< 1 Butros 1 >

1 Anigoo ah Butros oo ah rasuulkii Ciise Masiix waxaan warqaddan u qorayaa qariibbada ku kala firidhsan Bontos, iyo Galatiya, iyo Kabbadokiya, iyo Aasiya, iyo Bituniya,
ܦܛܪܘܤ ܫܠܝܚܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܠܓܒܝܐ ܘܬܘܬܒܐ ܕܙܪܝܥܝܢ ܒܦܢܛܘܤ ܘܒܓܠܛܝܐ ܘܒܩܦܘܕܩܝܐ ܘܒܐܤܝܐ ܘܒܒܝܬܘܢܝܐ
2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.
ܐܝܠܝܢ ܕܐܬܓܒܝܘ ܒܡܩܕܡܘܬ ܝܕܥܬܗ ܕܐܠܗܐ ܐܒܐ ܒܩܕܝܫܘܬܐ ܕܪܘܚܐ ܕܢܗܘܘܢ ܠܡܫܡܥܬܐ ܘܠܪܤܤ ܕܡܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܛܝܒܘܬܐ ܘܫܠܡܐ ܢܤܓܐ ܠܘܬܟܘܢ
3 Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay,
ܡܒܪܟ ܗܘ ܐܠܗܐ ܐܒܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܒܚܢܢܗ ܤܓܝܐܐ ܐܘܠܕܢ ܡܢ ܕܪܝܫ ܒܩܝܡܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܠܤܒܪܐ ܕܚܝܐ
4 oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.
ܘܠܝܪܬܘܬܐ ܕܠܐ ܡܬܚܒܠܐ ܘܠܐ ܡܬܛܢܦܐ ܘܠܐ ܚܡܝܐ ܗܝ ܕܡܛܝܒܐ ܠܟܘܢ ܒܫܡܝܐ
5 Idinku waxaad tihiin kuwo xoogga Ilaah iyo rumaysadka lagu dhawro ilaa badbaadada diyaarka u ah in wakhtiga ugu dambaysta la muujiyo.
ܟܕ ܢܛܝܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܚܝܠܐ ܕܐܠܗܐ ܘܒܗܝܡܢܘܬܐ ܠܚܝܐ ܕܡܛܝܒܝܢ ܕܢܬܓܠܘܢ ܠܙܒܢܐ ܐܚܪܝܐ
6 Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.
ܕܒܗܘܢ ܬܚܕܘܢ ܠܥܠܡ ܐܦܢ ܒܗܢܐ ܙܒܢܐ ܩܠܝܠ ܡܬܬܥܝܩܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܢܤܝܘܢܐ ܡܫܚܠܦܐ ܕܥܕܝܢ ܥܠܝܟܘܢ
7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
ܐܝܟܢܐ ܕܒܘܚܪܢܐ ܕܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܢܬܚܙܐ ܕܡܝܬܪ ܡܢ ܕܗܒܐ ܤܢܝܢܐ ܕܐܬܒܩܝ ܒܢܘܪܐ ܠܬܫܒܘܚܬܐ ܘܠܐܝܩܪܐ ܘܠܩܘܠܤܐ ܒܓܠܝܢܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
ܗܘ ܕܠܐ ܚܙܝܬܘܢܝܗܝ ܘܡܚܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܗ ܘܒܗܝܡܢܘܬܗ ܪܘܙܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܚܕܘܬܐ ܡܫܒܚܬܐ ܕܠܐ ܡܬܡܠܠܐ
9 Waxaadna helaysaan waxa rumaysadkiinnu ku dhammaado oo ah badbaadada naftiinna.
ܕܬܩܒܠܘܢ ܦܘܪܥܢܐ ܕܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܚܝܐ ܕܢܦܫܬܟܘܢ
10 Nebiyadii sii sheegay nimcada idiin imanaysa waxay doondooneen oo aad u raadiyeen wax ku saabsan badbaadadaas.
ܗܢܘܢ ܚܝܐ ܕܥܩܒܘ ܗܘܘ ܥܠܝܗܘܢ ܢܒܝܐ ܟܕ ܐܬܢܒܝܘ ܥܠ ܛܝܒܘܬܐ ܕܥܬܝܕܐ ܗܘܬ ܕܬܬܝܗܒ ܠܟܘܢ
11 Waxayna raadiyeen wixii iyo wakhtigii Ruuxii Masiixa oo iyaga ku jiray uu u tilmaamay markuu horay uga sii markhaati furay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsan doono iyo waxyaalaha ammaanta ah oo iyaga ka daba iman doona.
ܘܒܨܘ ܕܒܐܝܢܐ ܙܒܢܐ ܡܚܘܝܐ ܘܡܤܗܕܐ ܪܘܚܗ ܕܡܫܝܚܐ ܕܥܡܪܐ ܒܗܘܢ ܕܥܬܝܕܝܢ ܚܫܘܗܝ ܕܡܫܝܚܐ ܘܬܫܒܘܚܬܗ ܕܡܢ ܒܬܪܟܢ
12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.
ܘܐܬܓܠܝ ܠܗܘܢ ܟܠ ܕܒܨܝܢ ܗܘܘ ܡܛܠ ܕܠܘ ܠܢܦܫܗܘܢ ܒܥܝܢ ܗܘܘ ܐܠܐ ܠܢ ܕܝܠܢ ܡܬܢܒܝܢ ܗܘܘ ܐܝܠܝܢ ܕܗܫܐ ܐܬܓܠܝ ܠܟܘܢ ܒܝܕ ܐܝܠܝܢ ܕܤܒܪܢܟܘܢ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܕܐܫܬܕܪ ܡܢ ܫܡܝܐ ܕܒܗܝܢ ܒܗܠܝܢ ܡܬܪܓܪܓܝܢ ܐܦ ܡܠܐܟܐ ܕܢܕܝܩܘܢ
13 Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.
