< Samuu'Eel Kowaad 4 >

1 Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan. Oo reer binu Israa'iilna waxay u soo baxeen inay reer Falastiin la diriraan, oo waxay soo ag degeen Ebenceser; reer Falastiinna waxay soo degeen Afeeq.
La parole de Samuel fut adressée à tout Israël. Israël sortit contre les Philistins pour combattre, et il campa près d'Ébénézer; les Philistins campèrent à Aphek.
2 Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin.
Les Philistins se rangèrent en bataille contre Israël. Lorsqu'ils se battirent, Israël fut vaincu par les Philistins, qui tuèrent en campagne environ quatre mille hommes de l'armée.
3 Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.
Lorsque le peuple fut rentré dans le camp, les anciens d'Israël dirent: « Pourquoi Yahvé nous a-t-il vaincus aujourd'hui devant les Philistins? Allons chercher l'arche de l'alliance de Yahvé à Silo et apportons-la à nous, afin qu'elle vienne au milieu de nous et nous sauve de la main de nos ennemis. »
4 Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.
Et le peuple envoya à Silo, et l'on apporta de là l'arche de l'alliance de Yahvé des armées, qui est assis au-dessus des chérubins; et les deux fils d'Eli, Hophni et Phinées, étaient là avec l'arche de l'alliance de Dieu.
5 Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.
Lorsque l'arche de l'alliance de Yahvé entra dans le camp, tout Israël poussa de grands cris, au point que la terre en résonna.
6 Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.
Lorsque les Philistins entendirent le bruit de ce cri, ils dirent: « Que signifie le bruit de ce grand cri dans le camp des Hébreux? ». Ils comprirent que l'arche de Yahvé était entrée dans le camp.
7 Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag.
Les Philistins eurent peur, car ils disaient: « Dieu est entré dans le camp. » Ils dirent: « Malheur à nous! Car il n'y a jamais eu de chose semblable auparavant.
8 Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah.
Malheur à nous! Qui nous délivrera de la main de ces dieux puissants? Ce sont ces dieux qui ont frappé les Égyptiens de toutes sortes de plaies dans le désert.
9 Reer Falastiinow, xoog yeesha, oo raganimo isgeliya, yeydnan Cibraaniyada addoommo u noqone, sidii ay idiinku ahaayeen oo kale. Haddaba raganimo isgeliya oo dirira.
Fortifiez-vous et comportez-vous comme des hommes, Philistins, pour ne pas être les esclaves des Hébreux, comme ils l'ont été pour vous. Fortifiez-vous comme des hommes, et combattez! »
10 Markaasay reer Falastiin dirireen, reer binu Israa'iilna waa la jebiyey, oo midkood waliba wuxuu ku cararay teendhadiisii. Oo maalintaas waxaa la laayay dad aad u badan; waayo, reer binu Israa'iil waxaa ka le'day soddon kun oo nin oo lug ah.
Les Philistins combattirent, Israël fut vaincu, et chacun s'enfuit dans sa tente. Il y eut un très grand carnage, car trente mille fantassins d'Israël tombèrent.
11 Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.
L'arche de Dieu fut prise, et les deux fils d'Eli, Hophni et Phinées, furent tués.
12 Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh.
Un homme de Benjamin sortit de l'armée et arriva à Silo le même jour, les vêtements déchirés et la tête couverte de terre.
13 Oo markuu yimid, bal eeg, Ceelii wuxuu ku fadhiyey kursigiisii waddada dhankeeda yiil, isagoo wax fiirinaya; waayo, qalbigiisu wuxuu u dhibbanaa sanduuqii Ilaah aawadiis. Oo markii ninkii soo galay magaaladii, oo uu u warramay, ayaa magaaladii oo dhammu qaylisay.
Lorsqu'il arriva, voici qu'Eli était assis sur son siège, au bord du chemin, à regarder, car son cœur tremblait pour l'arche de Dieu. Lorsque l'homme entra dans la ville et en fit le récit, toute la ville poussa des cris.
14 Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay.
Lorsque Eli entendit le bruit des cris, il dit: « Que signifie le bruit de ce tumulte? » L'homme se hâta, et vint le dire à Eli.
15 Ceeliina wuxuu jiray siddeed iyo sagaashan sannadood, oo indhihiisuna dem bay ahaayeen oo waxba ma uu arki karin.
Or, Eli était âgé de quatre-vingt-dix-huit ans. Ses yeux étaient fixes, de sorte qu'il ne pouvait pas voir.
16 Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday?
L'homme dit à Eli: « Je suis celui qui est sorti de l'armée, et je me suis enfui aujourd'hui de l'armée. » Il a dit: « Comment ça s'est passé, mon fils? »
17 Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.
Celui qui apportait la nouvelle répondit: « Israël a fui devant les Philistins, et il y a aussi eu un grand massacre parmi le peuple. Tes deux fils aussi, Hophni et Phinées, sont morts, et l'arche de Dieu a été capturée. »
18 Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood.
Lorsqu'il parla de l'arche de Dieu, Eli tomba de son siège en arrière, du côté de la porte; son cou se brisa, et il mourut, car il était vieux et pesant. Il avait jugé Israël pendant quarante ans.
19 Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay.
Sa belle-fille, la femme de Phinées, était enceinte, sur le point d'accoucher. Lorsqu'elle apprit la nouvelle de la prise de l'arche de Dieu et de la mort de son beau-père et de son mari, elle se courba et accoucha, car ses douleurs la surprirent.
20 Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin.
Vers le moment où elle mourut, les femmes qui se tenaient près d'elle lui dirent: « N'aie pas peur, car tu as donné naissance à un fils. » Mais elle ne répondit pas et n'y fit pas attention.
21 Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen.
Elle donna à l'enfant le nom d'Ichabod, en disant: « La gloire s'est retirée d'Israël », parce que l'arche de Dieu avait été prise, et à cause de son beau-père et de son mari.
22 Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.
Elle dit: « La gloire a disparu d'Israël, car l'arche de Dieu a été prise. »

< Samuu'Eel Kowaad 4 >