< Samuu'Eel Kowaad 23 >

1 Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.
Davudus xabar abayle: – Filiştinar Qeilalqa k'yoptul, maadın attabı vod q'əra qa'a.
2 Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.
Davudee Rəbbike qiyghanan: – Hark'ın Filiştinaaşika səyxene? Rəbbee Davuduk'le eyhen: – Hudoora k'yootle, Filiştinaaşike Qeila g'attivxhan hee'e.
3 Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?
Davudne insanaaşemee, Davuduk'le eyhen: – Şi inyaa'acab, Yahudayne cigabışeecab q'əvəyq'ən. Filiştinaaşde Qeilayeene g'oşunbışde ögeeqa şi nəxübne qığeepç'es?
4 Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
Davudee meed Rəbbike qiyghan, Rəbbeeyid mang'uk'le eyhen: – Oza qıxha Qeilayeeqa hak'ne. Zı Filiştinar yiğne xılyaqa qevles.
5 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
Davudun insanar Qeilayeeqa hapk'ın, maane Filiştinaaşilqa k'yoohar. Manbışin çavra-vəq'ə Davudee g'ahayşu qıkkekkan. Davudee Filiştınbışilqa ver ablyav'u, Qeilayn millet g'attixhan ha'an.
6 Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
(Mançile oğiylid Aximelekne dixee Evyataree Qeilayeeqa Davudne k'anyaqa g'adayxhvan qöömee, kaahinaaşin ileylığ adayle.)
7 Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
Davud Qeilayeeqa arıva Şaululqa hixhar ha'an. Şaulee eyhen: – Allaheecar mana yizde xılyaqa quvu. Mana ç'ak'ın akkabınaneyiy sat'ulbınane şahareeqa ikkeç'u, vucee cun ögü ı'xı'.
8 Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.
Şaulee Qeilayee Davudıy cukan insanar avqasva, gırgına g'oşun dəv'əys sa'a.
9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
Davuduk'le Şaulee cuk qəlasın ha'as ıxhay ats'anniy. Mang'vee kaahin Evyatarık'le eyhen: – Kaahinaaşin ileylığ inyaqa qale.
10 Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.
Davudeecad meed sak'ı, eyhen: – İzrailyna Allah eyxhena, Rəbb, zak'le g'ayxhiyn, zal-alla Şaulus Qeilayeeqa arı şahar q'əra qaa'asıb vukkan.
11 Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.
Qeilayne milletın zı mang'une xılyaqa qelesdaniyxan? Zak'le, Yiğne nukarık'le, g'ayxhiyn ixhesınne, Şaul inyaqa ayresdane? İzrailyna Allah eyxhena, Rəbb, hucoona ixhes, man zak'le eyhe. Rəbbee «Mana ayresdava» alidghıniy qele.
12 Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
Mane gahıl Davudee meed qiyghanan: – Qeilayne milletın, zınayiy yizın insanar mang'une xılyaqa qevlesınbıniyxan? Rəbbee «Qevlesınbıva» eyhe.
13 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
Davud yixhıd vəşşılqa ələəne insanıka Qeilayeençe qığeç'u, inyaa-şa axva giyğal. Davud Qeilayeençe hixu ark'ınnava, Şaululqa hixhar hı'ımee, mang'vee cuna fıkır badal haa'ana, maqa hayk'an deş.
14 Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
Davud xılyaqa gidexhasde xhinene cigabışee, Zif eyhene sahrayne tepabışee axva eyxhe. Şaulee mana yiğıscar t'abal ha'a ıxha, Allaheemee Davud mang'une xılyaqa gixhas haysar deş.
15 Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.
Davud Zifne sahreene Xoreşnang'a mang'uk'le g'iyxhen, Şaulee vucur gik'asva t'abal ha'a.
16 Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
Şaulna dix Yonatan Xoreşeeqa Davudne k'anyaqa arı, mang'us Allahne doyule yik'bı hele.
17 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.
Davuduk'le mang'vee eyhen: – Qı'məyq'ən, yizde dekkıne Şaulne xılyaqa ğu gixhas deş. Ğu İzrailyna paççah ixhes, zınar vale qiyğiyna q'ör'esda insan. Man yizde dekkık'le Şauluk'led çikana ats'an.
18 Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.
Qiyğa manbışde q'öng'eesana sana-sang'us Rəbbine ögil cuvab hele. Mançe Yonatan ayk'anna xaaqa, Davudur Xoreş axva.
19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?
Zifğançenbı Giveayeeqa Şaulusqa abı, eyhen: – Davud yişde k'anene, Yeşimonne canubılyne Xakilayne tepalyne Xoreşee xıl hidixharasde cigabışee dyugulyxha vor.
20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
Paççah, vas mısayiy ıkkan, maqa ayre, şicar aqqı mana yiğne xılyaqa qelesda.
21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
Şaulee eyhen: – Zas yugvalla hav'uynçil-alla, Rəbbee şos barakat helecen.
22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
Sayıb hapk'ın yugda ats'axhxhe, mang'vee g'el nyaqayiy gixhxhı, şavuk'leyiy mana maa'ar g'acu. Zak'le mana süvə xhinnena insan vorva g'ayxhı.
23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
Mana dyugulexhen cigabı gırgınbı ats'axhxhe, yugda ats'axhxhad, zasqa savk'le. Zınar maqa şoka ı'qqəsda. Mana nimeletteyiy ine ölkee Yahudee, zı mana gırgınəəng'ə t'abal ha'asda. Mana inçeğana ixheene, mana zı Yahudavolle gırgınəəng'ə t'abal ha'asda.
24 Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.
Zifğançenbı oza qeepxha Şaulne ögee Zifqa avayk'an. Davudıy cun insanar Yeşimonne canubılyne, Arava eyhene cigayne Maonne sahree vuxha.
25 Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.
Şaulıy cun insanar mana t'abal ha'asva, mane cigeeqa havayk'an. Man Davudulqa hixhar hı'ımee, mana ganznane cigeeqa qarı, Maonne sahree ulyoyzar. Şauluk'le man ats'axhxhamee, Maonne sahree Davuduqar qihna gexha.
26 Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
Şaul cune insanaaşika suvane ine surale, Davudur cune insanaaşika suvane şene surale əlyhəə vooxhe. Davudus, Şaulıle hixu, dyugulyxhes ıkkiykan. Şaulusmee mang'un ögü ı'xı', mana aqqas ıkkiykan.
27 Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii.
Mane gahıl Şaulusqa xabar ana sa insan arı eyhen: – Zaara ixhe, yı'q'əlqa sak'le, yişde ölkalqa Filiştinar k'yoptul.
28 Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.
Şaulee, Davuduqa qihna girxhuy g'aletçu, mançe ayk'anna Filiştinaaşika səyxəs. Mançil-alla mane cigays Sela-Hammaxleqotva (Curepxhayn Ganz) do giyxhe.
29 Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
Davud mançe En-Gedi eyhene cigeene xıl hidixharasde cigabışeeqa ayk'an.

< Samuu'Eel Kowaad 23 >