ܡܛܠ ܗܢܐ ܚܙܘܩܘ ܚܨܐ ܕܬܪܥܝܬܟܘܢ ܘܐܬܬܥܝܪܘ ܓܡܝܪܐܝܬ ܘܤܒܪܘ ܥܠ ܚܕܘܬܐ ܕܐܬܝܐ ܠܟܘܢ ܒܓܠܝܢܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
14 Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;
ܐܝܟ ܒܢܝܐ ܡܫܬܡܥܢܐ ܘܠܐ ܬܫܬܘܬܦܘܢ ܬܘܒ ܠܪܓܝܓܬܟܘܢ ܩܕܡܝܬܐ ܐܝܠܝܢ ܕܪܓܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܕܠܐ ܒܝܕܥܬܐ
15 laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada,
ܐܠܐ ܗܘܘ ܩܕܝܫܝܢ ܒܟܠܗܘܢ ܗܘܦܟܝܟܘܢ ܐܝܟ ܕܩܕܝܫ ܗܘ ܡܢ ܕܩܪܟܘܢ
16 maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.
ܡܛܠ ܕܟܬܝܒ ܕܗܘܝܬܘܢ ܩܕܝܫܝܢ ܐܝܟܢܐ ܕܐܦ ܐܢܐ ܩܕܝܫ ܐܢܐ
17 Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.
ܘܐܢ ܗܘ ܕܐܒܐ ܩܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܕܠܝܬ ܩܕܡܘܗܝ ܡܤܒ ܒܐܦܐ ܘܕܐܢ ܠܟܠܢܫ ܐܝܟ ܥܒܕܘܗܝ ܒܕܚܠܬܐ ܐܬܕܒܪܘ ܒܙܒܢܐ ܗܢܐ ܕܬܘܬܒܘܬܟܘܢ
18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka,
ܟܕ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܠܐ ܒܟܤܦܐ ܕܒܠܐ ܘܠܐ ܒܕܗܒܐ ܐܬܦܪܩܬܘܢ ܡܢ ܥܒܕܝܟܘܢ ܤܪܝܩܐ ܗܢܘܢ ܕܩܒܠܬܘܢ ܡܢ ܐܒܗܝܟܘܢ
19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.
ܐܠܐ ܒܕܡܐ ܝܩܝܪܐ ܕܐܡܪܐ ܕܡܘܡܐ ܘܛܘܠܫܐ ܠܝܬ ܒܗ ܕܐܝܬܘܗܝ ܡܫܝܚܐ
20 Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin,
ܗܘ ܕܡܩܕܡ ܗܘܐ ܦܪܝܫ ܠܗܕܐ ܡܢ ܩܕܡ ܬܪܡܝܬܗ ܕܥܠܡܐ ܘܐܬܓܠܝ ܒܐܚܪܝܬܗܘܢ ܕܙܒܢܐ ܡܛܠܬܟܘܢ
21 idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed.
ܐܝܠܝܢ ܕܒܐܝܕܗ ܗܝܡܢܬܘܢ ܒܐܠܗܐ ܗܘ ܕܐܩܝܡܗ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܘܝܗܒ ܠܗ ܫܘܒܚܐ ܕܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܘܤܒܪܟܘܢ ܢܗܘܐ ܥܠ ܐܠܗܐ
22 Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.
ܟܕ ܢܗܘܝܢ ܩܕܝܫܢ ܢܦܫܬܟܘܢ ܒܡܫܬܡܥܢܘܬܗ ܕܫܪܪܐ ܘܢܗܘܝܢ ܡܠܝܢ ܚܘܒܐ ܕܠܐ ܡܤܒ ܒܐܦܐ ܕܡܢ ܠܒܐ ܕܟܝܐ ܘܓܡܝܪܐ ܬܗܘܘܢ ܡܚܒܝܢ ܚܕ ܠܚܕ
23 Idinka mar kale laydinkuma dhalin abuur baabba'aya, laakiinse waxaa laydinku dhalay abuur aan baabba'ayn oo ah erayga Ilaah oo nool oo waara. (aiōn g165)
ܐܝܟ ܐܢܫܐ ܕܡܢ ܕܪܝܫ ܐܬܝܠܕܬܘܢ ܠܐ ܡܢ ܙܪܥܐ ܕܒܠܐ ܐܠܐ ܡܢ ܐܝܢܐ ܕܠܐ ܒܠܐ ܒܡܠܬܐ ܚܝܬܐ ܕܐܠܗܐ ܕܩܝܡܐ ܠܥܠܡ (aiōn g165)
24 Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;
ܡܛܠ ܕܟܠ ܒܤܪ ܥܡܝܪܐ ܘܟܠܗ ܝܐܝܘܬܗ ܐܝܟ ܥܘܦܝܐ ܕܚܩܠܐ ܝܒܫ ܥܡܝܪܐ ܘܚܡܐ ܥܘܦܝܐ
25 Laakiinse erayga Rabbigu weligiisba wuu waaraa. Haddaba kaasu waa eraygii warka wanaagsanaa oo laydinku wacdiyey. (aiōn g165)
ܘܡܠܬܗ ܕܐܠܗܢ ܩܝܡܐ ܠܥܠܡܝܢ ܘܗܕܐ ܗܝ ܡܠܬܐ ܗܝ ܕܐܤܬܒܪܬܘܢ (aiōn g165)

< 1 Butros 1 >