< Taariikhdii Labaad 29 >
1 Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah.
希西家登基的時候年二十五歲,在耶路撒冷作王二十九年。他母親名叫亞比雅,是撒迦利雅的女兒。
2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
希西家行耶和華眼中看為正的事,效法他祖大衛一切所行的。
3 Oo sannaddii kowaad oo boqornimadiisa bisheedii kowaad ayuu albaabbadii gurigii Rabbiga furay, wuuna cusboonaysiiyey.
元年正月,開了耶和華殿的門,重新修理。
4 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal.
他召眾祭司和利未人來,聚集在東邊的寬闊處,
5 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
對他們說:「利未人哪,當聽我說:現在你們要潔淨自己,又潔淨耶和華-你們列祖上帝的殿,從聖所中除去污穢之物。
6 Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.
我們列祖犯了罪,行耶和華-我們上帝眼中看為惡的事,離棄他,轉臉背向他的居所,
7 Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin.
封鎖廊門,吹滅燈火,不在聖所中向以色列上帝燒香,或獻燔祭。
8 Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.
因此,耶和華的忿怒臨到猶大和耶路撒冷,將其中的人拋來拋去,令人驚駭、嗤笑,正如你們親眼所見的。
9 Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.
所以我們的祖宗倒在刀下,我們的妻子兒女也被擄掠。
10 Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.
現在我心中有意與耶和華-以色列的上帝立約,好使他的烈怒轉離我們。
11 Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.
我的眾子啊,現在不要懈怠;因為耶和華揀選你們站在他面前事奉他,與他燒香。」
12 Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax.
於是,利未人哥轄的子孫、亞瑪賽的兒子瑪哈,亞撒利雅的兒子約珥;米拉利的子孫、亞伯底的兒子基士,耶哈利勒的兒子亞撒利雅;革順的子孫、薪瑪的兒子約亞,約亞的兒子伊甸;
13 Oo reer Eliisaafaanna waxaa ka kacay Shimrii iyo Yecuu'eel, oo reer Aasaafna waxaa ka kacay Sekaryaah iyo Matanyaah.
以利撒反的子孫申利和耶利;亞薩的子孫撒迦利雅和瑪探雅;
14 Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel.
希幔的子孫耶歇和示每;耶杜頓的子孫示瑪雅和烏薛;
15 Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.
起來聚集他們的弟兄,潔淨自己,照着王的吩咐、耶和華的命令,進去潔淨耶和華的殿。
16 Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.
祭司進入耶和華的殿要潔淨殿,將殿中所有污穢之物搬到耶和華殿的院內,利未人接去,搬到外頭汲淪溪邊。
17 Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad.
從正月初一日潔淨起,初八日到了耶和華的殿廊,用八日的工夫潔淨耶和華的殿,到正月十六日才潔淨完了。
18 Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba.
於是,他們晉見希西家王,說:「我們已將耶和華的全殿和燔祭壇,並壇的一切器皿、陳設餅的桌子,與桌子的一切器皿都潔淨了;
19 Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.
並且亞哈斯王在位犯罪的時候所廢棄的器皿,我們預備齊全,且潔淨了,現今都在耶和華的壇前。」
20 Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga.
希西家王清早起來,聚集城裏的首領都上耶和華的殿;
21 Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo.
牽了七隻公牛,七隻公羊,七隻羊羔,七隻公山羊,要為國、為殿、為猶大人作贖罪祭。王吩咐亞倫的子孫眾祭司,獻在耶和華的壇上,
22 Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.
就宰了公牛,祭司接血灑在壇上,宰了公羊,把血灑在壇上,又宰了羊羔,也把血灑在壇上;
23 Oo orgidii qurbaanka dembiga ahaydna boqorkii iyo shirkii hortooda ayay u soo dhoweeyeen, oo gacmahoodii ayay korka ka saareen,
把那作贖罪祭的公山羊牽到王和會眾面前,他們就按手在其上。
24 markaasaa wadaaddadii orgidii gowraceen oo waxay dhiiggoodii dembi qurbaankiis kaga dhigeen meesha allabariga korkeeda si ay dadka Israa'iil oo dhan kafaaraggud ugu sameeyaan aawadeed, waayo, boqorka ayaa amray in qurbaanka la gubo iyo qurbaanka dembigaba loo wada sameeyo dadka Israa'iil oo dhan.
祭司宰了羊,將血獻在壇上作贖罪祭,為以色列眾人贖罪,因為王吩咐將燔祭和贖罪祭為以色列眾人獻上。
25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.
王又派利未人在耶和華殿中敲鈸,鼓瑟,彈琴,乃照大衛和他先見迦得,並先知拿單所吩咐的,就是耶和華藉先知所吩咐的。
26 Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin.
利未人拿大衛的樂器,祭司拿號,一同站立。
27 Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
希西家吩咐在壇上獻燔祭,燔祭一獻,就唱讚美耶和華的歌,用號,並用以色列王大衛的樂器相和。
28 Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday.
會眾都敬拜,歌唱的歌唱,吹號的吹號,如此直到燔祭獻完了。
29 Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen.
獻完了祭,王和一切跟隨的人都俯伏敬拜。
30 Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen.
希西家王與眾首領又吩咐利未人用大衛和先見亞薩的詩詞頌讚耶和華;他們就歡歡喜喜地頌讚耶和華,低頭敬拜。
31 Markaasaa Xisqiyaah jawaabay oo yidhi, Hadda idinku waxaad quduus isaga dhigteen Rabbiga, haddaba soo dhowaada oo guriga Rabbiga waxaad soo gelisaan allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah. Kolkaasaa shirkii soo gesheen allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo in alla intii qalbigoodu raalli ahaana waxay keeneen qurbaanno la gubo.
希西家說:「你們既然歸耶和華為聖,就要前來把祭物和感謝祭奉到耶和華殿裏。」會眾就把祭物和感謝祭奉來,凡甘心樂意的也將燔祭奉來。
32 Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo.
會眾所奉的燔祭如下:公牛七十隻,公羊一百隻,羊羔二百隻,這都是作燔祭獻給耶和華的;
33 Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah.
又有分別為聖之物,公牛六百隻,綿羊三千隻。
34 Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan.
但祭司太少,不能剝盡燔祭牲的皮,所以他們的弟兄利未人幫助他們,直等燔祭的事完了,又等別的祭司自潔了;因為利未人誠心自潔,勝過祭司。
35 Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey.
燔祭和平安祭牲的脂油,並燔祭同獻的奠祭甚多。這樣,耶和華殿中的事務俱都齊備了。
36 Oo Xisqiyaah iyo dadkii oo dhammuba aad bay ugu reyreeyeen wixii Ilaah dadka u diyaariyey aawadood, waayo, xaalkaas waxaa lagu sameeyey si kedis ah.
這事辦的甚速,希西家和眾民都喜樂,是因上帝為眾民所預備的。