< Taariikhdii Labaad 6 >

1 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.
Тогда рече Соломон: Господь рече обитати во мгле,
2 Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.
аз же создах дом имени Твоему Святый Тебе, и уготован еже обитати Тебе во веки.
3 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
И обрати царь лице свое и благослови все собрание Израилево, и все собрание Израилево предстояше, и рече:
4 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,
благословен Господь Бог Израилев, якоже глагола усты Своими ко Давиду отцу моему, и руками Своими соверши, глаголя:
5 Tan iyo maalintii aan dadkayga ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, oo weliba ninna uma aan dooran inuu ahaado amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil.
от дне, в оньже изведох люди Моя от земли Египетския, не избрах града от всех колен Израилевых, да созиждется в нем дом имени Моему ту, ниже избрах мужа быти вождем над людьми Моими во Израили:
6 Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
но избрах Иерусалима, да будет имя Мое в нем, и избрах Давида быти над людьми Моими Израилем:
7 Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
и бысть на сердцы Давида отца моего создати дом имени Господа Бога Израилева:
8 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.
и рече Господь ко Давиду отцу моему: понеже бысть на сердцы твоем создати дом имени Моему, добре сотворил еси, яко бысть на сердцы твоем,
9 Habase yeeshee adigu gurigii ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.
обаче ты не созиждеши Мне дому, но сын твой, иже изыдет из чресл твоих, той созиждет дом имени Моему:
10 Haddaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.
и соверши Господь слово сие, еже глагола, и бых вместо Давида отца моего, и седох на престоле Израилеве, якоже глагола Господь, и создах дом имени Господа Бога Израилева,
11 Oo halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay.
и поставих в нем кивот, в немже есть завет Господень, егоже завеща Израилю.
12 Markaasuu hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga, iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, kolkaasuu gacmihiisii kala bixiyey
И ста пред олтарем Господним, пред всем множеством Израилевым, и простре руце свои:
13 (waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey).
сотвори бо Соломон стояло медяно и постави его посреде двора святилища, пять лакот долгота его и пять лакот широта его и три лакти высота его: и ста на нем, и паде на колена своя пред всем множеством Израилевым, и простре руки своя на небо и рече:
14 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.
Господи Боже Израилев, несть подобен Тебе Бог на небеси и на земли, сохраняяй завет и милость с рабы Твоими, иже ходят пред Тобою всем сердцем своим,
15 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.
яже сохранил еси рабу Твоему Давиду отцу моему, елика рекл еси ему глаголя, и глаголал еси усты Твоими и руками Твоими совершил еси, якоже день сей:
16 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.
и ныне, Господи Боже Израилев, сохрани рабу Твоему Давиду отцу моему, яже рекл еси ему глаголя, и глаголал еси усты Твоими и исполнил еси якоже в день сей, глаголя: не оскудеет тебе муж от лица Моего седяй на престоле Израилеве, токмо аще сохранят сынове твои пути Моя ходити в законе Моем, якоже ходил еси предо Мною:
17 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo.
и ныне, Господи Боже Израилев, да укрепится слово Твое, еже глаголал еси рабу Твоему Давиду:
18 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dadka la degganaan doono dhulka? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa?
убо истинно ли Бог обитати будет с человеки на земли? Аще небо и небо небесе не довлеют Ти, и кольми паче дом сей, егоже создах?
19 Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,
И призри на моление раба Твоего и на молитву мою, Господи Боже мой, еже услышати молитвы моя и моление, имже раб Твой молится пред Тобою днесь,
20 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.
еже быти очесем Твоим отверстым на дом сей день и нощь, на место сие, о немже глаголал еси, да призовется имя Твое тамо, еже услышати молитву, еюже раб Твой молится на месте сем:
21 Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi.
и послушати мольбу раба Твоего и людий Твоих Израиля, елика аще помолятся на месте сем и ты услышиши на месте жилища Твоего с небесе, и услышиши, и милостив будеши:
22 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
аще согрешит муж ко искреннему своему и приимет на него клятву еже клясти его, и приидет и прокленет пред олтарем в дому сем,
23 de markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.
