< Samuu'Eel Kowaad 19 >

1 Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.
И Саул говори Јонатану сину свом и свим слугама својим да убију Давида; али Јонатан син Саулов љубљаше веома Давида.
2 Laakiinse Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa Daa'uud aad buu ugu farxay. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud u sheegay oo ku yidhi, Aabbahay Saa'uul wuxuu doonayaa inuu ku dilo. Haddaba waan ku baryayaaye, subaxdii digtoonow, oo intaad meel qarsoon gashid dhuumo;
И јави Јонатан Давиду и рече му: Саул, отац мој, тражи да те убије; него се чувај сутра, склони се гдегод и прикриј се.
3 oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.
А ја ћу изаћи и стајаћу поред оца свог у пољу где ти будеш, и говорићу о теби с оцем својим, и шта дознам јавићу ти.
4 Oo Yoonaataanna wax wanaagsan ayuu aabbihiis Saa'uul uga sheegay Daa'uud, oo ku yidhi, Addoonkaaga Daa'uud ha ku dembaabin, maxaa yeelay, isagu kuguma uu dembaabin, oo shuqulladiisuna xaggaaga aad bay ugu wanaagsanaayeen,
И Јонатан проговори за Давида Саулу оцу свом, и рече му: Да се не огреши цар о слугу свог Давида, јер се он није огрешио о тебе, него је још врло добро за те шта је чинио.
5 waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?
Јер није марио за живот свој и побио је Филистеје, и Господ учини спасење велико свему Израиљу; видео си и радовао си се; па зашто би се огрешио о крв праву и убио Давида низашта?
6 Markaasaa Saa'uul maqlay codkii Yoonaataan, oo wuxuu ku dhaartay nolosha Rabbiga inaan Daa'uud la dilayn.
И послуша Саул Јонатана, и закле се Саул: Тако жив био Господ, неће погинути.
7 Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.
Тада Јонатан дозва Давида, и каза му Јонатан све ово; и доведе Јонатан Давида к Саулу, и опет би пред њим као пре.
8 Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.
И наста опет рат, и Давид изађе и поби се с Филистејима, и разби их веома, те бежаше од њега.
9 Oo haddana ruux xun oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul isagoo gurigiisa dhex fadhiya oo warankiisii gacanta ugu jiro; markaasaa Daa'uud gacanta ku dhuftay kataaraddii.
Потом зли дух Господњи нападе Саула кад сеђаше код куће и држаше копље у руци, а Давид удараше руком о гусле.
10 Oo Saa'uulna wuxuu damcay inuu Daa'uud wareemo oo uu derbiga ku qodbo; laakiinse wuu ka cararay Saa'uul hortiisii oo Saa'uul wuxuu warankii ka taagay derbigii. Daa'uudna wuu cararay, oo habeenkaasuu baxsaday.
И Саул хтеде Давида копљем приковати за зид, али се он измаче Саулу, те копље удари у зид, а Давид побеже и избави се ону ноћ.
11 Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa.
А Саул посла људе ка кући Давидовој да га чувају и ујутру убију. А то јави Давиду жена његова Михала говорећи: Ако ноћас не избавиш душу своју, ујутру ћеш погинути.
12 Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
Тада Михала спусти Давида кроз прозор, те отиде и побеже и избави се.
13 Markaasaa Miikaal waxay soo qaadday sanam oo sariirtay saartay, oo waxay madaxa u dhigtay barkin dhogor riyood ah, waxayna ku dedday dhar.
А Михала узе лик, и метну га у постељу, и метну му под главу узглавље од кострети, и покри га хаљином.
14 Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa.
И кад Саул посла људе да ухвате Давида, она рече: Болестан је.
15 Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
А Саул посла опет људе да виде Давида говорећи: Донесите ми га у постељи да га погубим.
16 Oo raggiina markay gurigiisii soo galeen ayay arkeen sanamkii oo sariirta saaran oo barkin dhogor riyood ahu madaxa u taal.
А кад дођоше послани, гле, лик у постељи и узглавље од кострети под главом му.
17 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Miikaal ku yidhi, Naa maxaad saas iigu khiyaanaysay oo cadowgayga u sii daysay inuu baxsado? Miikaalna waxay Saa'uul ugu jawaabtay, Wuxuu igu yidhi, I sii daa, yaanan ku diline.
И рече Саул Михали: Што ме тако превари и пусти непријатеља мог да утече? А Михала рече Саулу: Он ми рече: Пусти ме, или ћу те убити.
18 Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.
Тако Давид побеже и избави се, и дође к Самуилу у Раму, и приповеди му све што му је учинио Саул. И отидоше он и Самуило, и осташе у Најоту.
19 Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.
А Саулу дође глас и рекоше му: Ено Давида у Најоту у Рами.
20 Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
Тада посла Саул људе да ухвате Давида; и они видеше збор пророка где пророкују, а Самуило им старешина. И дух Господњи дође на посланике Саулове, те и они пророковаху.
21 Oo taas markii Saa'uul loo sheegay ayuu haddana soo diray rag kale, oo iyana wax bay sii sheegeen. Oo haddana mar saddexaad ayaa Saa'uul rag kale soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
А кад то јавише Саулу, он посла друге посланике, али и они пророковаху; те Саул опет посла треће посланике, али и они пророковаху.
22 Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.
Тада сам пође у Раму, и кад дође на велики студенац који је у Сокоту, запита говорећи: Где је Самуило и Давид? И рекоше му: Ено их у Најоту у Рами.
23 Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal.
И пође у Најот у Рами; али и на њега сиђе дух Божји, те идући даље пророкова докле дође у Најот у Рами.
24 Oo isna dharkii buu iska siibay, oo Samuu'eel hortiisuu wax ku sii sheegay, oo halkaasuu jiifay isagoo qaawan maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan. Oo sidaas daraaddeed waxay yidhaahdaan, Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
Па скиде и он хаљине своје са себе, и пророкова и он пред Самуилом, и паднувши лежаше го цео онај дан и сву ноћ. Стога се говори: Еда ли је и Саул међу пророцима?

< Samuu'Eel Kowaad 19 >