< 1 Timoteyos 3 >

1 Hadalku waa run, Haddii nin doonayo shuqulka hoggaamiyaha kiniisadda, shuqul wanaagsan buu doonayaa.
Usemi huu ni wakuaminika: Kama mtu anatamani kuwa Msimamizi, anatamani kazi njema.
2 Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda;
Kwa hiyo msimamizi ni lazima asiwe na lawama. Ni lazima awe mume wa mke mmoja. Ni lazima awe na kiasi, busara, mwenye utaratibu, mkarimu. Ni lazima awe uwezo wa kufundisha.
3 oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, laakiin waa inuu noqdo mid tudhid badan, oo uusan ilaaq lahayn, oo uusan lacag jeclayn.
Asiwe anatumia mvinyo, asiwe mgomvi, bali mpole, mwenye amani. Ni lazima asiwe mwenye kupenda fedha.
4 Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan.
Inampasa kuwasimamia vema watu wa nyumbani mwake mwenyewe, na watoto wake imewapasa kumtii kwa heshima zote.
5 Laakiin nin hadduusan garanayn si uu gurigiisa ugu taliyo, sidee buu kiniisadda Ilaah u xanaanayn doonaa?
Maana ikiwa mtu hajui kuwasimamia watu wa nyumbani mwake mwenyewe, atalileaje kanisa la Mungu?
6 Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye.
Asiwe mwamini mpya, ili kwamba asije akajivuna na kuanguka katika hukumu kama yule mwovu.
7 Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska.
Lazima pia awe na sifa njema kwa wote walioko nje, ili asije akaanguka kwenye aibu na mtego wa mwovu.
8 Sidaas oo kalena caawiyayaasha kiniisaddu waa inay ahaadaan dad la maamuuso oo ayan noqon laba-hadallayaal, oo ayan khamri badan cabbin, oo ayan faa'iidada ceebta ah jeclaan.
Mashemasi, vilevile wanapaswa kuwa wenye kustahili heshima, wasiwe wenye kauli mbili. Wasitumie mvinyo kupita kiasi au kuwa na tamaa.
9 Waa inay qarsoodiga iimaanka qalbi daahir ah ku haystaan.
Waweze kuitunza kwa dhamiri safi ile kweli ya imani iliyofunuliwa.
10 Kuwaas marka hore ha la tijaabiyo, dabadeedna sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda ha u adeegeen hadday eed la' yihiin.
Wawe pia wamethibitishwa kwanza, halafu waweze kuhudumu kwa sababu hawana lawama.
11 Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan.
Wanawake vivyo hivyo wawe wenye heshima. Wasiwe wasingiziaji. Wawe na kiasi na waaminifu kwa mambo yote.
12 Caawiyayaasha kiniisaddu mid kastaaba naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda.
Mashemasi ni lazima wawe waume wa mke mmoja mmoja. Lazima waweze kuwasimamia vema watoto wao na wa nyumbani mwao.
13 Waayo, kuwa sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda si wanaagsan ugu adeega, waxay nafsaddooda u helaan derejo wanaagsan iyo dhiirranaan badan oo ay iimaanka Ciise Masiix ku dhiirran yihiin.
Kwa kuwa wale wanaotumika vizuri hupata msimamo mzuri na ujasiri mkubwa katika imani iliyo katika Kristo Yesu.
14 Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan kuu imaado, laakiin waxaan waxyaalahan kuugu soo qorayaa,
Ninaandika mambo haya kwako, na ninatumaini kuja kwako hivi karibuni.
15 in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa.
Lakini ikiwa nitachelewa, ninaandika ili upate kujua namna ya kuenenda katika nyumba ya Mungu, ambalo ni kanisa la Mungu aliye hai, nguzo na msaada wa kweli.
16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
Na haipingiki kwamba kweli ya Uungu uliyofunuliwa ni mkuu: “Alionekana katika mwili, akathibitishwa na Roho, akaonekana na malaika, akatangazwa miongoni mwa mataifa, akaaminiwa na ulimwengu, na akachukuliwa juu katika utukufu.”

< 1 Timoteyos 3 >