< Taariikhdii Labaad 2 >

1 Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.
سلیمان تصمیم گرفت خانه‌ای برای عبادت خداوند و قصری برای خودش بسازد.
2 Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.
این کار احتیاج به هفتاد هزار کارگر، هشتاد هزار سنگتراش و سه هزار و ششصد سرکارگر داشت.
3 Oo Sulaymaanna wuxuu u cid diray Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos oo ku yidhi, Sidaad u yeeshay aabbahay Daa'uud markaad isaga u soo dirtay alwaax kedar ah oo uu ku dhisto guri uu ku hoydo, anigana sidii oo kale ii yeel.
سلیمان قاصدی را با این پیام نزد حیرام، پادشاه صور فرستاد: «همان‌طور که برای پدرم داوود چوب سرو فرستادی تا قصر خود را بسازد، برای من هم بفرست.
4 Bal eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray.
در نظر دارم خانه‌ای برای عبادت خداوند، خدای خود بسازم تا در آن مکان مقدّس در حضور خداوند بخور خوشبو بسوزانیم و نان حضور را به طور مرتب در خانهٔ خدا بگذاریم و هر روز صبح و عصر و روزهای شَبّات و در جشنهای ماه نو و سایر عیدهای خداوند، خدایمان در آنجا قربانی تقدیم کنیم زیرا این حکم خدا به قوم اسرائیل است.
5 Oo guriga aan dhisayaana waa weyn yahay, maxaa yeelay, Ilaahayagu waa weyn yahay oo waa ka wada sarreeyaa ilaahyada oo dhan.
می‌خواهم برای خدا خانهٔ بزرگی بسازم، زیرا خدای ما از جمیع خدایان بزرگتر است.
6 Laakiinse bal yaa isaga guri u dhisi kara, maxaa yeelay, samada iyo samada samooyinkuba isaga ma qaadi karaan? Bal markaan guri u dhisayo, yaan ahay anigu, inaan hortiisa foox ku shido oo keliya mooyaane?
اما چه کسی می‌تواند خانه‌ای که شایستهٔ او باشد، بسازد؟ حتی آسمانها نیز گنجایش او را ندارند! من کیستم که برای او خانه‌ای بسازم؟ این مکانی که می‌سازم فقط عبادتگاهی خواهد بود که در آن برای عبادت او بخور بسوزانیم.
7 Haddaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey.
«پس صنعتگر ماهری برایم بفرست که زرگری، نقره‌کاری و فلزکاری بداند و در بافتن پارچه‌های ارغوانی، قرمز و آبی ماهر باشد. در ضمن، او باید حکاکی نیز بداند تا در کنار صنعتگران یهودا و اورشلیم که پدرم داوود آنها را برگزیده، کار کند.
8 Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada,
همچنین چوبهای سرو، صنوبر و صندل از جنگلهای لبنان برای من بفرست، زیرا افراد تو در بریدن چوب ماهر هستند و مردان من هم به ایشان کمک خواهند کرد.
9 si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.
مقدار زیادی چوب لازم است، چون خانه‌ای که می‌خواهم بسازم بسیار بزرگ و باشکوه است.
10 Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.
من دو هزار تن گندم و دو هزار تن جو، چهارصد هزار لیتر شراب و چهارصد هزار لیتر روغن زیتون به چوب‌بران تو خواهم داد.»
11 Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay.
حیرام پادشاه در جواب سلیمان چنین نوشت: «چون خداوند قوم خود را دوست دارد به همین جهت تو را پادشاه آنها کرده است.
12 Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.
یهوه، خدای اسرائیل را که آفرینندهٔ آسمان و زمین است شکر و سپاس باد که چنین پسر دانا و هوشیار و فهمیده‌ای به داوود داده تا عبادتگاهی برای خداوند و قصری برای خود بسازد.
13 Oo haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii.
«من صنعتگر پدرم، حورام را می‌فرستم. او مردی دانا و با استعداد است.
14 Oo isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah.
مادرش یهودی و از قبیلهٔ دان است و پدرش اهل صور می‌باشد. او در زرگری و نقره‌کاری و فلزکاری بسیار ماهر است. در ضمن در سنگتراشی و نجاری و نساجی سررشته دارد. در حکاکی تجربهٔ زیادی دارد و از عهدهٔ انجام هر طرحی برمی‌آید. او می‌تواند با پارچه‌های ارغوانی و آبی و سرخ و کتانِ ریز کار کند. او با صنعتگران تو و آنانی که سرور من داوود تعیین کرده، کار خواهد کرد.
15 Haddaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow.
پس گندم، جو، روغن زیتون و شرابی را که وعده داده‌ای، بفرست.
16 Oo annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa.
ما نیز از کوههای لبنان به قدر احتیاج الوار تهیه خواهیم کرد و آنها را به هم بسته، به آب می‌اندازیم و از کنار دریا به طور شناور به یافا می‌آوریم. از آنجا تو می‌توانی آنها را تحویل گرفته، به اورشلیم ببری.»
17 Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.
در این هنگام سلیمان تمام بیگانه‌های اسرائیل را سرشماری کرد؛ تعداد آنها ۱۵۳٬۶۰۰ نفر بود. (این سرشماری غیر از سرشماری بود که داوود به عمل آورده بود.)
18 Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.
سلیمان ۷۰٬۰۰۰ نفر از آنها را برای حمل بار، ۸۰٬۰۰۰ نفر را برای تراشیدن سنگ در کوهستان و ۳٬۶۰۰ نفر را به عنوان سرکارگر تعیین کرد.

< Taariikhdii Labaad 2 >