< Taariikhdii Labaad 14 >

1 Markaasaa Abiiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa, oo wakhtigiisiina dalku wuu xasilloonaa intii toban sannadood ah.
亞比雅與他列祖同睡,葬在大衛城裏。他兒子亞撒接續他作王。亞撒年間,國中太平十年。
2 Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa,
亞撒行耶和華-他上帝眼中看為善為正的事,
3 maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray,
除掉外邦神的壇和邱壇,打碎柱像,砍下木偶,
4 oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka.
吩咐猶大人尋求耶和華-他們列祖的上帝,遵行他的律法、誡命;
5 Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.
又在猶大各城邑除掉邱壇和日像,那時國享太平;
6 Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.
又在猶大建造了幾座堅固城。國中太平數年,沒有戰爭,因為耶和華賜他平安。
7 Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen.
他對猶大人說:「我們要建造這些城邑,四圍築牆,蓋樓,安門,做閂;地還屬我們,是因尋求耶和華-我們的上帝;我們既尋求他,他就賜我們四境平安。」於是建造城邑,諸事亨通。
8 Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
亞撒的軍兵,出自猶大拿盾牌拿槍的三十萬人;出自便雅憫拿盾牌拉弓的二十八萬人。這都是大能的勇士。
9 Oo waxaa iyagii ku soo kacay Serax oo ahaa reer Itoobiya isagoo wata ciidan tiradiisu tahay malyuun, iyo saddex boqol oo gaadhifaras, oo isagu wuxuu yimid Maareeshaah.
有古實王謝拉率領軍兵一百萬,戰車三百輛,出來攻擊猶大人,到了瑪利沙。
10 Markaasaa Aasaa u baxay inuu isaga ka hor tago, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Dooxadii Sefaataah oo Maareeshaah u dhow.
於是亞撒出去與他迎敵,就在瑪利沙的洗法谷彼此擺陣。
11 Markaasaa Aasaa u qayshaday Rabbiga Ilaahiisa ah oo yidhi, Rabbiyow, adiga mooyaane ma jiro mid u kala hiilin kara kan itaalka badan iyo kan aan xoogga lahayn. Rabbiyow Ilaahayagow, na caawi, waayo, waannu isku kaa hallaynaynaa, oo magacaaga ayaannu dadkan badan ugu soo baxnay. Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahayaga, haddaba ninna yuusan kaa adkaan.
亞撒呼求耶和華-他的上帝說:「耶和華啊,惟有你能幫助軟弱的,勝過強盛的。耶和華-我們的上帝啊,求你幫助我們;因為我們仰賴你,奉你的名來攻擊這大軍。耶和華啊,你是我們的上帝,不要容人勝過你。」
12 Oo sidaas daraaddeed Aasaa iyo dadkii Yahuudah hortooda ayaa Rabbigu ku jebiyey kuwii reer Itoobiya, kuwii reer Itoobiyana way carareen.
於是耶和華使古實人敗在亞撒和猶大人面前,古實人就逃跑了;
13 Markaasaa Aasaa iyo dadkii la socday u eryadeen xagga Geraar, oo waxaa kuwii reer Itoobiya ka dhintay dad faro badan oo iyaga ayan ka soo kaban karin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku hor baabbe'een Rabbiga iyo ciidankiisaba, oo weliba waxay kala tageen maal booli ah oo aad u badan.
亞撒和跟隨他的軍兵追趕他們,直到基拉耳。古實人被殺的甚多,不能再強盛,因為敗在耶和華與他軍兵面前。猶大人就奪了許多財物,
14 Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.
又打破基拉耳四圍的城邑;耶和華使其中的人都甚恐懼。猶大人又將所有的城擄掠一空,因其中的財物甚多,
15 Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.
又毀壞了群畜的圈,奪取許多的羊和駱駝,就回耶路撒冷去了。

< Taariikhdii Labaad 14 >