< Taariikhdii Labaad 11 >

1 Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.
وقتی رحبعام به اورشلیم رسید صد و هشتاد هزار مرد جنگی از یهودا و بنیامین جمع کرد تا با بقیه اسرائیل بجنگد و آنها را هم زیر سلطهٔ خود در بیاورد.
2 Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,
اما خداوند برای شمعیای نبی این پیغام را فرستاده، گفت:
3 La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,
«برو و به رحبعام پسر سلیمان، پادشاه یهودا و به تمام قبیلهٔ یهودا و بنیامین بگو که نباید با اسرائیلی‌ها که برادرانشان هستند بجنگند. به آنها بگو که به خانه‌های خود برگردند؛ زیرا تمام این اتفاقات مطابق خواست من صورت گرفته است.» پس ایشان خداوند را اطاعت کرده، از جنگ با یربعام خودداری نمودند.
4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, wayna ka noqdeen Yaaraabcaam kii ay ku kaceen.
5 Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.
رحبعام در اورشلیم ماند و برای دفاع از خود، دور این شهرها را که در یهودا و بنیامین بودند حصار کشید: بیت‌لحم، عیتام، تقوع، بیت‌صور، سوکو، عدلام، جت، مریشه، زیف، ادورایم، لاکیش، عزیقه، صرعه، ایلون و حبرون.
6 Oo kuwuu dhisay waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo Ceetaam, iyo Teqooca,
7 iyo Beytsuur, iyo Sookoo, iyo Cadullaam,
8 iyo Gad, iyo Maareeshaah, iyo Siif,
9 iyo Adoorayim, iyo Laakiish, iyo Caseeqaah,
10 iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.
11 Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri.
او این شهرها را مستحکم ساخت و فرماندهانی بر آنها گذاشت و خوراک و روغن زیتون و شراب در آنجا انبار کرد.
12 Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa.
برای احتیاط بیشتر، در اسلحه خانه‌های هر شهر، سپر و نیزهٔ فراوان ذخیره کرد؛ زیرا از تمام قوم اسرائیل فقط یهودا و بنیامین به او وفادار مانده بودند.
13 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo reer binu Israa'iil dhex joogay oo dhammuna isagay uga yimaadeen meelahoodii oo dhan.
کاهنان و لاویان از سراسر خاک اسرائیل، خانه‌ها و املاک خود را ترک گفته، به یهودا و اورشلیم آمدند، زیرا یربعام پادشاه و پسرانش ایشان را از شغل کاهنی برکنار کرده بودند.
14 Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.
15 Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey.
یربعام، کاهنان دیگری برای بتخانه‌های بالای تپه‌ها و بتهایی که به شکل بز و گوساله ساخته بود تعیین کرد.
16 Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
اما کسانی که طالب پرستش خداوند، خدای اسرائیل بودند، از سراسر خاک اسرائیل، به دنبال لاویان به اورشلیم نقل مکان نمودند تا بتوانند در آنجا برای خداوند، خدای اجداد خود قربانی کنند.
17 Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.
به این ترتیب، پادشاهی رحبعام در یهودا استوار شد و مردم سه سال از رحبعام پشتیبانی کردند و طی این سه سال، مانند زمان داوود و سلیمان، خداوند را اطاعت نمودند.
18 Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,
رحبعام با محلت ازدواج کرد. محلت دختر یریموت و نوه داوود بود و مادر محلت ابیحایل نام داشت. ابیحایل دختر الی‌آب برادر داوود بود.
19 oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.
حاصل این ازدواج سه پسر بود به نامهای یعوش، شمریا و زهم.
20 Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid.
سپس رحبعام با معکه دختر ابشالوم ازدواج کرد. او از معکه نیز صاحب چهار فرزند شد به اسامی ابیا، عتای، زیزا و شلومیت.
21 Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.)
رحبعام، معکه را بیشتر از سایر زنان و کنیزان خود دوست می‌داشت. (رحبعام هجده زن، شصت کنیز، بیست و هشت پسر و شصت دختر داشت.)
22 Oo Rexabcaamna wuxuu madax ka dhigay Abiiyaah oo ay dhashay Macakaah, kaasoo walaalihiis amiir ka dhex ahaa, waayo, wuxuu damacsanaa inuu isaga boqor ka dhigo.
او به پسرش ابیا که از معکه بود مقامی بالاتر از سایر فرزندانش داد، زیرا قصد داشت بعد از خود، او را پادشاه سازد.
23 Oo wuxuu u macaamilooday si caqli ah, oo wiilashiisii oo dhanna wuu ku kala firdhiyey magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalkii reer Yahuudah iyo kii reer Benyaamiin oo dhan, oo iyagii wuxuu siiyey cunto badan. Wuxuuna u doondoonay naago badan.
پس بسیار عاقلانه رفتار نموده، بقیهٔ پسرانش را در شهرهای حصاردار سراسر قلمرو یهودا و بنیامین پراکنده کرد و مایحتاج آنان را تأمین نمود و برای هر کدام زنان بسیار گرفت.

< Taariikhdii Labaad 11 >