< Taariikhdii Labaad 24 >

1 Yoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday, oo afartan sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac.
Yowash yana da shekara goma sha bakwai sa’ad da ya zama sarki, ya kuma yi sarauta a Urushalima shekara arba’in. Sunan mahaifiyarsa Zibiya ce; ita daga Beyersheba.
2 Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan.
Yowash ya yi abin da yake daidai a gaban Ubangiji duka shekarun Yehohiyada firist.
3 Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba.
Yehohiyada ya zaɓi mata biyu dominsa, yana kuma da’ya’ya maza da’ya’ya mata.
4 Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo.
Wani lokaci daga baya Yowash ya yanke shawara yă gyara haikalin Ubangiji.
5 Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.
Ya tara firistoci da Lawiyawa wuri ɗaya ya ce musu, “Ku je garuruwan Yahuda ku karɓa kuɗin da ya kamata a biya shekara-shekara daga dukan Isra’ila, don gyaran haikalin Allahnku. Ku yi haka yanzu.” Amma Lawiyawa ba su yi haka nan da nan ba.
6 Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed?
Saboda haka sarki ya kira Yehohiyada babban firist ya ce masa, “Me ya sa ba ka bukaci Lawiyawa su kawo harajin da Musa bawan Ubangiji ya ce a biya daga Yahuda da Urushalima da kuma taron Isra’ila domin Tentin Sujada Shaida ba?”
7 Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim.
Yanzu’ya’ya muguwar macen nan Ataliya maza sun fasa zuwa cikin haikalin Allah, suka kuma yi amfani da kayayyaki masu tsarki ma wa Ba’al.
8 Sidaas daraaddeed boqorkii wuu amray oo iyana waxay sameeyeen sanduuq, oo waxay ag qotomiyeen guriga Rabbiga iriddiisa dibaddeeda.
Bisa ga umarnin sarki, aka yi akwati aka sa a waje, a mashigin haikalin Ubangiji.
9 Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen.
Aka yi umarni a Yahuda da Urushalima cewa ya kamata suka kawo wa Ubangiji harajin da Musa bawan Allah ya bukaci daga Isra’ila a hamada.
10 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu reyreeyeen oo intay wax keeneen ayay ku rideen sanduuqii ilaa ay ka buuxiyeen.
Dukan hafsoshi da dukan mutane suka kawo nasu kuɗin da aka sa musu da farin ciki, suna zuba su cikin akwatin sai da ya cika.
11 Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.
Duk sa’ad da Lawiyawa suka fito da akwatin zuwa ga hafsoshin sarki, suka kuma ga cewa akwatin yana da kuɗi mai yawa, sai magatakardan fada da hafsan babban firist su zo su juya kuɗin daga akwatin su mai da shi wurinsa. Sun riƙa yin haka kullum suka tara kuɗi mai yawa.
12 Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan.
Sarki da Yehohiyada suka ba da shi ga mutanen da suka yi aikin da ake bukata don haikalin Ubangiji. Suka ɗauki masu gini da kafintoci don su gyara haikalin Ubangiji, da kuma ma’aikatan ƙarafa da tagulla don su gyara haikalin.
13 Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen.
Mutanen da suke lura da aikin natsattsu ne, kuma gyare-gyaren suka ci gaba a ƙarƙashinsu. Suka sāke gina haikalin Allah bisa ga ainihin fasalinsa suka ƙara masa ƙarfi.
14 Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo.
Da suka gama, suka kawo sauran kuɗin wa sarki da Yehohiyada, da su ne kuwa aka yi kayayyaki domin hidima da kuma domin hadayun ƙonawa, haka kuma kwanoni da sauran kayayyakin zinariya da azurfa. Muddin Yehohiyada yana raye, aka riƙa kawo hadayun ƙonawa a haikalin Ubangiji.
15 Laakiinse Yehooyaadaac wuu da' weynaa, gabow buuna la dhacay, wuuna dhintay, oo markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood.
Yanzu Yehohiyada ya tsufa kuma cike da shekaru, ya kuwa mutu yana da shekara ɗari da talatin.
16 Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.
Aka binne shi tare da sarakuna a cikin Birnin Dawuda, saboda kirkin da ya yi a Isra’ila wa Allah da haikalinsa.
17 Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay.
Bayan mutuwar Yehohiyada, hafsoshin Yahuda suka zo suka yi mubaya’a wa sarki, ya kuma saurare su.
18 Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.
Suka yashe haikalin Ubangiji Allah na kakanninsu, suka bauta wa ginshiƙan Ashera da kuma gumaka. Saboda laifinsu, fushin Allah ya sauko a kan Yahuda da Urushalima.
19 Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin.
Ko da yake Ubangiji ya aiki annabawa zuwa wurin mutane don su dawo da su gare shi, kuma ko da yake sun ba da shaida a kansu, ba su saurara ba.
20 Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.
Sai Ruhun Allah ya sauko a kan Zakariya ɗan Yehohiyada firist. Ya tsaya a gaban mutane ya ce, “Ga abin da Allah ya ce, ‘Me ya sa ba ku yi biyayya da umarnan Ubangiji ba? Ba za ku yi nasara ba. Domin kun yashe Ubangiji, shi ma ya yashe ku.’”
21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga.
Amma suka yi masa maƙarƙashiya, kuma ta wurin umarnin sarki suka jajjefe shi da duwatsu har ya mutu a filin haikalin Ubangiji.
22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo.
Sarki Yowash bai tuna da alherin da Yehohiyada mahaifin Zakariya ya nuna masa ba, sai ya kashe ɗansa, wanda ya ce yayinda yake mutuwa, “Bari Ubangiji yă dubi wannan yă kuma sāka maka.”
23 Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa.
Da shekara ta kewaye, mayaƙan Aram suka yi gāba da Yowash suka kai hari wa Yahuda da Urushalima suka kuma kashe dukan shugabannin mutane, suka aika da dukan ganima zuwa ga sarkinsu a Damaskus.
24 Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.
Ko da yake mayaƙan Arameyawa sun zo da mutane kaɗan kawai, Ubangiji ya sa suka ci nasara a kan sojojin Yahuda mafi yawa, don mutanen Yahuda sun rabu da Ubangiji Allah na kakanninsu, aka kuma hukunta Yowash.
25 Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada.
Sa’ad da Arameyawa suka janye, suka bar Yowash da mummunan rauni. Hafsoshinsa suka haɗa baki a kansa saboda kisan ɗan Yehohiyada firist da ya yi, suka kashe shi a kan gadonsa. Ta haka ya mutu aka kuma binne shi makabartan sarakuna.
26 Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab.
Waɗanda suka haɗa bakin kuwa su ne Zabad ɗan Shimeyat wata mutuniyar Ammon da Yehozabad ɗan Shimrit wata mutuniyar Mowab.
27 Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
Labarin’ya’yansa maza, annabce-annabce masu yawa game da shi, da tarihin gyaran haikalin Allah suna a rubuce a rubuce-rubuce a littafin sarakuna. Amaziya ɗansa kuwa ya gāje shi a matsayin sarki.

< Taariikhdii Labaad 24 >