< Samuu'Eel Kowaad 16 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.
Ubangiji ya ce wa Sama’ila, “Har yaushe za ka yi ta makoki saboda Shawulu? Na riga na ƙi shi da zaman sarkin Isra’ila. Ka cika ƙahonka da mai, zan aike ka zuwa wurin Yesse na Betlehem. Na zaɓi ɗaya daga cikin’ya’yansa maza yă zama sarki.”
2 Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.
Amma Sama’ila ya ce, “Yaya zan yi haka? Ai, in Shawulu ya ji labari, zai kashe ni.” Ubangiji ya ce, “To, sai ka tafi tare da’yar karsana ka ce, ‘Na zo don in yi wa Ubangiji hadaya.’
3 Oo Yesay allabariga ugu yeedh, waanan ku tusi doonaa waxaad samayn doonto; oo waxaad ii subagtaa kii aan kuu magacaabo.
Ka gayyato Yesse a wurin hadayar, ni kuma zan gaya maka abin da za ka yi. Za ka shafe mini wanda na nuna maka.”
4 Oo Samuu'eelna wuxuu Rabbigu kala hadlay ayuu sameeyey, wuxuuna yimid Beytlaxam. Oo odayaashii magaaladuna way ka hor tageen, iyagoo gariiraya, oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad ma u timid?
Sama’ila kuwa ya yi abin da Ubangiji ya umarce shi. Da ya isa Betlehem, sai dattawan garin suka tarye shi da rawar jiki, suka ce masa, “Mai duba, wannan ziyara lafiya dai ko?”
5 Markaasuu yidhi, Haah, nabad baan u imid, waxaanan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo. Haddaba isa soo daahiriya, oo kaalaya, meesha allabariga ii raaca. Markaasuu wuxuu daahirshay Yesay iyo wiilashiisii, dabadeedna meeshii allabariga buu ugu yeedhay.
Sama’ila ya ce, “I, lafiya ƙalau. Na zo ne domin in yi wa Ubangiji hadaya. Ku tsarkake kanku sa’an nan ku zo mu tafi wurin yin hadaya tare.” Ya kuma sa Yesse da’ya’yansa maza su tsarkake kansu, su je wurin hadayar.
6 Oo markay yimaadeen wuxuu fiiriyey Elii'aab, oo yidhi, Hubaal kii Rabbigu subkaday ayaa hortiisa jooga.
Da isarsu, Sama’ila ya ga Eliyab sai ya yi tsammani shi ne, sai ya ce, “Lalle ga shafaffe na Ubangiji tsaye a gaban Ubangiji.”
7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Ha fiirin soojeedkiisa, ama dhererkiisa, maxaa yeelay, waan diiday isaga. Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.
Amma Ubangiji ya ce wa Sama’ila, “Kada ka dubi kyan tsarinsa ko tsayinsa, domin ba shi nake so ba, gama yadda Ubangiji yake gani, ba haka mutum yake gani ba. Mutum yakan dubi kyan tsari ne kawai daga waje, amma Ubangiji yakan dubi zuciya.”
8 Markaasaa Yesay u yeedhay Abiinaadaab, oo soo mariyey Samuu'eel hortiisa, Samuu'eelna wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma uu dooran.
Sai Yesse ya kira Abinadab yă zo gaban Sama’ila. Amma Sama’ila ya ce, “Ko wannan ma Ubangiji bai zaɓe shi ba.”
9 Oo haddana Yesay wuu soo hor mariyey Shammaah. Oo wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma dooran.
Sai Yesse ya sa Shamma yă zo gaban Sama’ila, amma Sama’ila ya ce, “Ubangiji bai zaɓi wannan ma ba.”
10 Yesayna wuxuu Samuu'eel soo hor mariyey toddoba wiilashiisii ka mid ah. Markaasaa Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Rabbigu kuwan ma dooran.
Yesse ya sa’ya’yansa maza bakwai suka wuce gaban Sama’ila, amma Sama’ila ya ce masa, “Ubangiji bai zaɓi waɗannan ba.”
11 Samuu'eelna wuxuu Yesay ku yidhi, War carruurtaadii halkan ma wada joogaan? Markaasuu yidhi, Weli waxaa hadhay kii ugu yaraa, oo idahuu ilaalinayaa. Oo haddana Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Cid u dir oo keen; waayo, innagu fadhiisan mayno jeeruu halkan yimaado.
Don haka ya tambayi Yesse ya ce, “Su ke nan’ya’yan maza da kake da su?” Yesse ya ce, “Har yanzu akwai ɗan autan, amma yana kiwon tumaki.” Sama’ila ya ce, “Ka aika yă zo, ba za mu zauna ba sai ya iso.”
