< Samuu'Eel Kowaad 30 >

1 Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen;
И бысть приходящу Давиду и мужем его к Секелагу в день третий, и Амалик нападе на южную страну и на Секелаг, и порази Секелаг и сожже его огнем:
2 oo waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen.
жен же и всех сущих в нем от мала до велика не умертвиша мужа ни жены, но плениша, и отидоша в путь свой.
3 Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.
И прииде Давид и мужие его во град, и се, сожжен бяше огнем, жены же их и сынове их и дщери их пленени быша.
4 Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan.
И воздвиже Давид и мужие его глас свой и плакашася дондеже не бе в них силы ктому плакатися.
5 Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah.
И жены обе Давидовы пленени быша, Ахинаам Иезраилитыня, и Авигеа бывшая жена Навала Кармилскаго.
6 Oo Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah.
И оскорбе Давид зело, яко совещашася людие камением побити его, яко скорбна бяше душа всех людий коегождо о сынех своих и о дщерех своих. И укрепися Давид о Господе Бозе своем,
7 Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.
и рече Давид ко Авиафару иерею сыну Авимелехову: принеси ефуд. И принесе Авиафар ефуд к Давиду.
8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.
И вопроси Давид Господа, глаголя: пожену ли вслед полчища сего? И постигну ли их? И рече Господь: гони, яко постизая постигнеши их и избавляя избавиши.
9 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen.
И иде Давид сам и шесть сот мужей с ним, и приидоша даже до потока Восорска, прочии же осташася:
10 Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.
и гна с четырми сты мужей, двести же мужей осташася, иже седоша об он пол потока Восорска.
11 Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.
И обретоша мужа Египтянина на селе, и яша его, и приведоша его к Давиду, и даша ему хлеба, и яде, и напоиша его водою:
12 Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.
и даша ему часть смоквей, и яде, и укрепися дух его в нем, яко не яде хлеба и не пи воды три дни и три нощы.
13 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.
И рече ему Давид: откуду еси, и чий еси ты? И рече отрок Египтянин: аз есмь раб мужа Амаликитянина, и остави мя господин мой, яко изнемогох днесь уже третий день:
14 Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.
и мы ходихом на юг до Хелефи и на Иудейския страны и на Гелвуй, и Секелагу пожгохом огнем.
15 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.
И рече ему Давид: доведеши ли мя до полчища сего? И рече: кленися ми Богом, яко не убиеши мя и не предаси мя в руце господину моему, и доведу тя до полчища сего.
16 Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.
(И клятся ему Давид: ) и приведе его онамо, и се, тии разсеяни быша по лицу всея земли, ядуще и пиюще и празднующе о всех корыстех великих, яже взяша от земли иноплеменничи и от земли Иудины.
17 Oo Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane.
И прииде на них Давид, и изби их от утра даже до вечера и наутрие: и не спасеся от них муж, разве четыреста отрок, иже вседоша на велблюды и убежаша.
18 Oo Daa'uudna wuu soo wada dhiciyey waxay reer Camaaleq la tageen oo dhan; oo labadiisii naagoodna Daa'uud waa soo badbaadiyey.
И отя Давид вся елика взяша Амаликиты, и обе жены своя отя,
19 Oo waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood.
и не погибе им от мала даже до велика, и от корыстей, и даже до сынов и дщерей и даже до всех, яже взяша, и вся возврати Давид:
20 Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.
и взя Давид вся стада и паствины, и погна пред пленом: и плен оный нарицашеся сей плен Давидов.
21 Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.
И прииде Давид к двема стом мужем оставшымся ити вслед Давида, ихже посади на потоце Восорсте, и изыдоша на сретение Давиду и на сретение людем иже с ним: и прииде Давид до людий, и вопросиша его о мирных.
22 Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen.
И отвещаша вси мужие пагубнии и лукавнии от мужей ратных ходивших с Давидом и реша: яко не гониша с нами, не дадим им от плена, егоже взяхом, но токмо кийждо жену свою и чада своя да возмут и возвратятся.
23 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.
И рече Давид: не сотворите, братия моя, тако, повнегда предаде Господь нам и сохрани нас, и предаде Господь полчище сие нашедшее на ны в руки нашя:
24 Haddaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan.
и кто послушает ваших словес сих? Яко не менши нас суть: понеже по части исходящаго на брань, тако будет часть седящаго при сосудех, по томужде разделятся.
25 Maalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar.
И бысть от дне того и выше, и бысть в повеление и на оправдание Израилю даже до дне сего.
26 Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay,
И прииде Давид в Секелаг, и посла старейшинам от корыстей Иудиных и искренним своим, глаголя: се, вам благословение от корыстей врагов Господних,
27 oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay,
сущым в Вефсуре и в Раме южней и в Гефоре,
28 iyo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay,
и во Ароире и во Аммаде, и во Сафе и во Есфифе и в Гефе,
29 iyo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay,
и в Кинане и в Сафеце, и в Фимафе и в Кармиле, и сущым во градех Иеремиила и во градех Кенезия,
30 iyo kuwii Xormaah joogay, iyo kuwii Koor Caashaan joogay, iyo kuwii Cataag joogay,
и сущым во Иеримуфе и во Вирсавеи и в Номве,
31 iyo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.
и сущым в Хевроне, и во вся места, яже пройде Давид тамо сам и мужие его.

< Samuu'Eel Kowaad 30 >