< Samuu'Eel Kowaad 23 >

1 Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.
Then they told David, saying, Behold, the Philistines are fighting against Ke'ilah, and they are plundering the threshing-floors.
2 Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.
Thereupon David asked counsel of the Lord, saying, Shall I go and smite among these Philistines? And the Lord said unto David, Go and smite among the Philistines, and deliver Ke'ilah.
3 Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?
And David's men said unto him, Behold, here in Judah are we afraid: how much more then if we should go to Ke'ilah against the battle-arrays of the Philistines?
4 Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
Then David asked yet again counsel of the Lord. And the Lord answered him and said, Arise, Go down to Ke'ilah; for I [will] deliver the Philistines into thy hand.
5 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
So David and his men went to Ke'ilah; and he fought with the Philistines, and lead away their cattle, and smote among them a great slaughter. So David delivered the inhabitants of Ke'ilah.
6 Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
And it came to pass, when Ebyathar the son of Achimelech, fled over to David, to Ke'ilah, that the ephod came down with him.
7 Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
And it was told to Saul that David was come to Ke'ilah. And Saul said, God hath delivered him into my hand; for he is shut in, by entering into a town that hath gates and bars.
8 Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.
And Saul called all the people together to war, to go down to Ke'ilah, to besiege David and his men.
9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
And David understood that Saul secretly devised mischief against him; and he said to Ebyathar the priest, Bring hither the ephod.
10 Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.
Then said David, O Lord, God of Israel, thy servant hath heard for certain that Saul seeketh to come to Ke'ilah, to destroy the city for my sake.
11 Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.
Will the men of Ke'ilah surrender me into his hand? will Saul come down as thy servant hath heard? O Lord, God of Israel, I beseech thee, tell thy servant. And the Lord said, He will come down.
12 Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
Then said David, Will the men of Ke'ilah surrender me and my men into the hand of Saul! And the Lord said, They will surrender.
13 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
Then arose David and his men, about six hundred men, and departed out of Ke'ilah, and wandered about whithersoever they could go. And when it was told to Saul that David was escaped from Ke'ilah, he forbore to go forth.
14 Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
And David remained in the wilderness in strong-holds, and abode on the mountain in the wilderness of Ziph. And Saul sought him all the time, but God delivered him not into his hand.
15 Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.
And David saw that Saul was gone forth to seek his life: and David was in the wilderness of Ziph in the forest.
16 Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
And Jonathan, the son of Saul, arose and went to David into the forest, and strengthened his hand in God.
17 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.
And he said unto him, Fear not; for the hand of Saul my father will not find thee; and thou wilt be king over Israel, and I will be next unto thee; and also Saul my father knoweth this.
18 Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.
And they made, both of them, a covenant before the Lord: and David remained in the forest; but Jonathan went to his house.
19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?
Then came up the Ziphites unto Saul to Gib'ah, saying, Behold, David is hiding himself with us in the strong-holds in the forest, on the hill of Chachilah, which is on the right of the desert.
20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
And now in accordance with all the longing of thy soul, O king, to come down, come down; and our part shall be to surrender him into the king's hand.
21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
And Saul said, Blessed be ye of the Lord; for ye have pity on me.
22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
Go, I pray you, make yet more preparations, and remark and see his place where his foot may be, who hath seen him there; for I am told that he dealeth with great subtilty.
23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
See therefore, and remark every one of all the lurking-places where he usually hideth himself, and come ye again to me with the certainty, and I will go with you; and it shall come to pass, if he be in the land, that I will search him out throughout all the thousands of Judah.
24 Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.
And they arose, and went to Ziph before Saul; but David and his men were in the wilderness of Ma'on, in the plain on the right of the desert.
25 Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.
And Saul and his men went to make a search. And they told it to David: wherefore he came down to the rock, and abode in the wilderness of Ma'on. And when Saul heard this, he pursued after David into the wilderness of Ma'on.
26 Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
And Saul went on this side of the mountain, and David and his men on that side of the mountain; and David made haste to get away from before Saul; and Saul and his men were compassing David and his men to seize them.
27 Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii.
But a messenger came unto Saul, saying, Haste thee, and come; for the Philistines have invaded the land.
28 Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.
Wherefore Saul returned from pursuing after David, and went against the Philistines: therefore they called that place Sela-hammachlekoth.
29 Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
And David went up from there, and dwelt in strong-holds of 'En-gedi.

< Samuu'Eel Kowaad 23 >