< 1 Tesaloniika 5 >

1 Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.
O časích pak a chvílech, bratří, nepotřebujete, aby vám psáno bylo.
2 Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.
Nebo vy sami výborně víte, že ten den Páně jako zloděj v noci, tak přijde.
3 Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
Neb když dějí: Pokoj a bezpečnost, tedy rychle přijde na ně zahynutí, jako bolest ženě těhotné, a neujdouť toho.
4 Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.
Ale vy, bratří, nejste ve tmě, aby vás ten den jako zloděj zachvátil.
5 Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;
Všickni vy synové světla jste a synové dne; nejsmeť synové noci, ani tmy.
6 sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.
Nespěmež tedy, jako i jiní, ale bděme a střízliví buďme.
7 Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.
Nebo kteříž spí, v noci spí, a kteříž se opíjejí, v noci opilí jsou.
8 Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.
Ale my, synové dne jsouce, střízliví buďme, oblečeni jsouce v pancíř víry a lásky, a v lebku, jenž jest naděje spasení.
9 Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
Nebo nepostavil nás Bůh k hněvu, ale k nabytí spasení, skrze Pána našeho Jezukrista,
10 kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.
Kterýž umřel za nás, abychom, buďto že bdíme, buďto že spíme, spolu s ním živi byli.
11 Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
Protož napomínejte se vespolek, a vzdělávejte jeden druhého, jakož i činíte.
12 Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;
A prosímeť vás, bratří, znejtež ty, kteříž pracují mezi vámi, a předloženi jsou vám v Pánu, a napomínají vás,
13 oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
A velice je milujte pro práci jejich. A mějte se k sobě vespolek pokojně.
14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
A prosímeť vás, bratří, napomínejte z řádu vystupujících, potěšujte choulostivých, snášejte mdlé, trpělivě se mějte ke všechněm.
15 Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
Vizte, aby někdo zlého za zlé neodplacoval, ale vždycky účinnosti dokazujte, i k sobě vespolek i ke všechněm.
16 Had iyo goorba farxa.
Vždycky se radujte,
17 Joogsila'aanna tukada.
Bez přestání se modlte,
18 Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
Ze všeho díky čiňte; nebo ta jest vůle Boží v Kristu Ježíši, aby se tak dálo od vás.
19 Ruuxa ha deminina.
Ducha neuhašujte,
20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.
Proroctvím nepohrdejte,
21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
Všeho zkuste; což dobrého jest, toho se držte.
22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
Od všeliké zlé tvárnosti se varujte.
23 Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.
On pak Bůh pokoje posvětiž vás ve všem, a celý váš duch i duše i tělo bez úhony ku příští Pána našeho Jezukrista zachováno budiž.
24 Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.
Věrnýť jest ten, jenž povolal vás, kterýž také i učiní to.
25 Walaalayaalow, noo soo duceeya.
Bratří, modlte se za nás.
26 Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
Pozdravte všech bratří v políbením svatém.
27 Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.
Zavazujiť vás skrze Pána, aby čten byl list tento všechněm bratřím svatým.
28 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
Milost Pána našeho Jezukrista budiž s vámi. Amen. List první k Tessalonicenským psán jest v Aténách.

< 1 Tesaloniika 5 >