܡܩܕܘܢܝܐ ܘܒܟܠ ܡܕܡ ܢܛܪܬ ܢܦܫܝ ܘܢܛܪ ܐܢܐ ܕܠܐ ܐܩܪ ܥܠܝܟܘܢ
10 Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya.
ܐܝܬܘܗܝ ܒܝ ܫܪܪܗ ܕܡܫܝܚܐ ܕܗܢܐ ܫܘܒܗܪܐ ܠܐ ܢܬܒܛܠ ܒܝ ܒܐܬܪܘܬܐ ܕܐܟܐܝܐ
11 Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.
ܠܡܢܐ ܡܛܠ ܕܠܐ ܡܚܒ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܐܠܗܐ ܗܘ ܝܕܥ
12 Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
ܐܠܐ ܗܕܐ ܕܥܒܕ ܐܢܐ ܐܦ ܐܥܒܕ ܕܐܦܤܘܩ ܗܘ ܥܠܬܗܘܢ ܕܐܝܠܝܢ ܕܒܥܝܢ ܥܠܬܐ ܕܒܗܘ ܡܕܡ ܕܡܫܬܒܗܪܝܢ ܢܫܬܟܚܘܢ ܐܟܘܬܢ
13 Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.
ܐܝܬܝܗܘܢ ܓܝܪ ܗܠܝܢ ܫܠܝܚܐ ܕܓܠܐ ܘܦܥܠܐ ܢܟܝܠܐ ܘܡܕܡܝܢ ܢܦܫܗܘܢ ܠܫܠܝܚܐ ܕܡܫܝܚܐ
14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka.
ܘܠܝܬ ܠܡܬܕܡܪܘ ܒܗܕܐ ܐܢ ܗܘ ܓܝܪ ܕܤܛܢܐ ܡܬܕܡܐ ܒܡܠܐܟܐ ܕܢܘܗܪܐ
15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
ܠܐ ܗܘܬ ܪܒܐ ܨܒܘܬܐ ܐܢ ܐܦ ܡܫܡܫܢܘܗܝ ܡܬܕܡܝܢ ܒܡܫܡܫܢܐ ܕܙܕܝܩܘܬܐ ܗܢܘܢ ܕܚܪܬܗܘܢ ܬܗܘܐ ܐܝܟ ܥܒܕܝܗܘܢ
16 Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano.
ܬܘܒ ܕܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܡܐ ܐܢܫ ܢܤܒܪ ܥܠܝ ܐܝܟ ܕܤܟܠܐ ܐܢܐ ܘܐܢ ܠܐ ܐܦܢ ܐܝܟ ܤܟܠܐ ܩܒܠܘܢܝ ܕܐܦ ܐܢܐ ܩܠܝܠ ܐܫܬܒܗܪ
17 Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa.
ܡܕܡ ܕܡܡܠܠ ܐܢܐ ܠܐ ܗܘܐ ܒܡܪܢ ܡܡܠܠ ܐܢܐ ܐܠܐ ܐܝܟ ܕܒܦܟܝܗܘܬܐ ܒܗܕܐ ܕܘܟܬܐ ܕܫܘܒܗܪܐ
18 Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.
ܡܛܠ ܕܤܓܝܐܐ ܡܫܬܒܗܪܝܢ ܒܒܤܪܐ ܐܦ ܐܢܐ ܐܫܬܒܗܪ
19 Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh.
ܡܢܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܓܝܪ ܠܡܫܬܡܥܘ ܠܚܤܝܪܝ ܪܥܝܢܐ ܟܕ ܐܢܬܘܢ ܚܟܝܡܐ ܐܢܬܘܢ
20 Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo.
ܘܡܬܕܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܢ ܕܡܫܥܒܕ ܠܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܐܟܠ ܠܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܢܤܒ ܡܢܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܡܬܪܝܡ ܥܠܝܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܡܚܐ ܠܟܘܢ ܥܠ ܐܦܝܟܘܢ
21 Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa).
