< Samuu'Eel Kowaad 7 >

1 Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
The men of Kiriath Jearim came, took the ark of Yahweh, and brought it into the house of Abinadab on the hill. They set apart his son Eleazar to keep the ark of Yahweh.
2 Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
From the day the ark remained in Kiriath Jearim, a long time passed, twenty years. All the house of Israel lamented and wished to turn to Yahweh.
3 Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
Samuel said to the entire house of Israel, “If you return to Yahweh with your whole heart, remove the foreign gods and the Ashtoreths from among you, turn your hearts to Yahweh, and worship him only, then he will rescue you from the hand of the Philistines.”
4 Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
Then the people of Israel removed the Baals and the Ashtoreths, and worshiped Yahweh only.
5 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
Then Samuel said, “Bring together all Israel to Mizpah, and I will pray to Yahweh for you.”
6 Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
They gathered at Mizpah, drew water and poured it out before Yahweh. They fasted that day and said, “We have sinned against Yahweh.” It was there that Samuel decided disputes for the people of Israel and led the people.
7 Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
Now when the Philistines heard the people of Israel had gathered at Mizpah, the rulers of the Philistines attacked Israel. When the people of Israel heard of it, they were afraid of the Philistines.
8 Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
Then the people of Israel said to Samuel, “Do not stop calling out to Yahweh our God for us, so he will save us from the hand of the Philistines.”
9 Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
Samuel took a nursing lamb and offered it as a whole burnt offering to Yahweh. Then Samuel cried out to Yahweh for Israel, and Yahweh answered him.
10 Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
As Samuel was offering up the burnt offering, the Philistines approached to attack Israel. But Yahweh thundered with a loud sound that day against the Philistines and threw them into confusion, and they were routed before Israel.
11 Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
The men of Israel went from Mizpah, and they pursued the Philistines and killed them as far as below Beth Kar.
12 Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
Then Samuel took a stone and set it between Mizpah and Shen. He named it Ebenezer, saying, “Thus far Yahweh has helped us.”
13 Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
So the Philistines were subdued and they did not enter the border of Israel. The hand of Yahweh was against the Philistines all the days of Samuel.
14 Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
The towns that the Philistines had taken from Israel were restored to Israel, from Ekron to Gath; Israel brought back their territory from the Philistines. Then there was peace between Israel and the Amorites.
15 Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
Samuel judged Israel all the days of his life.
16 Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
Each year he went on a circuit to Bethel, to Gilgal, and to Mizpah. He decided disputes for Israel in all these places.
17 Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.
Then he would return to Ramah, because his house was there; and there also he decided disputes for Israel. He also built an altar there to Yahweh.

< Samuu'Eel Kowaad 7 >