< Samuu'Eel Kowaad 31 >

1 Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.
Basi Wafilisti wakapigana dhidi ya Waisraeli. Waisraeli wakakimbia mbele ya Wafilisti na wakaanguka chini wakafa katika mlima wa Gilboa.
2 Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.
Wafilisti wakamwandama Sauli na wanawe kwa karibu. Wakawaua wanawe Yonathani, Abinadabu, and Malkishua.
3 Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.
Vita vikamwelemea Sauli, na wapiga upinde wakampata. Akapata maumivu makali kwa sababu yao.
4 Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
Kisha Sauli akamwambia mbeba silaha wake, “Chomoa upanga wako unichome nao. Vinginevyo, hawa wasiotahiriwa watakuja na kuninyanyasa.” Lakini mbeba silaha wake hakukubali, kwa kuwa aliogopa sana. Hivyo Sauli alichukua upanga wake mwenyewe na kuuangukia.
5 Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.
Yule mbeba silaha akaona kwamba Sauli amekufa, yeye naye vivyo hivyo akauangukia upanga wake akafa pamoja naye.
6 Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.
Kwa hiyo Sauli alikufa, wanawe watatu, na mbeba silaha wake - watu hawa wote walikufa pamoja siku iyo hiyo.
7 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.
Watu wa Israeli waliokuwa upande mwingine wa bonde, na hao waliokuwa ng'ambo ya Yordani, walipoona kwamba Waisraeli wamekimbia, na kwamba Sauli na wanawe wamekufa, waliiacha miji yao na kukimbia, nao Wafilisti wakaja na kukaa humo.
8 Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.
IKawa katika siku iliyofuata, Wafilisti wakafika kuchukua nyara za waliokufa, ndipo wakamuona Sauli na wanawe watatu wameanguka juu ya mlima wa Gilboa.
9 Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.
Nao wakakata kichwa chake na kuondoa silaha zake, na wakawatuma wajumbe kwenda pande zote katika nchi ya Wafilisti kutangaza habari hizo katika mahekalu yao ya sanamu na kwa watu.
10 Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.
Wakaziweka silaha zake katika hekalu la Ashtorethi, nao wakakitundika kiwiliwili chake kwenye ukuta wa mji wa Bethi Shani.
11 Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,
Na wenyeji wa Yabeshi Gileadi waliposikia kile Wafilisti walichomfanyia Sauli,
12 waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.
wapiganaji wote wakainuka na kwenda usiku wote na wakauondoa mwili wa Sauli na miili ya wanawe kutoka ukuta wa Bethi Shani. Nao wakaenda Yabeshi na wakaichoma moto hiyo miili huko.
13 Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.
Kisha wakachukua mifupa yao na kuizika chini ya mti wa mkwaju huko Yabeshi, na wakafunga siku saba.

< Samuu'Eel Kowaad 31 >