< Taariikhdii Labaad 22 >

1 Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
А мешканці Єрусалиму настанови́ли царем замість нього Ахазію, його найменшого сина, бо всіх перших позабива́ла та вата́га, що прихо́дила з арабами на та́бір. І зацарював Ахазія, син Єгорама, Юдиного царя.
2 Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.
Ахазія був віку сорока й двох літ, коли зацарював, і царював він в Єрусалимі один рік. А ім'я́ його матері — Аталія, дочка Омрієва.
3 Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.
Також він ходив дорогою Аха́вого дому, бо його мати була йому дора́дниця, щоб чинити беззако́ння.
4 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.
І чинив він зло в Господніх оча́х, як Аха́вів дім, бо вони були йому дорадниками по смерті його батька, на поги́біль йому.
5 Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.
Також за їхньою порадою він ходив. І пішов він з Єгорамом, сином Ахава, Ізраїлевого царя, на війну на Хазаїла, сирійського царя, в ґілеадський Рамот. І побили сирі́яни Йорама.
6 Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
І вернувся він лікува́тися в Їзреелі від тих ран, що завдали́ йому в Рамі, як він воював із Хазаїлом, сирійським царем. А Азарія, Єгорамів син, цар Юдин, зійшов побачити Єгорама, Ахавого сина, в Їзреелі, бо він був слаби́й.
7 Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.
І від Бога було на погибіль Ахазії, щоб прийти до Єгорама, бо як прийшов, вийшов з Єгорамом на Єгу, сина Німші, що Господь пома́зав його ви́губити Ахавів дім.
8 Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.
І сталося, коли Єгу чинив суд над Ахавовим домом, то знайшов він Юдиних зверхників та синів Ахазієвих братів, що служили Ахазієві, і позабивав їх.
9 Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.
І відшукав він Ахазію, і схопи́ли його́, а він ховався в Самарії. І привели́ його до Єгу та й забили його; і поховали його, бо сказали: „Він син Йосафата, що всім серцем своїм звертався до Господа“. І не було в домі Ахазії нікого, хто мав би силу царювати.
10 Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan.
А коли Аталія, мати Ахазії, побачила, що помер її син, то встала й ви́губила все цареве насіння Юдиного дому...
11 Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis).
А Єгосав'ат, дочка царя, взяла Йоаша, сина Ахазії, та й викрала його з-поміж вби́ваних царськи́х синів, і дала́ його та няньку його до спальної кімна́ти. І схова́ла його Єгосав'ат, дочка царя Єгорама, жінка священика Єгояди, — бо вона була сестра Ахазії, — перед Аталією, і та не забила його.
12 Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.
І він був з ними в Божому домі, хова́ючися шість років, а Аталія царювала над краєм.

< Taariikhdii Labaad 22 >