< 1 Butros 4 >
1 Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga,
ᎦᎶᏁᏛᏃ ᎤᏇᏓᎵ ᎨᏒ ᎢᎩᎩᎵᏲᏤᎸᎯ ᏥᎩ, ᏂᎯ ᎾᏍᏉ ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ ᎠᏓᏅᏙ ᎢᏣᎵᏍᎦᏍᏙᏙᏗ ᏂᏨᎦ; ᎾᏍᎩᏰᏃ Ꮎ ᎤᏇᏓᎵ ᎨᏒ ᎤᎩᎵᏲᏨᎯ ᏥᎨᏐᎢ ᏚᏲᏐ ᎠᏍᎦᏅᎢᏍᏗ ᎨᏒᎢ,
2 si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.
ᎾᏍᎩ ᎿᎭᏉ ᎤᏕᏗᏱ ᏂᎨᏒᎾ ᎢᏳᎵᏍᏙᏗᏱ ᏂᎪᎯᎸ ᎤᏇᏓᎸ ᎢᎪᎯᏛ ᎤᎴᏂᏓᏍᏗ ᎨᏒᎢ, ᎾᏍᎩ ᏴᏫ ᎤᎾᏚᎸᏗ ᎨᏒᎢ, ᎤᏁᎳᏅᎯᏉᏍᎩᏂ ᎣᏏᏳ ᎤᏰᎸᏗ ᎨᏒᎢ.
3 Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.
ᏰᎵᏉᏰᏃ ᏱᎩᏰᎸᎭ ᎦᏳᎳ ᎢᎦᎴᏂᏙᎸ ᏕᎩᎸᏫᏍᏓᏁᎸ ᎣᏏᏳ ᎤᏂᏰᎸᏗ ᎨᏒ ᎾᏂᎦᏔᎾᎥᎾ, ᎾᎯᏳ ᏥᏕᏙᎲ ᎤᏕᎵᏛ ᏗᏂᏏᏗ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᎠᏚᎸᏗ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᎩᎦᎨ-ᎠᏗᏔᏍᏗ ᎬᏓᏴᏍᏕᏍᏗᏍᎩ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᎠᎵᏍᎦᎾᏩᏍᏗ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᏓᎾᏗᏔᏍᎬ ᎨᎳᏗᏓᏍᏗ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᏂᏚᏳᎪᏛᎾ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᏗᏰᎸᎯ ᏗᏓᏙᎵᏍᏓᏁᏗ ᎨᏒᎢ;
4 Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.
ᎾᏍᎩ ᎤᏍᏆᏂᎪᏗᏳ ᎤᏂᏰᎸᎭ, ᎾᎿᎭᏂᏣᎢᏒᎾ ᎨᏒ ᎠᎾᎢᏒ ᏩᏂᎦᏛ ᎤᎶᏒᏍᏔᏅᎯ ᎤᏲ ᎢᏯᏛᏁᎵᏓᏍᏗ ᏗᎨᏒᎢ, ᎾᏍᎩ ᎤᏐᏅ ᎨᏥᏃᎮᏍᎬᎢ;
5 Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
ᎾᏍᎩ ᎬᏂᎨᏒ ᎢᏳᏅᏁᏗ ᎨᏎᏍᏗ ᎠᎦᏔᎲ ᎾᏍᎩ ᎤᎬᏩᎴᎢ ᏧᎵᏁᏃᏗ ᏧᏭᎪᏓᏁᏗᏱ ᏗᏅᏃᏛ ᎠᎴ ᏧᏂᏲᎱᏒᎯ.
6 Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.
ᎾᏍᎩᏰᏃ ᎢᏳᏍᏗ ᎣᏍᏛ ᎧᏃᎮᏛ ᏧᏂᏲᎱᏒᎯ ᎾᏍᏉ ᎨᎦᎵᏥᏙᏁᎴᎢ, ᏗᎨᎫᎪᏓᏁᏗᏱ ᎤᏇᏓᎵ ᎨᏒ ᎾᏍᎩᏯ ᏴᏫ ᏧᏄᎪᏙᏗ ᎨᏒᎢ, ᎤᏁᎳᏅᎯᏍᎩᏂ ᏧᏭᎪᏙᏗ ᎨᏒ ᏗᏅᏃᏛ ᎢᏳᎵᏍᏙᏗᏱ ᏧᎾᏓᏛᏙᎩᎯ ᎨᏒᎢ.
