< Samuu'Eel Kowaad 28 >

1 Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.
And it came to pass in those days, that the Philistines gathered their armies together for warfare to fight with Israel. And Achish said to David, Know thou assuredly, that thou shall go out with me in the army, thou and thy men.
2 Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.
And David said to Achish, Therefore thou shall know what thy servant will do. And Achish said to David, Therefore I will make thee my chief bodyguard forever.
3 Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.
Now Samuel was dead, and all Israel had lamented him, and buried him in Ramah, even in his own city. And Saul had put away those who had familiar spirits, and the wizards, out of the land.
4 Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.
And the Philistines gathered themselves together, and came and encamped in Shunem. And Saul gathered all Israel together, and they encamped in Gilboa.
5 Saa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.
And when Saul saw the army of the Philistines, he was afraid, and his heart trembled greatly.
6 Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
And when Saul inquired of Jehovah, Jehovah answered him not, neither by dreams, nor by Urim, nor by prophets.
7 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.
Then Saul said to his servants, Seek me a woman who has a familiar spirit, that I may go to her, and inquire of her. And his servants said to him, Behold, there is a woman who has a familiar spirit at En-dor.
8 Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.
And Saul disguised himself, and put on other raiment, and went, he and two men with him. And they came to the woman by night, and he said, Divine to me, I pray thee, by the familiar spirit, and bring me up whomever I shall name to thee.
9 Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?
And the woman said to him, Behold, thou know what Saul has done, how he has cut off those who have familiar spirits, and the wizards, out of the land. Why then do thou lay a snare for my life, to cause me to die?
10 Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.
And Saul swore to her by Jehovah, saying, As Jehovah lives, there shall no punishment happen to thee for this thing.
11 Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.
Then said the woman, Whom shall I bring up to thee? And he said, Bring me up Samuel.
12 Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.
And when the woman saw Samuel, she cried with a loud voice. And the woman spoke to Saul, saying, Why have thou deceived me? For thou are Saul.
13 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.
And the king said to her, Be not afraid, for what do thou see? And the woman said to Saul, I see a god coming up out of the earth.
14 Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.
And he said to her, What form is he of? And she said, An old man comes up, and he is covered with a robe. And Saul perceived that it was Samuel, and he bowed with his face to the ground, and did obeisance.
15 Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.
And Samuel said to Saul, Why have thou disquieted me, to bring me up? And Saul answered, I am greatly distressed, for the Philistines make war against me, and God is departed from me, and answers me no more, neither by prophets, nor by dreams. Therefore I have called thee, that thou may make known to me what I shall do.
16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
And Samuel said, Why then do thou ask of me, since Jehovah departed from thee, and has become thine adversary?
17 Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
And Jehovah has done to thee, as he spoke by me. And Jehovah has torn the kingdom out of thy hand, and given it to thy neighbor, even to David.
18 Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.
Because thou obeyed not the voice of Jehovah, and did not execute his fierce wrath upon Amalek, therefore Jehovah has done this thing to thee this day.
19 Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.
Moreover Jehovah will deliver Israel also with thee into the hand of the Philistines, and tomorrow thou and thy sons shall be with me. Jehovah will also deliver the army of Israel into the hand of the Philistines.
20 Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.
Then Saul fell straightaway his full length upon the earth, and was greatly afraid because of the words of Samuel, and there was no strength in him, for he had eaten no bread all the day, nor all the night.
21 Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.
And the woman came to Saul, and saw that he was greatly troubled, and said to him, Behold, thy handmaid has hearkened to thy voice, and I have put my life in my hand, and have hearkened to thy words which thou spoke to me.
22 Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.
Now therefore, I pray thee, hearken thou also to the voice of thy handmaid, and let me set a morsel of bread before thee, and eat, that thou may have strength when thou go on thy way.
23 Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
But he refused, and said, I will not eat. But his servants, together with the woman, constrained him, and he hearkened to their voice. So he arose from the ground, and sat upon the bed.
24 Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.
And the woman had a fatted calf in the house. And she hastened, and killed it, and she took flour, and kneaded it, and baked unleavened bread of it.
25 Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.
And she brought it before Saul, and before his servants, and they ate. Then they rose up, and went away that night.

< Samuu'Eel Kowaad 28 >