и Ты услыши от небесе и суди рабом Твоим, еже воздати беззаконному, и воздати пути его на главу его, и оправдити праведнаго, воздая ему по правде его:
24 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qiraan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,
и аще одолени будут людие Твои Израиль от враг, аще согрешат Тебе и обратятся, и исповедятся имени Твоему, и помолятся пред Тобою в храме сем,
25 markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay.
и Ты услыши с небесе и милостив буди грехом людий Твоих Израиля и возврати их в землю, юже дал еси им и отцем их:
26 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,
егда заключиши небо, и не будет дождя, яко согрешат Тебе, и помолятся на месте сем, и восхвалят имя Твое, и обратятся от грех своих, егда смириши их,
27 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.
и Ты услыши с небесе и милостив буди грехом рабов и людий Твоих Израиля, яко явиши им путь благ, по немуже пойдут, и даждь дождь на землю Твою, юже дал еси людем Твоим в наследие:
28 Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,
глад аще будет на земли, губителство аще будет, воздуха растление и иктер, прузи и гусеницы аще будут, и аще оскорбит их враг пред градами их, всякою язвою и всякою болезнию,
29 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,
и всяка молитва, и всяко моление, еже аще будет всякому человеку и всем людем Твоим Израилю, аще познает человек язву свою и грех свой и прострет руце свои в дому сем,
30 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, )
и Ты услыши с небесе от готоваго жилища Твоего, и очести, и даждь коемуждо по путем его, якоже веси по сердцу его, Ты бо един веси сердца сынов человеческих,
31 inay kaa cabsadaan oo ay jidkaaga maraan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.
яко да боятся Тебе, еже ходити бо всех путех Твоих вся дни, в няже живут на лицы земли юже дал еси отцем нашым:
32 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan,
и всяк чуждии, иже несть от людий Твоих Израиля, и приидет от земли дальния ради имене Твоего великаго и ради руки Твоея сильныя и мышцы Твоея высокия, и приидет и помолится на месте сем,
33 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
и Ты услыши с небесе от готоваго жилища Твоего, и сотвориши по всему, елико призовет Тя чуждий, да уведят вси людие земли имя Твое и убоятся Тебе, якоже людие Твои Израиль, и познают, яко имя Твое призвано есть на дом сей, егоже создах:
34 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
аще же изыдут людие Твои на брань противу супостат своих по пути, имже послеши их, и помолятся Тебе по пути града сего, егоже избрал еси Себе, и дому, егоже создах имени Твоему,
35 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.
да услышиши с небесе молитву их и моление их, и сотвориши оправдание их:
36 Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee,
зане согрешат Тебе, яко несть человек, иже не согрешит, и поразиши их, и предаси их в руки врагов их, и пленят их пленяющии в землю врагов, в землю дальнюю или ближнюю,
37 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,
и обратят сердце свое в земли их, в нюже пленени будут, и тамо обратятся, и помолятся Тебе в пленении своем, глаголюще: согрешихом, беззаконновахом, неправдовахом,
38 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
и обратятся к Тебе всем сердцем своим и всею душею своею в земли пленивших я, идеже плениша их, и помолятся путем земли своея, юже дал еси отцем их, и града, егоже избрал еси, и дому, егоже создах имени Твоему:
39 de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
да услышиши с небесе от готоваго жилища Твоего молитву их и моление их, и сотвориши суд, и милостив буди людем Твоим согрешившым Ти:
40 Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.
и ныне, Господи, да будут отверсте очи Твои, и уши Твои внятне к молению места сего:
41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.
и ныне востани, Господи Боже, в покой Твой, Ты и кивот крепости Твоея: священницы Твои, Господи Боже, да облекутся во спасение, и преподобнии Твои возвеселятся во благих:
42 Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.
Господи Боже, да не отвратиши лица христа Твоего, помяни щедроты Давида раба Твоего.

< Taariikhdii Labaad 6 >