< Samuu'Eel Kowaad 16 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.
Yahweh said to Samuel, “How long will you mourn for Saul, since I have rejected him from being king over Israel? Fill your horn with oil and go. I will send you to Jesse of Bethlehem, for I have selected for myself a king among his sons.”
2 Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.
Samuel said, “How can I go? If Saul hears of it, he will kill me.” Yahweh said, “Take a heifer with you and say, 'I have come to sacrifice to Yahweh.'
3 Oo Yesay allabariga ugu yeedh, waanan ku tusi doonaa waxaad samayn doonto; oo waxaad ii subagtaa kii aan kuu magacaabo.
Call Jesse to the sacrifice, and I will show you what you will do. You will anoint for me the one whom I tell you.”
4 Oo Samuu'eelna wuxuu Rabbigu kala hadlay ayuu sameeyey, wuxuuna yimid Beytlaxam. Oo odayaashii magaaladuna way ka hor tageen, iyagoo gariiraya, oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad ma u timid?
Samuel did as Yahweh said and went to Bethlehem. The elders of the city were trembling as they came to meet him and said, “Are you coming in peace?”
5 Markaasuu yidhi, Haah, nabad baan u imid, waxaanan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo. Haddaba isa soo daahiriya, oo kaalaya, meesha allabariga ii raaca. Markaasuu wuxuu daahirshay Yesay iyo wiilashiisii, dabadeedna meeshii allabariga buu ugu yeedhay.
He said, “In peace; I have come to sacrifice to Yahweh. Prepare to set yourselves apart and come with me to the sacrifice.” Then he set apart Jesse and his sons and invited them to the sacrifice.
6 Oo markay yimaadeen wuxuu fiiriyey Elii'aab, oo yidhi, Hubaal kii Rabbigu subkaday ayaa hortiisa jooga.
When they came, he looked at Eliab and said to himself that Yahweh's anointed was certainly standing before him.
7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Ha fiirin soojeedkiisa, ama dhererkiisa, maxaa yeelay, waan diiday isaga. Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.
But Yahweh said to Samuel, “Do not look at his outward appearance, or on the height of his stature; because I have rejected him. For Yahweh does not see as man sees; man looks on the outward appearance, but Yahweh looks on the heart.”
8 Markaasaa Yesay u yeedhay Abiinaadaab, oo soo mariyey Samuu'eel hortiisa, Samuu'eelna wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma uu dooran.
Then Jesse called Abinadab and made him pass before Samuel. Then Samuel said, “Neither has Yahweh chosen this one.”
9 Oo haddana Yesay wuu soo hor mariyey Shammaah. Oo wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma dooran.
Jesse then made Shammah pass by, but Samuel said, “Neither has Yahweh chosen this one.”
10 Yesayna wuxuu Samuu'eel soo hor mariyey toddoba wiilashiisii ka mid ah. Markaasaa Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Rabbigu kuwan ma dooran.
Jesse made seven of his sons pass before Samuel. Then Samuel said to Jesse, “Yahweh has not chosen any of these.”
11 Samuu'eelna wuxuu Yesay ku yidhi, War carruurtaadii halkan ma wada joogaan? Markaasuu yidhi, Weli waxaa hadhay kii ugu yaraa, oo idahuu ilaalinayaa. Oo haddana Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Cid u dir oo keen; waayo, innagu fadhiisan mayno jeeruu halkan yimaado.
Then Samuel said to Jesse, “Are all of your sons here?” He replied, “There remains yet the youngest, but he is tending the sheep.” Samuel said to Jesse, “Send and get him; for we will not sit down until he comes here.”
12 Markaasuu u cid diray, oo soo geliyey. Oo isna wuxuu ahaa mid cas, oo soojeed qurxoon, oo midabkiisuna aad u wanaagsan yahay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Kac, oo subag, waayo, kanu waa isagii.
Jesse sent and brought him in. Now this son was ruddy and had beautiful eyes and a handsome appearance. Yahweh said, “Arise, anoint him; for he is the one.”
13 Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
Then Samuel took the horn of oil and anointed him in the middle of his brothers. The Spirit of Yahweh rushed on David from that day forward. Then Samuel rose up and went to Ramah.
14 Haddaba Ruuxii Rabbigu Saa'uul wuu ka tegey, oo ruux shar leh oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa dhibay isagii.
Now the Spirit of Yahweh left Saul, and a harmful spirit from Yahweh troubled him instead.
15 Markaasaa Saa'uul addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, haatan waxaa ku dhibaya ruux shar leh oo xagga Ilaah ka yimid.
Saul's servants said to him, “Look, a harmful spirit from God troubles you.
16 Sayidkayagow, nagu amar annagoo ah addoommadaada ku hor jooga inaannu kuu doondoonno nin aad kataaradda u yaqaan; oo markuu ruuxa sharka leh ee xagga Ilaah ka yimid kugu soo dego, ayuu kataaradda garaaci doonaa, waanad bogsan doontaa.
Let our master now command your servants who are before you to look for a man who is a skillful player on the harp. Then when the harmful spirit from God is on you, he will play it and you will be well.”
17 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Ii doona nin aad u yaqaan, oo ii keena.
Saul said to his servants, “Find me a man that can play well and bring him to me.”
18 Dabadeedna raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa ku jawaabay oo yidhi, Waxaan arkay Yesayga reer Beytlaxam wiil uu dhalay oo aad u yaqaan sida kataaradda lagu dhufto oo ah nin xoog leh oo dagaalyahan ah, codkarna ah, oo suurad qurxoon, oo weliba Rabbiguna wuu la jiraa.
Then one of the young men answered, and said, “I have seen a son of Jesse the Bethlehemite, who is skillful in playing, a strong, courageous man, a man of war, one prudent in speech, a handsome man; and Yahweh is with him.”
19 Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.
So Saul sent messengers to Jesse, and said, “Send me your son David, who is with the sheep.”
20 Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.
Jesse took a donkey loaded with bread, a container of wine, and a young goat, and sent them with his son David to Saul.
21 Markaasaa Daa'uud Saa'uul u yimid, oo hortiisuu soo istaagay, oo isna aad buu u jeclaaday Daa'uud, oo wuxuu Saa'uul u noqday kii hubka u siday.
Then David came to Saul and entered his service. Saul loved him greatly, and he became his armor bearer.
22 Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.
Saul sent to Jesse, saying, “Let David stand before me, for he has found favor in my eyes.”
23 Oo markuu ruuxii sharka lahaa ee xagga Ilaah ka yimid Saa'uul ku soo degay ayaa Daa'uud qaatay kataaraddiisii, oo garaacay, dabadeedna Saa'uul wuu qaboobay, wuuna bogsaday, oo ruuxii sharka lahaana waa ka tegey.
Whenever the harmful spirit from God was upon Saul, David took the harp and played it. So Saul would be refreshed and well, and the harmful spirit would depart from him.

< Samuu'Eel Kowaad 16 >