7 Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.
ᏄᏓᎴᏒᏍᎩᏂ ᎪᎱᏍᏗ ᎤᎵᏍᏆᏗᏗ, ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ ᎢᏣᎵᏏᎾᎯᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ, ᎠᎴ ᎢᏥᏯᏫᏍᎬ ᎢᏣᏓᏙᏓᏍᏗᏍᎨᏍᏗ.
8 Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan.
ᎠᎴ Ꮀ ᎤᎬᏫᏳᏎᏍᏗ ᎤᎵᏂᎩᏛ ᏕᏣᏓᎨᏳᏎᏍᏗ; ᎠᏓᎨᏳᏗᏰᏃ ᎨᏒ ᏓᎫᏢᏂ ᎤᏣᏘ ᎢᏯᏍᎦᏅᎢᏍᏗ ᎨᏒᎢ.
9 Ismartiqaada gunuunacla'aan.
ᏗᏣᏓᏍᏆᏂᎪᏗᏳ ᎨᏎᏍᏗ ᎪᎱᏍᏗ ᏂᏗᏣᏓᏕᎵᏎᎲᎾ.
10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.
ᏂᏥᎥᏃ ᎡᏥᏁᎸᎯ ᏥᎩ, ᎾᏍᎩ ᏕᏣᏓᏁᎮᏍᏗ ᎾᏍᎩᏯ ᎢᏳᎾᏛᏁᏗ ᎠᏃᏍᏛ ᎨᏥᎦᏘᏗᏍᏗ ᏧᏓᎴᏅᏛ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎬᏩᎦᏗᏯ ᎤᏓᏁᏗ ᎨᏒᎢ.
11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin. (aiōn )
ᎢᏳᏃ ᎩᎶ ᎦᏬᏂᏍᎨᏍᏗ, ᎾᏍᎩᏯ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᏄᏪᏒ ᎦᏬᏂᏍᎨᏍᏗ. ᎢᏳᏃ ᎩᎶ ᏓᏯᏙᎮᎮᏍᏗ, ᎾᏍᎩ ᏰᎵ ᎢᎬᏩᏛᏁᏗ ᎨᏒ ᎤᎵᏍᎪᎸᏓᏁᎲ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎾᏍᎩ ᎾᏛᏁᎮᏍᏗ; ᎾᏍᎩᏃ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᏂᎦᎥ ᏕᏥᎸᏫᏍᏓᏁᎲ ᎠᏥᎸᏉᏗᏳ ᎢᎬᏩᎵᏍᏙᏗ ᏱᎩ ᏥᏌ ᎦᎶᏁᏛ ᎨᏒ ᏱᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᎭ; ᎾᏍᎩ ᎤᏤᎵᎦ ᎦᎸᏉᏗᏳ ᎨᏒ ᎠᎴ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᎨᏒ ᏂᎪᎯᎸ ᎤᎵᏍᏆᏗᏍᏗ ᏂᎨᏒᎾ. ᎡᎺᏅ. (aiōn )
12 Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.
ᎢᏨᎨᏳᎢ, ᏞᏍᏗ ᎤᏍᏆᏂᎪᏗ ᏱᏥᏰᎸᏎᏍᏗ ᎦᎵᎬ ᏥᏥᏱᎵᏕᎭ ᎾᏍᎩ ᎢᏥᎪᎵᏰᏗ ᏥᎩ, ᎾᏍᎩᏯ ᎪᎱᏍᏗ ᎤᏍᏆᏂᎪᏗ ᏥᏥᎷᏤᎶᎢ;
13 Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.
