< Samuu'Eel Kowaad 13 >
1 Saa'uul markuu reer binu Israa'iil boqorka u noqday wuxuu jiray soddon sannadood, oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba sannadood.
Saul was thirty years old when he began to reign; when he had reigned forty years over Israel,
2 Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.
he chose three thousand men of Israel. Two thousand were with him in Michmash and in the hill country of Bethel, while a thousand were with Jonathan in Gibeah of Benjamin. The rest of the soldiers he sent home, each man to his tent.
3 Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.
Jonathan defeated the garrison of the Philistines that was at Geba and the Philistines heard of it. Then Saul blew the trumpet throughout all the land, saying, “Let the Hebrews hear.”
4 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.
All Israel heard that Saul had defeated the garrison of the Philistines, and also that Israel had become a rotten smell to the Philistines. Then the soldiers were summoned together to join Saul at Gilgal.
5 Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.
The Philistines gathered together to fight against Israel, with three thousand chariots, six thousand men to drive the chariots, and troops as numerous as the sand on the seashore. They came up and encamped at Michmash, east of Beth Aven.
6 Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.
When the men of Israel saw that they were in trouble—for the people were distressed, the people hid in caves, in the underbrush, in rocks, in wells, and in pits.
7 Oo haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya.
Some of the Hebrews went over the Jordan to the land of Gad and Gilead. But Saul was still at Gilgal, and all the people followed him trembling.
8 Oo toddoba maalmood buu sugayay, sidii wakhtigii Samuu'eel u qabtay uu ahaa, laakiinse Samuu'eel ma iman Gilgaal, oo dadkiina way ka kala firdheen Saa'uul.
He waited seven days, the time Samuel had set. But Samuel did not come to Gilgal, and the people were scattering from Saul.
9 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.
Saul said, “Bring me the burnt offering and the peace offerings.” Then he offered the burnt offering.
10 Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.
As soon as he finished offering the burnt offering Samuel arrived. Saul went out to meet him and to greet him.
11 Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;
Then Samuel said, “What have you done?” Saul replied, “When I saw that the people were leaving me, and that you did not come within the set time, and that the Philistines had assembled at Michmash,
12 sidaas daraaddeed waxaan is-idhi, Haatan reer Falastiin waxay igu soo weerari doonaan Gilgaal, anigoo aan Rabbiga raallinimo ka baryin. Taas aawadeed ayaan isugu qasbay oo waan bixiyey allabariga la gubo.
I said, 'Now the Philistines will come down against me at Gilgal, and I have not sought the favor of Yahweh.' So I forced myself to offer the burnt offering.”
13 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba.
Then Samuel said to Saul, “You have acted foolishly. You have not kept the command of Yahweh your God that he gave you. For then Yahweh would have established your rule over Israel forever.
14 Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
But now your rule will not continue. Yahweh has sought out a man after his own heart, and Yahweh has appointed him to be prince over his people, because you have not obeyed what he commanded you.”
15 Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.
Then Samuel arose and went up from Gilgal to Gibeah of Benjamin. Then Saul numbered the people who were present with him, about six hundred men.
16 Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.
Saul, his son Jonathan, and the people who were present with them, stayed in Geba of Benjamin. But the Philistines camped at Michmash.
17 Markaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;
Raiders came from the camp of the Philistines in three groups. One group turned toward Ophrah, to the land of Shual.
18 oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.
Another group turned toward Beth Horon, and another group turned toward the border that overlooks the Valley of Zeboyim toward the wilderness.
19 Haddaba tumaal laguma arag dalka reer binu Israa'iil oo dhan; waayo, reer Falastiin waxay isyidhaahdeen, Cibraaniyadu yaanay samaysan seefo iyo warmo.
No blacksmith could be found throughout all of Israel, because the Philistines said, “Otherwise the Hebrews would make swords or spears for themselves.”
20 Laakiinse reer binu Israa'iil oo dhammu waxay xagga reer Falastiin u tageen in nin waluba soo afaysto marashidiisii, iyo manjadiisii, iyo faaskiisii, iyo sabaraddiisii;
But all the men of Israel used to go down to the Philistines, each to sharpen his plow points, his mattock, his ax, and his sickle.
21 oo weliba waxay lahaayeen wax lagu soofeeyo sabaradaha, iyo manjooyinka, iyo faraleyada, iyo faasaska, iyo inay hagaajiyaan takiyadaba.
The charge was two-thirds of a shekel for the plow points, and the mattocks, and one-third of a shekel for sharpening axes and for straightening the goads.
22 Sidaas daraaddeed maalintii dagaalka dadkii la jiray Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba midkoodna gacantiisa lagama helin seef iyo waran toona, Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan mooyaane.
So on the day of battle, there were no swords or spears found in the hands of any of the soldiers who were with Saul and Jonathan; only Saul and his son Jonathan had them.
23 Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.
The garrison of the Philistines went out to the pass of Michmash.