< 1 Butros 5 >
1 Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:
あなた方の中の長老たちに,仲間の長老であり,キリストの苦しみの証人であり,やがて現わされる栄光にあずかる者として,わたしは勧めます。
2 Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo.
あなた方の中にいる神の群れを監視しつつ牧しなさい。強制されてではなく自発的に,不正な利得のためではなく快く行ないなさい。
3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.
あなた方に割り当てられた人たちに威張り散らすようにではなく,自分を群れの模範としつつ,そのことを行ないなさい。
4 Oo marka Adhijirka sare la muujiyo, idinku waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan baabba'ayn.
そうすれば,主要な牧者が現わされる時,あなた方は消え行くことのない栄光の冠を受けるでしょう。
5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
同じように,若い人たちよ,長老たちに服しなさい。それだけではなく,あなた方は皆,互いに対して服し合うために謙虚さを身に帯びなさい。「神は高慢な者たちに立ち向かい,謙そんな者たちに恵みを与えられる」からです。
6 Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.
ですから,神の強力なみ手のもとで自分を低くしなさい。その方がやがてあなた方を高くしてくださるためです。
7 Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.
あなた方の心配事をすべてその方のもとに投げなさい。その方はあなた方のことを気にかけておられるからです。
8 Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.
冷静さを保ち,自制していなさい。用心深くありなさい。あなた方の反対者である悪魔が,ほえるライオンのように,だれかをむさぼり食おうと歩き回っています。
9 Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.
自分の信仰のうちに確固として彼に抵抗しなさい。この世界にいるあなた方の兄弟たちも同じ苦しみに遭っていることを,あなた方は知っているからです。
10 Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa. (aiōnios )
しかし,すべての恵みの神,あなた方をキリスト・イエスによってご自分の永遠の栄光に召してくださった方が,あなた方を,わずかの間苦しみを受けた後で完全な者とし,確固とした者とし,強め,堅く据えてくださいますように。 (aiōnios )
11 Weligiis iyo weligiisba xoogga isagaa leh. Aamiin. (aiōn )
この方に,栄光と力がいつまでもありますように。アーメン。 (aiōn )
12 Waxaan warqad yar idiinku soo qoray gacanta walaalkeen Silwanos oo aan ku tirinayo inuu aamin yahay. Oo waxaan idinku waaninayaa oo marag ahaan idiinku sheegayaa in tanu tahay nimcada Ilaah oo run ah. Taas ku adkaada
わたしたちの忠実な兄弟だとわたしが考えているシルワノスを通して,あなた方に短く手紙を書きました。あなた方に勧告し,あなた方がそのうちに立っているものこそが神の本当の恵みであることを証言するためです。
13 Waxaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.
あなた方と共に選ばれてバビロンにいる婦人が,あなた方にあいさつをしています。わたしの子マルコもそうしています。
14 Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.
愛の口づけをもって互いにあいさつをしなさい。キリスト・イエスのうちにいるあなた方すべてに平安がありますように。アーメン。