ܐܝܟ ܕܒܨܥܪܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܐܝܟ ܗܘ ܕܚܢܢ ܡܚܝܠܝܢܢ ܗܘ ܒܚܤܝܪܘܬ ܪܥܝܢܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܒܟܠܡܕܡ ܕܡܡܪܚ ܐܢܫ ܐܦ ܐܢܐ ܡܡܪܚ ܐܢܐ
22 Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay.
ܐܢ ܥܒܪܝܐ ܐܢܘܢ ܐܦ ܐܢܐ ܐܢ ܐܝܤܪܠܝܐ ܐܢܘܢ ܐܦ ܐܢܐ ܐܢ ܙܪܥܗ ܐܢܘܢ ܕܐܒܪܗܡ ܐܦ ܐܢܐ
23 Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tirola'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday.
ܐܢ ܡܫܡܫܢܐ ܐܢܘܢ ܕܡܫܝܚܐ ܒܚܤܝܪܘܬ ܪܥܝܢܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܐܢܐ ܒܠܐܘܬܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܡܚܘܬܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܐܤܘܪܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܡܘܬܐ ܙܒܢܝܢ ܤܓܝܐܢ
24 Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'.
ܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܚܡܫ ܙܒܢܝܢ ܐܪܒܥܝܢ ܐܪܒܥܝܢ ܚܤܝܪ ܚܕܐ ܒܠܥܬ
25 Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda.
ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܒܫܒܛܐ ܐܬܢܓܕܬ ܚܕܐ ܙܒܢ ܐܬܪܓܡܬ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܗܘܝܬ ܢܘܘܓܐ ܐܝܡܡܐ ܘܠܠܝܐ ܕܠܐ ܤܦܝܢܬܐ ܒܝܡܐ ܗܘܝܬ
26 Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay.
ܒܐܘܪܚܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܢܗܪܘܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܓܝܤܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܛܘܗܡܝ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܥܡܡܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܗܘܝܬ ܒܡܕܝܢܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܗܘܝܬ ܒܚܘܪܒܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܒܝܡܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܐܚܐ ܕܓܠܐ
27 Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad.
ܒܥܡܠܐ ܘܒܠܐܘܬܐ ܒܫܗܪܐ ܤܓܝܐܐ ܒܟܦܢܐ ܘܒܨܗܝܐ ܒܨܘܡܐ ܤܓܝܐܐ ܒܥܪܝܐ ܘܒܥܪܛܠܝܘܬܐ
28 Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan.
ܤܛܪ ܡܢ ܝܬܝܪܬܐ ܘܟܢܘܫܝܐ ܕܥܠܝ ܕܟܠܝܘܡ ܘܨܦܬܝ ܕܥܠ ܐܦܝ ܟܠܗܝܢ ܥܕܬܐ
29 Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?
ܡܢܘ ܡܬܟܪܗ ܘܠܐ ܐܢܐ ܡܬܟܪܗ ܐܢܐ ܡܢܘ ܡܬܟܫܠ ܘܠܐ ܐܢܐ ܝܩܕ ܐܢܐ
30 Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.
ܐܢ ܠܡܫܬܒܗܪܘ ܘܠܐ ܒܟܘܪܗܢܝ ܐܫܬܒܗܪ
31 Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin. (aiōn g165)
ܝܕܥ ܗܘ ܐܠܗܐ ܐܒܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܒܪܟܐ ܕܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܕܠܐ ܡܟܕܒ ܐܢܐ (aiōn g165)
32 Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.
ܒܕܪܡܤܘܩ ܪܒ ܚܝܠܐ ܕܐܪܛܘܤ ܡܠܟܐ ܢܛܪ ܗܘܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܕܪܡܘܤܩܝܐ ܠܡܐܚܕܢܝ
33 Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.
ܘܡܢ ܟܘܬܐ ܒܤܪܝܓܬܐ ܫܒܘܢܝ ܡܢ ܫܘܪܐ ܘܐܬܦܠܛܬ ܡܢ ܐܝܕܘܗܝ

< 2 Korintos 11 >