< Samuu'Eel Kowaad 31 >
1 Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.
培肋舍特人攻打以色列人,以色列人由培肋舍特面前逃走,在基耳波亞山上陣亡的人很多。
2 Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.
培肋舍特隨後追擊撒烏爾和他的兒子約納堂、阿彼納達和瑪耳基叔亞;
3 Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.
以後,集中攻打撒烏耳,弓手射中了他,傷勢很重。
4 Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
當時撒烏耳對自己的執戟者說:「拔出你的劍來,將我刺死,免得那些未受割損的人來刺死我,侮辱我! 」但是執戟者非常害怕,不肯作這事。於是撒烏耳拔出劍來,伏劍自刎。
5 Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.
執戟者見撒烏耳已死,也伏劍自刎,和他同死了。
6 Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.
這樣,撒烏耳和他的三個兒子,都在一天一同陣亡了。
7 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.
住在平和住在約旦河那邊的以色列人,沝以色列人逃散了,撒烏耳和他的兒子們陣亡了,就都棄城逃走;培肋舍特人遂來住在那裏。
8 Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.
次日,培肋舍特前來剝取陣亡者的衣服時,發現撒烏耳和他的三個兒子也陣亡在基爾波亞山上。
9 Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.
他們就砍下撒烏耳的頭,取去他的武器,送到培肋舍特各地,向他們的神和人民傳報這喜信:
10 Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.
把他的武器放在阿斯托勒特廟內,將他的屍首懸在貝特商城牆上。
11 Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,
基肋阿得雅士的居民,一聽說培肋舍特人對撒烏耳所行的一切,
12 waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.
所有的勇士就動身,走了一夜,從貝特特商城牆上取下撒烏耳和他兒子們的屍體,帶回雅貝士,在那裏埋了。
13 Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.
然後將他們的骨骸收斂起來,埋在雅貝士檉柳下,禁食七天。