12 Markaasuu u cid diray, oo soo geliyey. Oo isna wuxuu ahaa mid cas, oo soojeed qurxoon, oo midabkiisuna aad u wanaagsan yahay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Kac, oo subag, waayo, kanu waa isagii.
Sai ya aika aka kawo shi. Ga shi kuwa kyakkyawan saurayi ne mai kyan gani. Ubangiji ya ce, “Tashi ka shafe shi, shi ne wannan.”
13 Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
Saboda haka Sama’ila ya ɗauko ƙahon nan da yake da mai ya shafe Dawuda a gaban’yan’uwansa. Daga wannan rana kuwa ruhun Ubangiji ya sauko wa Dawuda da iko. Sai Sama’ila ya koma Rama.
14 Haddaba Ruuxii Rabbigu Saa'uul wuu ka tegey, oo ruux shar leh oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa dhibay isagii.
To, fa, Ruhun Ubangiji ya riga ya rabu da Shawulu, sai mugun ruhu daga Ubangiji ya soma ba shi wahala.
15 Markaasaa Saa'uul addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, haatan waxaa ku dhibaya ruux shar leh oo xagga Ilaah ka yimid.
Ma’aikatan Shawulu suka ce masa, “Duba, ga mugun ruhu daga Allah yana ba ka wahala.
16 Sayidkayagow, nagu amar annagoo ah addoommadaada ku hor jooga inaannu kuu doondoonno nin aad kataaradda u yaqaan; oo markuu ruuxa sharka leh ee xagga Ilaah ka yimid kugu soo dego, ayuu kataaradda garaaci doonaa, waanad bogsan doontaa.
Ranka yă daɗe, muna so ka ba mu izini mu tafi, mu nemo wanda ya iya kiɗan molo, domin duk sa’ad da mugun ruhun nan daga Allah ya tashi, sai yă kaɗa molon don hankalinka yă kwanta.”
17 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Ii doona nin aad u yaqaan, oo ii keena.
Saboda haka Shawulu ya ce wa ma’aikatansa, “Ku nemo wanda ya iya kiɗan molo sosai ku kawo mini.”
18 Dabadeedna raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa ku jawaabay oo yidhi, Waxaan arkay Yesayga reer Beytlaxam wiil uu dhalay oo aad u yaqaan sida kataaradda lagu dhufto oo ah nin xoog leh oo dagaalyahan ah, codkarna ah, oo suurad qurxoon, oo weliba Rabbiguna wuu la jiraa.
Ɗaya daga cikin bayin ya ce, “Na san wani yaro, ɗan Yesse na Betlehem, ya iya kiɗan molo, yana da hikima, shi kuma ya iya yaƙi. Ya iya magana, ga shi kuma kyakkyawa, Ubangiji kuwa yana tare da shi.”
19 Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.
Sai Shawulu ya aiki manzanni zuwa wurin Yesse ya ce, “Ka aiko mini da ɗanka Dawuda wanda yake kiwon tumaki.”
20 Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.
Saboda haka Yesse ya ɗauki jaki tare da burodi da ruwan inabi da ɗan ƙarami bunsuru ya ba wa ɗansa Dawuda yă kai wa Shawulu.
21 Markaasaa Daa'uud Saa'uul u yimid, oo hortiisuu soo istaagay, oo isna aad buu u jeclaaday Daa'uud, oo wuxuu Saa'uul u noqday kii hubka u siday.
Dawuda ya isa wurin Shawulu ya shiga hidimarsa. Shawulu kuwa ya so shi ƙwarai da gaske. Dawuda ya zama ɗaya daga cikin masu sanya sulke.
22 Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.
Sa’an nan Shawulu ya aika saƙo wurin Yesse cewa, “Ka bar Dawuda yă yi mini hidima domin ina jin daɗinsa ƙwarai.”
23 Oo markuu ruuxii sharka lahaa ee xagga Ilaah ka yimid Saa'uul ku soo degay ayaa Daa'uud qaatay kataaraddiisii, oo garaacay, dabadeedna Saa'uul wuu qaboobay, wuuna bogsaday, oo ruuxii sharka lahaana waa ka tegey.
Duk lokacin da ruhun nan daga Allah ya sauko a kan Shawulu, sai Dawuda yă ɗauki molonsa yă kaɗa. Sa’an nan sauƙi yă zo wa Shawulu, mugun ruhu kuma yă rabu da shi.

< Samuu'Eel Kowaad 16 >