< 2 Korintos 1 >

1 Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.
Paul, apostle of Jesus Christ by God's will, and the brother Timotheus, to the assembly of God which is in Corinth, with all the saints who are in the whole of Achaia.
2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Grace to you, and peace from God our Father, and [the] Lord Jesus Christ.
3 Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan,
Blessed [be] the God and Father of our Lord Jesus Christ, the Father of compassions, and God of all encouragement;
4 kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.
who encourages us in all our tribulation, that we may be able to encourage those who are in any tribulation whatever, through the encouragement with which we ourselves are encouraged of God.
5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
Because, even as the sufferings of the Christ abound towards us, so through the Christ does our encouragement also abound.
6 Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.
But whether we are in tribulation, [it is] for your encouragement and salvation, wrought in the endurance of the same sufferings which we also suffer,
7 Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.
(and our hope for you [is] sure; ) or whether we are encouraged, [it is] for your encouragement and salvation: knowing that as ye are partakers of the sufferings, so also of the encouragement.
8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
For we do not wish you to be ignorant, brethren, as to our tribulation which happened [to us] in Asia, that we were excessively pressed beyond [our] power, so as to despair even of living.
9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
But we ourselves had the sentence of death in ourselves, that we should not have our trust in ourselves, but in God who raises the dead;
10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
who has delivered us from so great a death, and does deliver; in whom we confide that he will also yet deliver;
11 idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
ye also labouring together by supplication for us that the gift towards us, through means of many persons, may be the subject of the thanksgiving of many for us.
12 Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
For our boasting is this, the testimony of our conscience, that in simplicity and sincerity before God, (not in fleshly wisdom but in God's grace, ) we have had our conversation in the world, and more abundantly towards you.
13 Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.
For we do not write other things to you but what ye well know and recognise; and I hope that ye will recognise to the end,
14 Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.
even as also ye have recognised us in part, that we are your boast, even as ye [are] ours in the day of the Lord Jesus.
15 Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;
And with this confidence I purposed to come to you previously, that ye might have a second favour;
16 iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
and to pass through to Macedonia by you, and again from Macedonia to come to you, and to be set forward by you to Judaea.
17 Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
Having therefore this purpose, did I then use lightness? Or what I purpose, do I purpose according to flesh, that there should be with me yea yea, and nay nay?
18 Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.
Now God [is] faithful, that our word to you is not yea and nay.
19 Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
For the Son of God, Jesus Christ, he who has been preached by us among you (by me and Silvanus and Timotheus), did not become yea and nay, but yea is in him.
20 Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
For whatever promises of God [there are], in him is the yea, and in him the amen, for glory to God by us.
21 Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,
Now he that establishes us with you in Christ, and has anointed us, [is] God,
22 kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna.
who also has sealed us, and given the earnest of the Spirit in our hearts.
23 Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.
But I call God to witness upon my soul that to spare you I have not yet come to Corinth.
24 Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.
Not that we rule over your faith, but are fellow-workmen of your joy: for by faith ye stand.

< 2 Korintos 1 >