< Taariikhdii Labaad 3 >

1 Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.
سلیمان کار ساختن خانهٔ خداوند را شروع کرد. محل آن در اورشلیم روی کوه موریا بود، یعنی همان زمین خرمنکوبی ارونهٔ یبوسی که در آن خداوند به داوود پادشاه، پدر سلیمان، ظاهر شد و داوود آنجا را برای خانهٔ خدا در نظر گرفت.
2 Oo wuxuu dhismihii bilaabay sannaddii afraad oo boqortooyadiisa, bisheedii labaad, maalinteedii labaad.
کار ساختمان خانهٔ خدا در روز دوم ماه دوم از سال چهارم سلطنت سلیمان پادشاه آغاز شد.
3 Haddaba kanu waa aasaaskii Sulaymaan u dhigay dhismihii guriga Ilaah. Oo dhererku markii cabbirkii hore lagu xisaabo wuxuu ahaa lixdan dhudhun, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.
زیربنای خانهٔ خدا به طول شصت و به عرض بیست ذراع بود.
4 Oo balbaladii guriga ka horraysayna dhererkeedu wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisu oo labaatan dhudhun ahaa, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa boqol iyo labaatan dhudhun, oo wuxuu gudaha hoose kaga dahaadhay dahab saafiya.
ایوان جلوی ساختمان نیز به پهنای بیست ذراع و به بلندی صد و بیست ذراع ساخته شد. دیوارهای داخل آن روکش طلا داشت.
5 Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado.
تالار اصلی خانهٔ خدا را با چوب صنوبر پوشاندند، سپس روی آن طلا کشیده، بر آن نقشهای درختان خرما و حلقه‌های زنجیر منبت‌کاری کردند.
6 Oo gurigiina wuxuu ku qurxiyey dhagaxyo qaali ah, dahabkuna wuxuu ahaa dahabkii Farwaayim.
سنگهای قیمتی زیبا روی دیوارها کار گذاشته شد تا بر شکوه و زیبایی آن بیفزاید. طلای به کار رفته از بهترین طلای فروایم بود.
7 Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay.
تمام دیوارها، تیرهای سقف، درها، و آستانه‌های خانهٔ خدا را با طلا پوشانیدند و روی دیوارها تصاویر کروبیان حکاکی کردند.
8 Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti.
در داخل خانهٔ خدا، اتاقی برای قدس‌الاقداس ساخته شد. طول و عرض این اتاق هر کدام بیست ذراع بود. بیش از بیست تن طلای ناب برای پوشاندن دیوارهای آن به کار رفت.
9 Oo musmaarrada miisaankooduna wuxuu ahaa konton sheqel oo dahab ah, oo qolalkii sarena wuxuu ku dahaadhay dahab.
حدود ششصد گرم میخ طلا در آن مصرف شد. بالاخانه‌ها نیز با طلا پوشانده شد.
10 Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay.
سلیمان در قدس‌الاقداس، دو مجسمهٔ کروبی ساخت و آنها را با طلا پوشاند.
11 Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.
آنها با بالهای گسترده ایستاده بودند و صورتشان به طرف بیرون بود و نوک دو بال آنها به هم می‌رسید و نوک بالهای دیگرشان تا دیوارهای دو طرف قدس‌الاقداس کشیده می‌شد. طول هر یک از بالهای کروبیان پنج ذراع و مجموع طول بالهای آنها بیست ذراع بود.
12 Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.
13 Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.
14 Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.
پردهٔ قدس‌الاقداس از کتان نازک به رنگهای آبی، ارغوانی و قرمز تهیه شده و با نقش کروبیان تزیین شده بود.
15 Oo weliba guriga hortiisana wuxuu ku sameeyey laba tiir oo mid kasta dhererkiisu yahay shan iyo soddon dhudhun, oo mid kastana taajkii saarnaa wuxuu ahaa shan dhudhun.
سلیمان جلوی خانۀ خدا دو ستون ساخت، که طول آنها سی و پنج ذراع بود و روی هر کدام یک سر ستون به طول پنج ذراع قرار داشت.
16 Oo wuxuu kaloo sameeyey silsilado u eg kuwii guriga quduuska ah markaasuu saaray tiirarka dushoodii; oo wuxuu kaloo sameeyey boqol rummaan oo silsiladihii buu ku dhejiyey.
او رشته‌هایی از زنجیر، مانند زنجیرهایی که در قدس‌الاقداس بود، ساخت و آنها را با صد انار مفرغین که به زنجیرها متصل شده بودند، بر سر ستونها گذاشت.
17 Markaasuu tiirarkii qotomiyey macbudka hortiisa, mid dhanka midigta, kii kalena dhanka bidixda, oo kii dhanka midigta ahaa magiciisii wuxuu u bixiyey Yaakiin, kii dhanka bidixda ahaana wuxuu u bixiyey Bocas.
سپس ستونها را جلوی خانهٔ خدا، یکی در طرف راست و دیگری در سمت چپ بر پا نمود. نام ستون طرف راست را یاکین و ستون سمت چپ را بوعز گذاشت.

< Taariikhdii Labaad 3 >