< 1 Timoteyos 1 >
1 Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
Paulo, Mtume wa Kristo Yesu, kulingana na amri ya Mungu na Mwokozi wetu Yesu Kristo aliye ujasiri wetu,
2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
kwa Timotheo mwanangu wa kweli katika imani: Neema, rehema na amani zitokazo kwa Mungu Baba na Kristo Yesu Bwana wetu.
3 Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,
Kama nilivyokusihi nilipoondoka kwenda Makedonia, ubaki Efeso ili kwamba uweze kuwaamru watu fulani wasifundishe mafundisho tofauti.
4 ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.
Pia wasisikilize hadithi na orodha za nasaba zisizo na mwisho. Haya husababisha mabishano zaidi kuliko kuwasaidia kuendeleza mpango wa Mungu wa imani.
5 Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.
Basi lengo la agizo hili ni upendo utokao katika moyo safi, katika dhamiri nzuri na katika imani ya kweli.
6 Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,
Baadhi ya watu wamelikosa lengo wakayaacha mafundisho haya na kugeukia mazungumzo ya kipumbavu.
7 oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan.
Wanataka kuwa waalimu wa sheria, lakini hawafahamu wanachosema au wanachosisitiza.
8 Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.
lakini tunajua kwamba sheria ni njema kama mtu ataitumia kwa usahihi.
9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
Tunajua kuwa, sheria haikutungwa kwa ajili ya mtu mwenye haki, bali kwa ajili ya wavunja sheria na waasi, watu wasio wataua na wenye dhambi, na ambao hawana Mungu na waovu. Imetungwa kwa ajili ya wauao baba na mama zao, kwa ajili ya wauaji,
10 iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,
kwa ajili ya waasherati, kwa ajili ya watu wazinzi, kwa ajili ya wale wanaoteka watu na kuwafanya watumwa, kwa ajili ya waongo, kwa ajili ya mashahidi wa uongo, na yeyote aliye kinyume na maelekezo ya uaminifu.
11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
Malekezo haya yanatokana na injili yenye utukufu ya Mungu mwenye kubarakiwa ambayo kwayo nimeaminiwa.
12 Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,
Ninamshukuru Yesu Kristo Bwana wetu. Alinitia nguvu, kwa kuwa alinihesabu mimi kuwa mwaminifu, na akaniweka katika huduma.
13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.
Nilikuwa mtu wa kukufuru, mtesaji na mtu wa vurugu. Lakini nilipata rehema kwa sababu nilitenda kwa ujinga kwa kutoamini.
14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.
Lakini neema ya Mungu wetu imejaa imani na upendo ulio katika Kristo Yesu.
15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.
Ujumbe huu ni wa kuaminika na unastahili kupokelewa na wote, ya kuwa Kristo Yesu alikuja duniani kuokoa wenye dhambi. Mimi ni mbaya zaidi ya wote.
16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. (aiōnios )
Lakini kwa sababu hii mimi nilipewa rehema ili kwamba ndani yangu mimi, awali ya yote, Kristo Yesu adhihirishe uvumilivu wote. Alifanya hivyo kama kielelezo kwa wote watakaomtumaini Yeye kwa ajili ya uzima wa milele. (aiōnios )
17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn )
Na sasa kwa Mfalme asiye na ukomo, asiyekufa, asiyeonekana, Mungu pekee, iwe heshima na utukufu milele na milele. Amina. (aiōn )
18 Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,
Ninaliweka agizo hili mbele yako Timotheo, mtoto wangu. Nafanya hivi kulingana na unabii uliotolewa hapo kwanza kukuhusu wewe, ili kwamba uhusike katika vita njema.
19 adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay.
Fanya hivyo ili kwamba uwe na imani na dhamiri njema. Baadhi ya watu wameyakataa haya wakaangamiza imani.
20 Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.
Kama vile Himeneyo na Alekizanda ambao nimempa shetani ili wafundishwe wasikufuru.