< Taariikhdii Labaad 34 >

1 Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.
یوشیا هشت ساله بود که پادشاه شد و سی و یک سال در اورشلیم سلطنت کرد.
2 Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
او مانند جدش داوود مطابق میل خداوند عمل می‌کرد و از دستورهای خدا اطاعت کامل می‌نمود.
3 Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.
یوشیا در سال هشتم سلطنت خود، یعنی در سن شانزده سالگی به پیروی از خدای جدش داوود پرداخت و چهار سال بعد شروع کرد به پاک نمودن یهودا و اورشلیم از بت‌پرستی. او بتکده‌های روی تپه‌ها و بتهای شرم‌آور اشیره و سایر بتها را از میان برداشت.
4 Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.
به دستور او مذبحهای بعل را خراب کردند و مذبحهای بخور و بتهای شرم‌آور اشیره و سایر بتها را خرد نموده، گرد آنها را روی قبرهای کسانی که برای آنها قربانی می‌کردند، پاشیدند.
5 Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.
او استخوانهای کاهنان بت‌پرست را روی مذبحهای خودشان سوزانید و بدین وسیله یهودا و اورشلیم را پاکسازی کرد.
6 Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.
یوشیا به شهرهای قبیلهٔ منسی، افرایم و شمعون و حتی تا سرزمین دور افتادهٔ نفتالی نیز رفت و در آنجا و خرابه‌های اطراف نیز همین کار را کرد.
7 Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.
او در سراسر اسرائیل مذبحهای بت‌پرستان را منهدم نمود، بتهای شرم‌آور اشیره و سایر بتها را در هم کوبید و مذبحهای بخور را در هم شکست. سپس به اورشلیم بازگشت.
8 Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.
یوشیا در سال هجدهم سلطنت خود، بعد از پاکسازی مملکت و خانهٔ خدا، شافان (پسر اصلیا) و معسیا شهردار اورشلیم و یوآخ (پسر یوآحاز) وقایع‌نگار را مأمور تعمیر خانهٔ خداوند، خدای خود کرد.
9 Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
آنها برای انجام این کار به جمع‌آوری هدایا پرداختند. لاویانی که در برابر درهای خانهٔ خدا نگهبانی می‌دادند هدایایی را که مردم قبایل منسی، افرایم و بقیه بنی‌اسرائیل و همچنین ساکنان یهودا و بنیامین و اورشلیم می‌آوردند، تحویل می‌گرفتند و نزد حلقیا، کاهن اعظم می‌بردند.
10 Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.
سپس آن هدایا به ناظران ساختمانی خانهٔ خداوند سپرده می‌شد تا با آن، اجرت نجارها و بناها را بدهند و مصالح ساختمانی از قبیل سنگهای تراشیده، تیر و الوار بخرند و با آنها خانهٔ خدا را که پادشاهان قبلی یهودا خراب کرده بودند بازسازی کنند.
11 Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.
12 Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.
همهٔ افراد با صداقت کار می‌کردند و کسانی که بر کار آنها نظارت می‌نمودند عبارت بودند از: یحت و عوبدیای لاوی از طایفهٔ مراری؛ زکریا و مشلام از طایفهٔ قهات. از لاویان نوازنده برای نظارت بر کار باربران و سایر کارگران استفاده می‌شد. عده‌ای دیگر از لاویان نیز کاتب و نگهبان بودند.
13 Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.
14 Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.
هنگامی که هدایا را از خانهٔ خداوند بیرون می‌بردند، حلقیا، کاهن اعظم، کتاب تورات موسی را که شریعت خداوند در آن نوشته شده بود پیدا کرد.
15 Markaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan.
حلقیا به شافان، کاتب دربار گفت: «در خانهٔ خداوند کتاب تورات را پیدا کرده‌ام!» و کتاب را به شافان داد.
16 Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.
شافان با آن کتاب نزد پادشاه آمد و چنین گزارش داد: «مأموران تو وظیفهٔ خود را به خوبی انجام می‌دهند.
17 Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.
آنها صندوقهای هدایا را که در خانۀ خداوند بود گشودند و آنها را شمردند و به دست ناظران و کارگران سپردند.»
18 Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
سپس دربارهٔ کتابی که حلقیا به او داده بود صحبت کرد و آن را برای پادشاه خواند.
19 Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.
وقتی پادشاه کلمات تورات را شنید، از شدت ناراحتی لباس خود را درید،
20 Markaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,
و حلقیا، اخیقام (پسر شافان)، عبدون (پسر میکا)، شافان کاتب و عسایا ملتزم خود را به حضور خواست.
21 War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.
پادشاه به آنها گفت: «از خداوند سؤال کنید که من و بازماندگان اسرائیل و یهودا چه باید بکنیم. بدون شک خداوند از دست ما خشمگین است، چون اجداد ما مطابق دستورهای او که در این کتاب نوشته شده است، رفتار نکرده‌اند.»
22 Markaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas.
پس آن مردان نزد زنی به نام حلده رفتند که نبی بود و در محلهٔ دوم اورشلیم زندگی می‌کرد. (شوهر او شلوم، پسر توقهت و نوه حسره، خیاط دربار بود.) وقتی جریان امر را برای حلده تعریف کردند،
23 Oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray u sheegtaan,
حلده به ایشان گفت که نزد پادشاه بازگردند و این پیغام را از جانب خداوند، خدای اسرائیل به او بدهند.
24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,
«من این شهر و ساکنانش را به تمام لعنتهایی که از این کتاب برای تو خوانده شد، گرفتار خواهم ساخت.
25 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.
زیرا این قوم مرا ترک گفته، بت‌پرست شده‌اند و با کارهایشان خشم مرا برانگیخته‌اند. پس آتش خشم من که بر اورشلیم افروخته شده، خاموش نخواهد شد.
26 Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:
اما من دعای تو را اجابت خواهم نمود و این بلا را پس از مرگ تو بر این سرزمین و ساکنانش خواهم فرستاد. تو این بلا را نخواهی دید و در آرامش خواهی مرد زیرا هنگامی که کتاب تورات را خواندی و از اخطار من بر ضد این شهر و ساکنانش آگاه شدی، از روی ناراحتی لباس خود را دریدی و در حضور من گریه کردی و فروتن شدی.» فرستادگان پادشاه این پیغام را به او رساندند.
27 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
28 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
29 Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.
پادشاه به دنبال بزرگان یهودا و اورشلیم فرستاد تا نزد او جمع شوند.
30 Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.
پس تمام کاهنان و لاویان، مردم یهودا و اورشلیم، کوچک و بزرگ جمع شدند و همراه پادشاه به خانهٔ خداوند رفتند. در آنجا پادشاه تمام دستورهای کتاب عهد را که در خانۀ خداوند پیدا شده بود برای آنها خواند.
31 Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.
پادشاه نزد ستونی که در برابر جمعیت قرار داشت ایستاد و با خداوند عهد بست که با دل و جان از دستورها و احکام او پیروی و اطاعت کند و مطابق آنچه که در آن کتاب نوشته شده رفتار نماید.
32 Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.
او همچنین از تمام اهالی اورشلیم و بنیامین خواست تا آنها نیز با خدا عهد ببندند، و ایشان نیز چنین کردند.
33 Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
به این ترتیب، یوشیا سرزمینی را که به مردم اسرائیل تعلق داشت، از بتها پاک نمود و از مردم خواست تا خداوند، خدای خود را عبادت کنند. آنها در طول دوران سلطنت یوشیا از خداوند، خدای اجداد خویش پیروی کردند.

< Taariikhdii Labaad 34 >