< Samuu'Eel Kowaad 27 >

1 Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.
Daudi alisema moyoni mwake, “Basi, siku moja nitaangamia kwa mkono wa Sauli; hakuna jambo zuri kwangu kuliko kutoroka hadi nchi ya Wafilisti; Sauli atakata tamaa asinitafute tena ndani ya mipaka yote ya Israeli; kwa njia hii nitaponyoka kutoka mkono wake.”
2 Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.
Daudi akaondoka na kuvuka, akiwa pamoja na watu mia sita hadi kwa Akishi mwana wa Maoki, mfalme wa Gathi.
3 Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
Daudi akaishi na Akishi huko Gathi pamoja na watu wake, na kila mtu na familia yake, na Daudi akiwa na wake zake wawili, Ahinoamu Myezreeli, na Abigaili Mkarmeli aliyekuwa mke wa Nabali.
4 Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.
Sauli akaambiwa kuwa Daudi amekimbilia Gathi, hivyo hakumtafuta tena.
5 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?
Daudi akamwambia Akishi, “Kama nimepata kibali machoni pako, wanipatie mahali katika mojawapo ya miji ya nchi, ili nikae huko: kwa nini mtumishi wako akae pamoja na wewe katika mji wa kifalme?”
6 Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.
Hivyo siku hiyo Akishi akampa Daudi Ziklagi; ndiyo sababu mji wa Ziklagi ni mali ya wafalme wa Yuda hadi leo.
7 Oo maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood.
Idadi ya siku ambazo Daudi aliishi katika nchi ya Wafilisti ulikuwa mwaka mmoja na miezi minne.
8 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.
Daudi na watu wake walizipiga sehemu mbalimbali, wakiteka nyara Wageshuri, Wagirizi, na Waamaleki; kwa maana mataifa hayo ndio walikuwa wakaaji wa nchi, kwa uelekeo wa kwenda Shuri hadi kufika nchi ya Misri. Walikuwa wamekaa katika nchi hiyo toka nyakati za zamani.
9 Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.
Daudi aliipiga nchi na hakumwacha mwanaume wala mwanamke akiwa hai; akatwaa kondoo, ng'ombe, punda, ngamia, na nguo; kisha alirudi na kufika tena kwa Akishi.
10 Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.
Ndipo Akishi humuuliza, “Je, leo umefanya mashambulizi dhidi ya nani?” Daudi humjibu, “Nimefanya dhidi ya kusini mwa Yuda,” au dhidi ya kusini mwa Wayerameeli,” au “dhidi ya kusini mwa Wakeni.”
11 Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.
Daudi asingemwacha mwanaume wala mwanamke akiwa hai awalete hadi Gathi, akisema, “ili wasije kututeta, 'Daudi amefanya hivi na vile.”' Hivi ndivyo alivyofanya kwa kipindi chote alichokaa katika nchi ya Wafilisti.
12 Aakiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.
Akishi alimwamini Daudi, akisema, “Amesababisha watu wake Israeli wamchukie kabisa; kwa hiyo atakuwa mtumishi wangu milele.”

< Samuu'Eel Kowaad 27 >