< Samuu'Eel Kowaad 10 >

1 Markaasaa Samuu'eel wuxuu qaaday weel saliid ah, kolkaasuu madaxiisii ku shubay, oo intuu dhunkaday ayuu yidhi, Sow Rabbigu kuuma subkin inaad amiir u ahaatid dhaxalkiisa?
ויקח שמואל את פך השמן ויצק על ראשו--וישקהו ויאמר--הלוא כי משחך יהוה על נחלתו לנגיד
2 Maanta markaad iga tagto, waxaad laba nin ka heli doontaa qabriga Raaxeel agtiisa, kaasoo ku yaal soohdinta reer Benyaamiinka Selsax ku jira, oo waxay kugu odhan doonaan, Dameerihii aad soo doontay waa la helay, oo bal eeg, aabbahaa dameerihii wuu ka dan baxay, oo adiga aawadaa buu ka fikirayaa, oo wuxuu yidhi, Maxaan wiilkaygii u sameeyaa?
בלכתך היום מעמדי ומצאת שני אנשים עם קברת רחל בגבול בנימן בצלצח ואמרו אליך נמצאו האתנות אשר הלכת לבקש והנה נטש אביך את דברי האתנות ודאג לכם לאמר מה אעשה לבני
3 Oo halkaasna waad ka sii socon doontaa oo waxaad iman doontaa geedka Taaboor, oo halkaasna waxaad kula kulmi doontaa saddex nin oo u socota xagga Ilaah iyo ilaa Beytel; mid wuxuu sidaa saddex orgi oo yaryar, mid kalena wuxuu sidaa saddex xabbadood oo kibis ah, kan kalena wuxuu sidaa sibraar khamri ah.
וחלפת משם והלאה ובאת עד אלון תבור ומצאוך שם שלשה אנשים עלים אל האלהים בית אל אחד נשא שלשה גדיים ואחד נשא שלשת ככרות לחם ואחד נשא נבל יין
4 Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.
ושאלו לך לשלום ונתנו לך שתי לחם ולקחת מידם
5 Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan.
אחר כן תבוא גבעת האלהים אשר שם נצבי פלשתים ויהי כבאך שם העיר ופגעת חבל נבאים ירדים מהבמה ולפניהם נבל ותף וחליל וכנור והמה מתנבאים
6 Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.
וצלחה עליך רוח יהוה והתנבית עמם ונהפכת לאיש אחר
7 Haddaba markii calaamooyinkaasu ku soo gaadhaan, waxaad samaysaa wixii ku soo gaadha oo dhanba, maxaa yeelay, Ilaah baa kula jira.
והיה כי תבאינה (תבאנה) האתות האלה--לך עשה לך אשר תמצא ידך כי האלהים עמך
8 Oo waxaad ku dhaadhacdaa, oo iga hor martaa xagga Gilgaal; oo bal eeg, anna waan kuu iman doonaa, inaan bixiyo qurbaanno la gubo, iyo inaan bixiyo qurbaanno nabaadiino. Toddoba maalmood waa inaad i sugtaa, ilaa aan kuu imaado oo aan ku tuso waxaad samayn doonto.
וירדת לפני הגלגל והנה אנכי ירד אליך להעלות עלות לזבח זבחי שלמים שבעת ימים תוחל עד בואי אליך והודעתי לך את אשר תעשה
9 Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.
והיה כהפנתו שכמו ללכת מעם שמואל ויהפך לו אלהים לב אחר ויבאו כל האתות האלה ביום ההוא
10 Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.
ויבאו שם הגבעתה והנה חבל נבאים לקראתו ותצלח עליו רוח אלהים ויתנבא בתוכם
11 Oo kuwii mar hore isaga yiqiin oo dhammu, markay arkeen inuu nebiyada wax la sii sheegayo, ayaa dadkii midba kan kale ku yidhi, War waa maxay waxan ku dhacay wiilkii Qiish? Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
ויהי כל יודעו מאתמול שלשם ויראו והנה עם נבאים נבא ויאמר העם איש אל רעהו מה זה היה לבן קיש--הגם שאול בנביאים
12 Oo mid halkaas joogay ayaa isna yidhi, Oo aabbahoodna waa kuma? Sidaas daraaddeed taasu waxay noqotay maahmaah; Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
ויען איש משם ויאמר ומי אביהם על כן היתה למשל הגם שאול בנבאים
13 Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.
