< 2 Korintos 10 >

1 Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay.
αυτος δε εγω παυλος παρακαλω υμας δια της πραοτητος και επιεικειας του χριστου ος κατα προσωπον μεν ταπεινος εν υμιν απων δε θαρρω εις υμας
2 Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno.
δεομαι δε το μη παρων θαρρησαι τη πεποιθησει η λογιζομαι τολμησαι επι τινας τους λογιζομενους ημας ως κατα σαρκα περιπατουντας
3 Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno,
εν σαρκι γαρ περιπατουντες ου κατα σαρκα στρατευομεθα
4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
τα γαρ οπλα της στρατειας ημων ου σαρκικα αλλα δυνατα τω θεω προς καθαιρεσιν οχυρωματων
5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
λογισμους καθαιρουντες και παν υψωμα επαιρομενον κατα της γνωσεως του θεου και αιχμαλωτιζοντες παν νοημα εις την υπακοην του χριστου
6 annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
και εν ετοιμω εχοντες εκδικησαι πασαν παρακοην οταν πληρωθη υμων η υπακοη
7 Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay.
τα κατα προσωπον βλεπετε ει τις πεποιθεν εαυτω χριστου ειναι τουτο λογιζεσθω παλιν αφ εαυτου οτι καθως αυτος χριστου ουτως και ημεις χριστου
8 Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.
εαν τε γαρ [ και ] περισσοτερον τι καυχησωμαι περι της εξουσιας ημων ης εδωκεν ο κυριος ημιν εις οικοδομην και ουκ εις καθαιρεσιν υμων ουκ αισχυνθησομαι
9 Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.
ινα μη δοξω ως αν εκφοβειν υμας δια των επιστολων
10 Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.
οτι αι μεν επιστολαι φησιν βαρειαι και ισχυραι η δε παρουσια του σωματος ασθενης και ο λογος εξουθενημενος
11 Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.
τουτο λογιζεσθω ο τοιουτος οτι οιοι εσμεν τω λογω δι επιστολων αποντες τοιουτοι και παροντες τω εργω
12 Waayo, kuma dhacno inaannu isku tirinno ama isu ekaysiinno kuwa is-ammaana. Laakiin iyaga qudhooda oo isku qiyaasaya qudhooda oo isu ekaysiinaya qudhooda waa garaadlaawayaal.
ου γαρ τολμωμεν εγκριναι η συγκριναι εαυτους τισιν των εαυτους συνιστανοντων αλλα αυτοι εν εαυτοις εαυτους μετρουντες και συγκρινοντες εαυτους εαυτοις ου συνιουσιν
13 Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno.
ημεις δε ουχι εις τα αμετρα καυχησομεθα αλλα κατα το μετρον του κανονος ου εμερισεν ημιν ο θεος μετρου εφικεσθαι αχρι και υμων
14 Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix,
ου γαρ ως μη εφικνουμενοι εις υμας υπερεκτεινομεν εαυτους αχρι γαρ και υμων εφθασαμεν εν τω ευαγγελιω του χριστου
15 annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah,
ουκ εις τα αμετρα καυχωμενοι εν αλλοτριοις κοποις ελπιδα δε εχοντες αυξανομενης της πιστεως υμων εν υμιν μεγαλυνθηναι κατα τον κανονα ημων εις περισσειαν
16 si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.
εις τα υπερεκεινα υμων ευαγγελισασθαι ουκ εν αλλοτριω κανονι εις τα ετοιμα καυχησασθαι
17 Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
ο δε καυχωμενος εν κυριω καυχασθω
18 Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.
ου γαρ ο εαυτον συνιστων εκεινος εστιν δοκιμος αλλ ον ο κυριος συνιστησιν

< 2 Korintos 10 >