ᎢᏣᎵᎮᎵᎨᏍᏗᏍᎩᏂ ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎨᏍᏗ ᎦᎶᏁᏛ ᎤᎩᎵᏲᏨ ᎢᏤᎳᏗᏍᏗᏍᎬᎢ, ᎾᏍᎩᏃ ᎤᏤᎵ ᎦᎸᏉᏗᏳ ᎨᏒ ᎬᏂᎨᏒ ᎢᎬᏁᎸᎯ ᎨᏎᏍᏗ ᏂᎯ ᎾᏍᏉ ᎤᏣᏔᏅᎯ ᎨᏣᎵᎮᎵᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ.
14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.
ᎢᏳᏃ ᎦᏰᏥᏐᏢᏕᏍᏗ ᎦᎶᏁᏛ ᏚᏙᎥ ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎨᏍᏗ ᎣᏏᏳ ᎢᏣᎵᏍᏓᏁᏗ ᎨᏎᏍᏗ, ᎠᏓᏅᏙᏰᏃ ᎦᎸᏉᏗᏳ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎤᏤᎵᎦ ᎢᏤᎳᏗᏙᎭ; ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎨᏒ ᎦᎬᏩᏐᏢᏗ, ᏂᎯᏍᎩᏂ ᎨᏒ ᎠᏥᎸᏉᏗᎭ.
15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale.
ᎠᏗᎾ ᏞᏍᏗ ᎩᎶ ᏂᎯ ᏂᏣᏛᏅ ᏳᎩᎵᏲᏤᏍᏗ ᏴᏫ ᎤᎸᎢ ᏳᏍᏛᏗᏍᎨᏍᏗ, ᎠᎴ ᎤᏃᏍᎩᏒᎢ, ᎠᎴ ᎤᏲ ᏚᎸᏫᏍᏓᏁᎸᎢ, ᎠᎴ ᎤᎵᏌᎳᏁᎯ ᎨᏒ ᏅᏩᎾᏓᎴ ᏧᏂᎸᏫᏍᏓᏁᏗ ᎨᏒᎢ.
16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.
ᎢᏳᏍᎩᏂ ᎩᎶ ᎦᎶᏁᏛ ᎠᏍᏓᏩᏗᏙᎯ ᎨᏒ ᎤᏍᏛᏗᏍᎨᏍᏗ ᎠᎩᎵᏲᎨᏍᏗ, ᏞᏍᏗ ᏯᏕᎰᏍᎨᏍᏗ, ᏫᎦᎸᏉᏓᏉᏍᎩᏂ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎾᏍᎩ ᏫᏂᎦᎵᏍᏙᏓ.
17 Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?
ᎤᏍᏆᎸᎲᏰᏃ ᎾᏍᎩ ᏗᎫᎪᏙᏘ ᎨᏒ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎤᏤᎵ ᎠᏓᏁᎸ ᎤᏓᎴᏅᏗᏱ; ᎢᏳᏃ ᎠᏴ ᏰᎦᎴᏅᏔᏅ ᎦᏙ ᎤᏍᏗ ᏭᎾᎵᏱᎶᎯᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ ᎾᏍᎩ Ꮎ ᏄᏃᎯᏳᏒᎾ ᎣᏍᏛ ᎧᏃᎮᏛ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎤᏤᎵᎦ.
18 Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?
ᎢᏳ ᎠᎴ ᎤᏓᏅᏘ ᎤᏎᎦᏨᎯ ᎠᏥᏍᏕᎸᏗ ᎨᏎᏍᏗ, ᎭᏢ ᏭᎾᏄᎪᎢᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᏂᏚᏁᎶᏛᎾ ᎠᎴ ᎠᏍᎦᎾᎢ.
19 Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.
ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ, ᎾᏍᎩ Ꮎ ᏄᏍᏛ ᎠᏓᏅᏖᏍᎬ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎠᏂᎩᎵᏲᎩ, ᏫᏓᏂᏲᎯᏏ ᏧᏍᏆᏂᎪᏙᏗᏱ ᏧᎾᏓᏅᏙ, ᎣᏍᏛ ᏕᎤᏂᎸᏫᏍᏓᏁᎲᎢ, ᎾᏍᎩᏯ ᏄᏓᎵᏓᏍᏛᎾ ᎤᏬᏢᏅᏅᎯ ᏥᏓᏂᏲᎯᏎᎰᎢ.