< Taariikhdii Labaad 36 >

1 Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.
國民立約西亞的兒子約哈斯在耶路撒冷接續他父作王。
2 Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa.
約哈斯登基的時候年二十三歲,在耶路撒冷作王三個月。
3 Markaasaa boqorkii Masar Yeruusaalem kaga dejiyey carshigiisii, oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.
埃及王在耶路撒冷廢了他,又罰猶大國銀子一百他連得,金子一他連得。
4 Kolkaasaa boqorkii Masar wuxuu dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalemba boqor uga dhigay walaalkiis Elyaaqiim, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim. Oo walaalkiis Yoo'aaxaasna Nekoo wuxuu u kaxaystay dalkii Masar.
埃及王尼哥立約哈斯的哥哥以利雅敬作猶大和耶路撒冷的王,改名叫約雅敬,又將約哈斯帶到埃及去了。
5 Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.
約雅敬登基的時候年二十五歲,在耶路撒冷作王十一年,行耶和華-他上帝眼中看為惡的事。
6 Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.
巴比倫王尼布甲尼撒上來攻擊他,用銅鍊鎖着他,要將他帶到巴比倫去。
7 Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.
尼布甲尼撒又將耶和華殿裏的器皿帶到巴比倫,放在他神的廟裏。
8 Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.
約雅敬其餘的事和他所行可憎的事,並他一切的行為,都寫在以色列和猶大列王記上。他兒子約雅斤接續他作王。
9 Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ku ahaa saddex bilood iyo toban maalmood, oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
約雅斤登基的時候年八歲,在耶路撒冷作王三個月零十天,行耶和華眼中看為惡的事。
10 Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.
過了一年,尼布甲尼撒差遣人將約雅斤和耶和華殿裏各樣寶貴的器皿帶到巴比倫,就立約雅斤的叔叔 西底家作猶大和耶路撒冷的王。
11 Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood.
西底家登基的時候年二十一歲,在耶路撒冷作王十一年,
12 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa.
行耶和華-他上帝眼中看為惡的事。先知耶利米以耶和華的話勸他,他仍不在耶利米面前自卑。
13 Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
尼布甲尼撒曾使他指着上帝起誓,他卻背叛,強項硬心,不歸服耶和華-以色列的上帝。
14 Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.
眾祭司長和百姓也大大犯罪,效法外邦人一切可憎的事,污穢耶和華在耶路撒冷分別為聖的殿。
15 Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay.
耶和華-他們列祖的上帝因為愛惜自己的民和他的居所,從早起來差遣使者去警戒他們。
16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
他們卻嘻笑上帝的使者,藐視他的言語,譏誚他的先知,以致耶和華的忿怒向他的百姓發作,無法可救。
17 Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.
所以,耶和華使迦勒底人的王來攻擊他們,在他們聖殿裏用刀殺了他們的壯丁,不憐恤他們的少男處女、老人白叟。耶和華將他們都交在迦勒底王手裏。
18 Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.
迦勒底王將上帝殿裏的大小器皿與耶和華殿裏的財寶,並王和眾首領的財寶,都帶到巴比倫去了。
19 Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.
迦勒底人焚燒上帝的殿,拆毀耶路撒冷的城牆,用火燒了城裏的宮殿,毀壞了城裏寶貴的器皿。
20 Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,
凡脫離刀劍的,迦勒底王都擄到巴比倫去,作他和他子孫的僕婢,直到波斯國興起來。
21 si uu ku rumoobo Eraygii Rabbiga ee ka baxay afkii Yeremyaah, ilaa dalkii ku istareexay sabtiyadiisii, waayo, in alla intii uu baabba'sanaa ayuu sabti dhawrayay, si ay u dhammaadaan toddobaatan sannadood.
這就應驗耶和華藉耶利米口所說的話:地享受安息;因為地土荒涼便守安息,直滿了七十年。
22 In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay, oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,
波斯王塞魯士元年,耶和華為要應驗藉耶利米口所說的話,就激動波斯王塞魯士的心,使他下詔通告全國,說:
23 Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.
「波斯王塞魯士如此說:耶和華-天上的上帝已將天下萬國賜給我,又囑咐我在猶大的耶路撒冷為他建造殿宇。你們中間凡作他子民的,可以上去,願耶和華-他的上帝與他同在。」

< Taariikhdii Labaad 36 >