< Samuu'Eel Kowaad 23 >

1 Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.
Wakamwambia Daudi, “Tazama, Wafilisti wanaupiga Keila na wanapora nafaka inayopurwa.”
2 Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.
Hivyo Daudi akamwomba BWANA kwa ajili ya msaada, na akamuuliza,” Je, niondoke niwapige hawa Wafilisti? BWANA akamwambia Daudi, “Nenda ukawapige Wafilisti na kuokoa Keila.”
3 Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?
Daudi akaambiwa na watu wake, “Angalia, hapa Yuda tunaogopa. Je, si zaidi sana kama tutaenda Keila kupambana na majeshi ya Wafilisti?”
4 Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
Ndipo Daudi akamwomba BWANA kwa ajili ya msaada, bado tena, BWANA akamjibu, “Amka, uteremke hadi Keila. Maana nitakupatia ushindi dhidi ya Wafilisti.”
5 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
Daudi na watu wake wakaenda Keila na kupigana na Wafilisti. Wakahamisha ng'ombe wao na kuwapiga kwa mauaji makubwa mno. Hivyo Daudi akawaokoa wenyeji wa Keila.
6 Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
Abiathari mwana wa Ahimeleki alipokuwa amekimbilia kwa Daudi huko Keila, alibeba naivera mkononi mwake.
7 Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
Sauli aliambiwa kwamba Daudi amekwenda Keila. Sauli akasema, “Mungu amemweka mkononi mwangu. Bila shaka amefungiwa ndani kwa sababu ameingia katika mji ulio na malango na makomeo.”
8 Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.
Sauli akayaita majeshi yake yote kwa ajili ya vita, waende hadi Keila, wamteke Daudi na watu wake.
9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
Daudi alijua kwamba Sauli alikuwa anapanga njama za kumdhuru yeye. Ndipo akamwambia kuhani Abiathari kuhani, “Ulete hapa naivera.”
10 Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.
Kisha Daudi akasema, “BWANA, Mungu wa Israeli, mtumishi wako hakika amesikia kwamba Sauli anatafuta namna ya kuja Keila, ili auteketeze mji kwa ajili yangu.
11 Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.
Je, watu wa Keila watanisalimisha mkononi mwake? Je, Sauli atashuka hadi huko, kama mtumishi wako alivyosikia? BWANA, Mungu wa Israeli, nakusihi, tafadhali mwambie mtumishi wako. “BWANA akasema, “Atakuja huko.”
12 Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
Kisha Daudi akauliza, “Je, watu wa Keila watanisalimisha mimi na watu wangu katika mkono wa Sauli?” BWANA akasema, “Watu hao watawasalimisha kwao.”
13 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
Kisha Daudi na watu wake, waliokuwa kama mia sita, walitoka na kwenda mbali na Keila, na wakazunguka kila sehemu. Kisha Sauli akaambiwa kwamba Daudi ametoroka kutoka Keila, hivyo akasitisha kumfuatia.
14 Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
Daudi alikaa ngomeni katika jangwa, kwenye nchi ya milima katika jangwa la Zifu. Kila siku Sauli alimtafuta, lakini Mungu hakumweka mkononi mwake.
15 Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.
Daudi aliona kwamba Sauli amejitokeza kuangamiza maisha yake; basi Daudi alikuwa katika jjangwa la Zifu huko Horeshi.
16 Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
Kisha Yonathani, mwana wa Sauli, akaamuka akaenda kwa Daudi huko Horshi, naye akamtia moyo amtumainie Mungu.
17 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.
Akamwambia, “Usiogope. Kwa maana mkono wa baba yangu Sauli hautakupata. Utakuwa mfalme juu ya Israeli, na mimi nitakuwa msaidizi wako. Baba yangu Sauli pia anajua hivyo.”
18 Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.
Basi wote wawili wakafanya agano mbele za BWANA. Kisha Daudi alibaki Horeshi, na Yonathani akaenda nyumbani.
19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?
Nndipo Wazifi wakamwendea Sauli huko Gibea wakisema, “Je, Daudi hakujificha kati yetu kwenye ngome huko Horeshi, juu ya mlima wa Hakila, ulioko kusini mwa Yeshimoni?
20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
Basi uje, mfalme! Kulingana na matakwa yako, uje! Kazi yetu itakuwa kumtia katika mkono wa mfalme.”
21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
Sauli akasema, “Mbarikiwe na BWANA. Kwa sababu mmenihurumia.
22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
Nendeni, mhakikishe sawasawa. Tafuteni na kujua maficho yake yako wapi na ni nani amemwona huko. Nimeambiwa kwamba yeye ni mjanja sana.
23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
Kwa hiyo chunguzeni, mjue sehemu zote anakojificha. Baadaye rudini kwangu mkiwa na taarifa kamili, na kisha nitaongozana nanyi. Ikiwa yupo katika nchi, nitamtafuta kutoka miongoni mwa elfu zote za Yuda.”
24 Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.
Ndipo wakaamka na kwenda hadi Zifu mbele ya Sauli. Wakati huo Daudi na watu wake walikuwa katika jangwa la Maoni, huko Araba upande wa kusini mwa Yeshimoni.
25 Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.
Sauli na watu wake wakaenda kumtafuta Daudi. Na Daudi akaambiwa habari hiyo, hivyo akateremka hadi kwenye mlima wa miamba na akakaa katika jangwa la Maoni. Sauli aliposikia hivyo, akamfukuza Daudi katika Jangwa la Maoni.
26 Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
Sauli akaenda akawa upande mmoja wa mlima, na Daudi na watu wake walikuwa wakienda upande mwingine wa mlima. Daudi kwa haraka akatoweka akae mbali na Sauli. Kwa sababu Sauli na watu wake walikuwa wakimzunguka Daudi na watu wake wawakamate,
27 Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii.
mjumbe mmoja akaja kwa Sauli na kusema, “Njoo, harakisha maana Wafilisti wamepanga uvamizi juu ya nchi.”
28 Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.
Kwa hiyo Sauli akarudi asimfuatie Daudi na akaenda kupambana na Wafilisti. Kwa hiyo sehemu ile iliitwa Mwamba wa Maficho.
29 Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
Daudi akapanda kutoka huko na kukaa katika ngome ya Engedi.

< Samuu'Eel Kowaad 23 >