ויכל מהתנבות ויבא הבמה
14 Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.
ויאמר דוד שאול אליו ואל נערו אן הלכתם ויאמר לבקש את האתנות ונראה כי אין ונבוא אל שמואל
15 Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wixii Samuu'eel idinku yidhi.
ויאמר דוד שאול הגידה נא לי מה אמר לכם שמואל
16 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu adeerkiis ku yidhi, Bayaan buu noogu sheegay in dameerihii la helay. Laakiinse xagga waxa boqortooyadii ku saabsan Samuu'eel ka hadlay uma uu sheegin.
ויאמר שאול אל דודו הגד הגיד לנו כי נמצאו האתנות ואת דבר המלוכה לא הגיד לו אשר אמר שמואל
17 Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah;
ויצעק שמואל את העם אל יהוה המצפה
18 oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.
ויאמר אל בני ישראל כה אמר יהוה אלהי ישראל אנכי העליתי את ישראל ממצרים ואציל אתכם מיד מצרים ומיד כל הממלכות הלחצים אתכם
19 Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.
ואתם היום מאסתם את אלהיכם אשר הוא מושיע לכם מכל רעותיכם וצרתיכם ותאמרו לו כי מלך תשים עלינו ועתה התיצבו לפני יהוה לשבטיכם ולאלפיכם
20 Sidaas aawadeed Samuu'eel wuxuu soo dhoweeyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaa lala baxay qabiilkii reer Benyaamiin.
ויקרב שמואל את כל שבטי ישראל וילכד שבט בנימן
21 Oo haddana wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii reer Benyaamiin oo qoys qoys ah, oo waxaa lala baxay qoyskii reer Matrii, oo waxaa kaloo lala baxay Saa'uul oo ahaa ina Qiish; laakiinse markay doondooneen waa la waayay.
ויקרב את שבט בנימן למשפחתו ותלכד משפחת המטרי וילכד שאול בן קיש ויבקשהו ולא נמצא
22 Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye.
וישאלו עוד ביהוה הבא עוד הלם איש ויאמר יהוה הנה הוא נחבא אל הכלים
23 Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba.
וירצו ויקחהו משם ויתיצב בתוך העם ויגבה מכל העם משכמו ומעלה
24 Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
ויאמר שמואל אל כל העם הראיתם אשר בחר בו יהוה כי אין כמהו בכל העם וירעו כל העם ויאמרו יחי המלך
25 Kolkaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii u sheegay sida boqortooyada xaalkeedu noqon doono, oo buug buuna ku qoray, oo Rabbiga hortiisa dhigay. Samuu'eelna markaasuu dadkii oo dhan iska diray, oo nin waluba gurigiisii buu tegey.
וידבר שמואל אל העם את משפט המלכה ויכתב בספר וינח לפני יהוה וישלח שמואל את כל העם איש לביתו
26 Oo Saa'uulna wuxuu tegey gurigiisii oo Gibecaah ku yiil; oo waxaa raacay isagii rag geesiyo ah, oo qalbigooda Ilaah taabtay.
וגם שאול--הלך לביתו גבעתה וילכו עמו--החיל אשר נגע אלהים בלבם
27 Laakiinse kuwo waxmatarayaal ah ayaa waxay yidhaahdeen, Ninkanu sidee buu noo badbaadin doonaa? Oo isagiina way quudhsadeen, oo hadiyadna uma ay keenin. Laakiinse isagu wuu iska aamusay.
ובני בליעל אמרו מה ישענו זה ויבזהו ולא הביאו לו מנחה ויהי כמחריש

< Samuu'Eel Kowaad 10 >