< 1 Timoteyos 1 >
1 Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
这封信来自保罗,我是耶稣基督以救世主上帝和我们的希望耶稣基督之权威,指定的使徒。
2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
本信函写给我们真正的儿子提摩太,因为你们相信上帝。愿你们拥有来自父上帝和我们主基督耶稣的恩惠、怜悯和平安。
3 Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,
我在去马其顿的路上,曾劝你留在以弗所,这样就可以嘱咐某些人不要宣讲错误想法。
4 ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.
也不要关心没有凭据的传说和无穷尽的家谱;这种事情只会引起争论,不会帮助我们理解我们所相信的上帝。
5 Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.
我之所以坚持这一点,是因为这样我们可能会获得来自纯粹心灵的爱,来自干净良心和对上帝真诚的信。
6 Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,
有些人偏离了这些事情,并最终开始胡说八道
7 oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan.
他们野心勃勃地想要做律法教师,却不明白自己讲的是什么,大肆宣扬的又是什么。
8 Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.
现在我们意识到,律法只要正确使用就是好的。
9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
我们也知道律法本来不是为良善正直的好人而设,而是为那些无法无天、忽视法律的人而设。它适用于那些不需要上帝、不虔诚、从不圣洁形式、完全不虔诚的人。它适用于那些弑父杀母的人、杀人犯、
10 iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,
淫乱的、亲男色的、拐带人口的、说谎的、做假见证的,以及反对正道的人。
11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
我们所称颂的上帝委托我宣讲的荣耀福音,决定了这一切。
12 Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,
我感谢赐我力量、我们的主基督耶稣,因为他认为我有值得信赖,派我服侍他。
13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.
尽管我曾经亵渎上帝,迫害和虐待上帝的子民,但上帝仍然怜悯于我,因为我是在无知和不信的情况下才那样做。
14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.
我们主的恩典充满我的身体,随着基督耶稣里给我的信心和爱,这恩典满溢出来。
15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.
你应该相信、所有人都应该接纳一句话。“基督耶稣降临世间,为了拯救罪人。”我就是其中最大的罪人。
16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. (aiōnios )
因为这个缘故,我蒙受怜悯, 让基督耶稣在我这最大罪人的身上,显示他无尽的耐心,为后来信他得永生的人作榜样。 (aiōnios )
17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn )
愿万世君王、不朽无形的唯一上帝,永远拥有尊贵荣耀。阿门。 (aiōn )
18 Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,
提摩太,我的儿子,这些是我想给你的指示,遵循那些让你走到现在的预言,这样你就能为良善而战斗。
19 adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay.
常保对上帝的信,要有干净的良心。有些人拒绝这样做,他们对上帝的信就彻底破坏了。
20 Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.
许米乃和亚历山大就是这样的人,我已经“把他们交给撒旦”,让他们学会不要亵渎上帝。