< Samuu'Eel Kowaad 29 >

1 Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.
培肋舍特人將軍隊全調集在阿費克,同時以色列人在依次勒耳附近的泉旁紮營。
2 Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.
培肋舍特的莤長,有領一百人的,也有領一千人的,列陣在前;達味帶領自己的人同阿基士列陣在後。
3 Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?
培肋舍特人的將領說:「這些希伯來人作什麼﹖」阿基士回答培肋舍特人的將領說:「他不是以色列王撒烏耳的臣僕達味嗎﹖他已同我在一起有一二年了,從他歸順我那一天起,他已在他身上從未發現什麼過錯」。
4 Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?
培肋舍特將領向他大發憤怒說:「把這人打發回去,回到你給他指定的地方去,不要讓他同我們一起下去打仗,免得他他在戰爭中作出賣我們的細,他不借用我們這些人的頭,怎能獲得他主人的歡心﹖
5 Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
人在舞蹈時歌詠說:「『撒烏耳殺了一千,達味殺了一萬』,不就是這達味嗎﹖」
6 Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.
阿基士就將艮召來,向他說:「願永生的天作證:你是可靠的人,你同我在軍中出入,我很滿意,因為自你投奔我那一天起,我在你身上並沒有發現什麼可指摘之事;但是莤長們不喜歡你。
7 Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.
現今你回去,平安去吧! 免得培肋舍特人的茜長們厭惡」。
8 Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?
達味回答阿基士說:「我作了什麼不對﹖或是自我來服你那一天起,直到今日,你在你僕人人身上發現了什麼不對,竟不肯讓我同我大王的敵人交戰﹖」
9 Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.
阿基士回答達味說:「我知道你在我眼中,好像一位天主的使者,但培肋舍特的將領說:不許他同我們一起作戰!
10 Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.
明早起來,你同你一起來的你主人的僕人,都往我給你指定的地方去,心中不要抱怨,我是喜歡你的,所以明天,天一亮,你們就動身回去吧! 」
11 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.
於是達味和他的人清早就起身,回培肋舍特地方去了。培肋舍特人上了依次勒耳。

< Samuu'Eel Kowaad 29 >