< Taariikhdii Labaad 10 >

1 Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.
Rehobowam ya tafi Shekem, gama dukan Isra’ilawa sun je can don su naɗa shi sarki.
2 Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayuu ka soo noqday dalkii Masar (waayo, wuxuu joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay).
Da Yerobowam ɗan Nebat ya ji wannan (a lokacin yana a Masar, inda ya gudu daga Sarki Solomon ya tafi), sai ya dawo daga Masar.
3 Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,
Saboda haka suka aika a zo da Yerobowam, sai shi da dukan Isra’ila suka je wurin Rehobowam suka ce masa.
4 War aabbahaa harqood daran buu na saaray, haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.
“Mahaifinka ya sa mana kaya masu nauyi a kanmu, amma yanzu ka sauƙaƙa mana aiki mai zafin nan da kuma kaya masu nauyin da ya sa a kanmu, mu kuwa za mu bauta maka.”
5 Markaasuu ku yidhi, Saddex maalmood dabadood igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.
Rehobowam ya amsa, “Ku dawo gare ni cikin kwana uku.” Saboda haka mutanen suka watse.
6 Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?
Sai Sarki Rehobowam ya nemi shawarar dattawan da suka yi wa mahaifinsa Solomon hidima a lokacin da yake da rai, ya tambaye suya ce, “Wace shawara za ku ba ni don in amsa wa waɗannan mutane?”
7 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Haddaad dadkan u roonaatid, oo aad ka farxisid, oo aad erayo wanaagsan kula hadashid, markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.
Suka amsa suka ce, “In za ka ji tausayi waɗannan mutane ka kuma gamshe su, ka kuma ba su amsar da ta dace, kullum za su zama bayinka.”
8 Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.
Amma Rehobowam ya ƙi shawarar da dattawa suka ba shi ya kuma nemi shawarar matasan da suka yi girma tare, suke kuma yin masa hidima.
9 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?
Ya tambaye su ya ce, “Mece ce shawararku? Yaya zan amsa wa waɗannan mutanen da suke ce mini, ‘Ka sauƙaƙa nauyin da mahaifinka ya sa a kanmu’?”
10 Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.
Matasan da suka yi girma tare shi suka amsa, “Faɗa wa mutanen da suke ce maka, ‘Mahaifinka ya sa kaya masu nauyi a kanmu, amma ka sauƙaƙa nauyinmu.’ Ka faɗa musu, ‘Ƙaramin yatsana ya fi ƙugun mahaifina kauri.
11 Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa, oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
Mahaifina ya sa muku kaya masu nauyi; zan ma sa mafi nauyi. Mahaifina ya bulale ku da bulala; zan bulale ku da kunamai.’”
12 Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.
Bayan kwana uku sai Yerobowam da dukan mutane suka dawo wurin Rehobowam, yadda sarki ya ce, “Ku dawo gare ni cikin kwana uku.”
13 Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,
Sarki ya amsa musu da kakkausar murya. Ya ƙi shawarar dattawan,
14 oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa, aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
ya kuma bi shawarar matasan ya ce, “Mahaifina ya sa muku kaya masu nauyi; zan ma sa mafi nauyi. Mahaifina ya bulale ku da bulala; zan bulale ku da kunamai.”
15 Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan, waayo, taasu xagga Ilaah bay ka timid, si uu Rabbigu u adkeeyo eraygiisii uu Yaaraabcaam ina Nebaad kula hadlay oo uu u soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.
Saboda haka sarki bai saurari mutane ba, gama wannan juyin al’amura daga Allah ne, don a cika maganar Ubangiji da ya yi ga Yerobowam ɗan Nebat ta wurin Ahiya mutumin Shilo.
16 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.
Sa’ad da Isra’ila suka ga sarki ya ƙi yă saurare su, sai suka amsa wa sarki, suka ce, “Wanda rabo muke da shi a wurin Dawuda, wanda sashe muke da shi daga ɗan Yesse? Kowa yă koma tentinsa, ya Isra’ila! Ka lura da gidanka, ya Dawuda!” Saboda haka dukan Isra’ilawa suka tafi gida.
17 Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.
Amma game da Isra’ilawan da suke zama a garuruwan Yahuda kuwa, Rehobowam ya ci gaba da yin mulki a bisansu.
18 Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Hadooraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.
Sarki Rehobowam ya aiki Hadoram wanda yake lura da aikin dole, amma Isra’ilawa suka jajjefe shi da duwatsu har ya mutu. Sarki Rehobowam kuwa ya gaggauta ya shiga keken yaƙinsa ya gudu zuwa Urushalima.
19 Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.
Ta haka Isra’ila ya kasance cikin tawaye a kan gidan Dawuda har yă zuwa wannan rana.

< Taariikhdii Labaad 10 >