< Samuu'Eel Kowaad 9 >

1 Haddaba waxaa jiray nin reer Benyaamiin ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Qiish, oo wuxuu ahaa ina Abii'eel, ina Seroor, ina Bekoorad, ina Afiyax, oo reer Benyaamiin ah, kaasoo ahaa nin xoog leh oo geesi ah.
本雅明支派有個人名叫克士,他是阿彼耳的兒子,阿彼耳是責洛爾的兒子,責洛爾是貝苛辣特的兒子,貝苛辣特是阿非亞的兒子;這本雅明人是個英勇的戰士。
2 Oo isna wuxuu lahaa wiil la yidhaahdo Saa'uul, oo ahaa nin dhallinyar oo wanaagsan. Oo reer binu Israa'iilna kuma jirin qof isaga ka wanaagsan. Garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaaba way ka dheeraayeen dadka kale oo dhan.
他有個兒子名叫撒烏耳,魁梧英俊,在以色列人中沒有比他更俊美的,比所有的人高出一肩。
3 Qiish oo ahaa Saa'uul aabbihiis ayaa dameerihiisii ka lumeen. Markaasaa Qiish wuxuu wiilkiisii Saa'uul ku yidhi, midiidinnada midkood kaxee, oo kac, oo dameerihii doondoon.
撒烏耳的父親克士有幾匹母驢,走迷了路,克士遂對兒子撒烏耳說:「你帶一個僕人,起身去尋找那些驢。」
4 Markaasuu dhex maray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Shaalishaah, laakiinse dameerihii ma ay helin. Markaasay haddana dhex mareen dalkii reer Shacaliim, oo halkaasna ma ay joogin. Oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Benyaamiin, laakiinse halkaasna kama ay helin.
他們走過了厄弗辣因山地和沙里地方,卻沒有找著;又過了沙阿林地方,也沒有找到;最後經過耶米尼地方,也不見蹤影。
5 Oo markay yimaadeen dalkii reer Suuf, Saa'uul wuxuu midiidinkiisii la socday ku yidhi, Ina keen aan noqonnee, waayo, waaba intaasoo aabbahay dameerihii ka hawo go'aa oo innaga inaga fikiraaye.
當他們來到族弗地方時,撒烏耳對跟隨自己的僕人說:「我們回去罷! 免得我父親不掛念驢,反而掛慮我們。」
6 Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, magaaladan waxaa jooga nin Ilaah, oo isna waxaa weeyaan nin aad loo ciseeyo, oo wax alla wixii uu yidhaahdaaba run bay noqdaan, haddaba bal ina keen aynu u tagnee; mindhaa wax waa inooga sheegi karaa jidka aan mari doonno.
僕人回答他說:「請看,這城裏有一位天主的人,很受敬重;凡他說的,必定應驗;現在我們往那裏去,或許他會告訴我們應走的路。」
7 Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa?
撒烏耳回答僕人說:「好! 我們可以去,但是給那人送什麼呢﹖我們袋裏的乾糧已經用盡,沒有禮物可送給天主的人了。我們還有什麼呢﹖」
8 Markaasaa midiidinkii mar kale u jawaabay Saa'uul, oo ku yidhi, Bal eeg, gacanta waxaan ku hayaa rubuc sheqel lacag ah, haddaba kaasaan ninka Ilaah siinayaa inuu jidkeenna inoo sheego aawadeed.
僕人回答撒烏耳說:「看,我手裏還有四分之一「協刻耳」銀子,你可把它送給天主的人,請他把我們當走的路告訴我們。」
9 (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)
撒烏耳對他的僕人說:「你說的對,來,我們去罷! 」他們就往天主的人所住的城裏去了。
10 Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay.
當他們上那城的山坡時,遇見一些少女出來打水,就問她們說:「先見者在這裏嗎﹖」──
11 Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?
過去在以色列,如果有人去求問天主,常說:「來,我們到先見者那裏去! 」現今所稱的「先知,」就是從前稱的「先見者。」──
12 Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.
她們回答說:「是。看,先見者就在你們前面,剛剛進了城,因為今天百姓要在高丘上舉行祭獻。
13 Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.
你們進了城,在他上到高丘進食以前,一定會遇見他,因為人民在他來以前,不先吃什麼,因他要祝福犧牲,然後賓客纔進食。你們現在上去,立刻會遇見他。」
14 Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.
他們於是上到那城,剛進城門,看,撒慕爾就朝著他們出來,要上高丘去。
15 Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,
在撒烏耳來的前一日,上主曾啟示給撒慕爾說:「
16 Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay.
明日大約這時,我打發一個本雅明地方的人到你這裏來,你要給他傅油,立他當我民以色列的首領,他要從培肋舍特人手中拯救我的百姓,因我已看到我百姓的痛苦,他們的哀號已上達於我。」
17 Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.
撒慕爾一看見撒烏耳,上主就提醒他說:「看,這就是我曾對你提及的那人,他要統治我的百姓。」
18 Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay.
撒烏耳走到撒慕爾跟前,在城門洞中問他說:「請你告訴我,先見者的家在那裏﹖」
19 Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa.
撒慕爾回答撒烏耳說:「我就是先見者;請你在我以前上高丘去;你們今天要同我一起吃飯,明天早晨我打發你去,你心中所懷念的事,我會全告訴你。
20 Oo dameerahaaga saddex maalmood hortood kaa lumayna ha ka fikirin innaba, waayo, waa la helay. Bal yaa reer binu Israa'iil dhexdooda laga wada jeclaadaa? Sow ma aha adiga iyo reerka aabbahaa oo dhanba?
至於三天以前你所失的母驢,不必擔心,都已找著了。此外,以色列所有的至寶是誰的呢﹖豈不是你和你父親全家的嗎! 」
21 Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?
撒烏耳回答說:「我豈不是一個本雅明人,屬於以色列最小的一支派嗎﹖我的家族在本雅明家族中,不也是最小的嗎﹖你怎能向我說出這樣的話﹖」
22 Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow.
以後撒慕爾將撒烏耳和他的僕人領到餐廳內,叫他們坐在賓客的首位上,賓客約有三十人。
23 Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay.
撒慕爾對廚師說:「將我交給你的那份,即對你說:暫且留下的那一份,給我拿來。」
24 Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel.
廚師遂把後腿和肥尾端上來,放在撒烏耳面前。撒慕爾對他說:「看,擺在你面前的,是預先特意保留的一份,請吃罷! 因為特意為你保留下的,叫你好同賓客一起吃。」撒烏耳那天就同撒慕爾一起吃了飯。
25 Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis.
他們從高丘下到城裏,有人在露台上給撒烏耳舖好了臥榻,
26 Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen.
撒烏耳就睡在那裏。天一亮,撒慕爾就叫醒在露台上的撒烏耳,對他說:「起來,讓我送你走。」撒烏耳起來,他們二人,即他和撒慕爾,就往城外走;
27 Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray, ) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.
當他們下到城邊時,撒慕爾對撒烏耳說:「你吩咐僕人,叫他在我們前面先走,你暫且停留一會,我要把天主話告訴你。」

< Samuu'Eel Kowaad 9 >