< 1 Timoteyos 6 >
1 In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.
Wale wote walio chini ya nira kama watumwa wawachukulie mabwana zao kama wenye heshima zote, wanatakiwa kufanya hivyo ili jina la Mungu na mafundisho yasitukanwe.
2 Kuwii sayidyo rumaysan lahu yaanay quudhsan, maxaa yeelay, waa walaalo; laakiin ha u adeegeen intay quudhsan lahaayeen, maxaa yeelay, kuwa shuqulkooda wanaagsan ka faa'iidaa waa kuwa rumaysan oo la jecel yahay. Dadka waxyaalahan bar oo ku waani.
Watumwa wenye mabwana waaminio wasiwadharau kwa sababu wao ni ndugu. Badala yake, wawatumikie zaidi. Kwa sababu mabwana wanaosaidiwa kazi zao ni waamini na wanapendwa. Fundisha na kuyatangaza mambo haya.
3 Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada,
Iwapo mtu fulani anafundisha kwa upotovu na hayapokei maelekezo yetu yenye kuaminika, ambayo ni maneno ya Bwana wetu Yesu Kristo, iwapo hawalikubali fundisho liongozalo kwenye utauwa.
4 kaasu waa kibirsan yahay, oo waxba garan maayo. Wuxuuna u jeellan yahay su'aalo iyo hadal-iskuqabasho, waxaana ka yimaada hinaaso iyo dirir iyo cay iyo tuhun xun,
Mtu huyo anajivuna na hajui chochote. Badala yake, ana vurugu na mabishano juu ya maneno. Maneno haya huzaa wivu, ugomvi, matukano, shuku mbaya,
5 iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.
na vurugu za mara kwa mara kati ya watu wenye akili zilizoharibika. Wanaiacha kweli. Wanafikiri kwamba utauwa ni njia ya kuwa matajiri”
6 Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay;
Sasa utauwa na kuridhika ni faida kubwa.
7 waayo, dunida waxba ma aynu keenin, waxbana ka qaadan kari mayno.
Kwa maana hatukuja na chochote duniani. Wala hatuwezi kuchukua chochote kutoka duniani.
8 Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.
Badala yake, tutosheke na chakula na mavazi.
9 Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.
Sasa hao watakao kuwa na mali huanguka katika majaribu, katika mtego. Huanguka katika upumbavu mwingi na tamaa mbaya, na katika kitu chochote kinachowafanya watu wazame katika maangamizi na uharibifu.
10 Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.
Kwa kuwa kupenda fedha ni chanzo cha aina zote za uovu. Watu ambao hutamani hiyo, wamepotoshwa mbali na imani na wamejichoma wenyewe kwa huzuni nyingi.
11 Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.
Lakini wewe mtu wa Mungu, yakimbie mambo hayo. Fuata haki, utauwa, uaminifu, upendo, usitahimilivu, na upole.
12 Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan. (aiōnios )
Piga vita vizuri vya imani. Shikilia uzima wa milele ulioitiwa. Ilikuwa ni kwa sababu hii kwamba ulitoa ushuhuda mbele ya mashahidi wengi kwa kile kilicho chema. (aiōnios )
13 Ilaah hortiis kan wax kasta nooleeya, iyo Ciise Masiix hortiis, kan Bontiyos Bilaatos hortiisa qirashada wanaagsan ku qirtay, waxaan kugu amrayaa
Nakupa amri hii mbele za Mungu, anayesababisha vitu vyote kuishi, na mbele ya Yesu Kristo, aliyenena iliyo kweli kwa Pontio Pilato:
14 inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo,
itunze amri kwa ukamilifu, pasipo mashaka, hadi ujio wa Bwana wetu Yesu Kristo.
15 muuqashadaas uu wakhtigiisa muujin doono, kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada,
Mungu atadhihirisha ujio wake kwa wakati sahihi- Mungu, Mbarikiwa, nguvu pekee, Mfalme anayetawala, Bwana anayeongoza.
16 kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan karin, oo aan ninna arkin, lana arki karin; isagu ha lahaado ciso iyo itaal weligiis. Aamiin. (aiōnios )
Peke yake anaishi milele na akaaye katika mwanga usiokaribiriwa. Hakuna mtu awezaye kumwona wala awezaye kumtazama. Kwake iwe heshima na uweza wa milele. Amina. (aiōnios )
17 Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno. (aiōn )
Waambie matajiri katika ulimwengu huu wasijivune, na wasitumaini katika utajiri, ambao siyo wa uhakika. Badala yake, wanapaswa kumtumaini Mungu. Ambaye hutupatia utajiri wote wa kweli ili tufurahie. (aiōn )
18 Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,
Waambie watende mema, watajirike katika kazi njema, wawe wakarimu, na utayari wa kutoa.
19 iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.
Katika njia hiyo watajiwekea msingi mzuri kwa mambo yajayo, ili kwamba waweze kushika maisha halisi.
20 Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,
Timotheo, linda kile ulichopewa. Jiepushe na majadiliano ya kipumbavu na mabishano yenye kujipinga ambayo kwa kwa uongo huitwamaarifa.
21 oo qaar qirashadeeda aawadeed iimaanka ku gafeen. Nimco ha idinla jirto.
Baadhi ya watu huyatangaza mambo haya, na hivyo wameikosa imani. Neema na iwe pamoja nawe.